Xaafuun oo dadka ay bilaabeen in ay isaga baxaan (Warbixin)

July 30, 2012   //   Warar Somaali

Wararka aanu ka helayno magaaladda xeebta ee Xaafuun ayaa sheegaya in halkaasi dadkii ku noola ay bilaabeen in ay isaga baxaan, ka dib markii ay soo wajahday caqabado maamul xumo.

Dadka degaanka ayaa cabashooyin ka muujiyey in ceelkii biyaha ee magaaladda ay dageen ciidamo ka tirsan kuwa SARACEEN, iyagga oo sidoo kalena tilmaamay in duqa degmadda Xaafuun Maxamuud Booliwadde uu ka shaqeynayo sidii magaaladda fariisimo iyo waliba ceelka biyahaba ay dagaan ciidamada Saracen. Isagoo gacan weyn ka geysanaya dhaq-dhaqaayadan.

Odayaasha iyo waxgaradka degaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa muujiyey in mudo dhan 6 sanno uusan wax Maamul ah ka jirin degaanka iyagga oo dhanka kalena sheegay in haatan ay magaaladda ku sugan tahay meel u baahan badbaadin.

Nabadoono ku sugan Xaafuun oo la soo xiriiray Xafiiska Puntlandnews ee  ayaa u sheegay in ay dhowr jeer oo hore ay baaq u jeediyeen Xukumadda Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo ku aadan in dhibaatooyinka haysta dadka degaanka wax laga qabto.

Iyagga oo sidoo kalena sheegay in ay ka soo horjeedaan wax walba oo midnimadda iyo sharafta Puntalnd wax u dhimaya, .

Nabadoon Yaasiin Xaaji oo ka tirsan waxgaradka Xaafuun ayaa sheegay in maantay la joogo xilligii la badbaadin lahaa degaanka isla markaana qurba joogta u dhalatay degaanka Xaafuun u soo jeediyey in ay cadaadis badan ku saaran xukumadda in arimaha cakiran ee degaanka ka jira wax laga qabto.

Dhawaan ayeey aheyd markii halkaasi ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa SARACEEN kuwaas oo iska horimaad uu ku dhex maray iyagga iyo ciidamo degaanka ah halkaas, waloow weli aan xal rasmi ah laga gaarin arimihii halkaas ka dhacay.

Xafiiska wararka

Puntlandnews

Garowe,Puntland

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. asc xaafun balaayo kama jodho webkan waxiisu maahan saxitaan ee waa isku dirka iyo bur burinta pl walee dowladi jaaale siyaad bare qabkii loo bur buriyey baa meesha ka muuqata dadka rer pl nabada baa uga dadhay iyo barwaaqada 20kasano kujiren waayo haday jiritanka pl rabaan gaas umay sacabiyen faroolana may caayen gaas anuu ader iyahay waxana u arka shaqsi pl bur burinaya oo raba inuu muqdisho hoskeno farole na nadaam dowladnimo buu pl u horseday inkastu ku guul daraytay midaynti iyo difaacidi xududihi pl

  2. Foocaar says:

    Warkaan ka soo yeeraya Xaafuun waa war naxdin leh murugana ku beeraysa dadka ku abtirsada deegaanada hoostaga Xaafuun awal waan ogeen in Duqa degmada uu heshiis lagalay shirkada Saracen isagoo aan kala tashan Qabiilada la dega deegaanka beesha Cusmaan Mohamoud hadana waxaa dhacay in la kufsado Gabdhihii deegaanka xaafuun ku dhashay oo Dawladuna ay Qarinayso waxyeelada loo gaystay, Qaar dhalinyaradii lagu soo qabtay xaafuun oo uu wasiirku ku sheegay kaluumaysato ayaa wali xabsiga ku jira iyadoon wax maxkamad ah la keenin, halkaan ka dhagayso hadlakii Khalif Ciise Mudan http://horseedmedia.net/2012/05/31/wasiirka-amniga-pl-dadkii-lagu-soo-qabtay-xaafuun-qaar-baa-kaluumaysato-ahaa/
    waxaa kaloo ka dhacay xaafuun in Buurta dul xaafuun lagala baxay dhagax dahab ah oo qaali ah oo uu guumaaystihii ku aasay, waxaa kalo jirta dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee dul xaafuun degnaa in iyagana xoolahoodii laga soo dajiyey Dusha looguna hanjabay waa nila xirayaa, Waxaa heshiis cad la galay duqa degmada group uu ka mid yahay Maxamuud Shido oo mashaariic uu wado Axmed Saciid Awnuur ay labaduba isku beel yihiin faroole wax ku cunaya magaaladi, aawaye hadaba dadkii lahaa Xaafuun kuna abtirsan jiray Cusmaan Maxamuud waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa fariimo muhiim ah.

  3. daljire says:

    vivo plnews24 sii wada howsha fiican.

  4. Hersi says:

    nbadda ha laga shaqeeyo..yaan balaayo iyo fitno loo qeylo dhaansan….wax walbana waa in miis lagu xaloyaa….!!

  5. suldaan says:

    so funny you need bring back paricy
    because missed income from themkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. thanks marka hore waxan ku faraxsanahay in aan akhristo website kan sababtoo ah waa website yada kawarama wararka dalka gaar ahaan puntland hada aniga waxan akhristaa website-yo badan oo web kaan kamid yahay marka waxan idinku baraarujinayaa in aad sii wadaan shaqada aad bulshada reer puntland u haysan waana mahadsantihiin by: ugaas mohamed

  7. xaafuun says:

    waxaa wali jira maamul uu cadde soo magacaabay oo ku meel gaar ahaa walina hada haya waxuuna marayaa in ka badan 6 sano .taa xaq matahay

  8. xaafuun says:

    waa sax waana wax jira oo aan indhahayga ku arkay dwladuna waa ka aamusan tahy arintaa , iyado ilma faroole ay marar badan yimaadeen xaafuun

  9. Puntlander says:

    aad iyo aad baan ugu habalyeynayaa puntlandnews24,waxaan qabaa waxay muujisay dadaal iyo fir fircooni sababayna waxay u noqotay arintaasi in dhankiina lagu soo xirto pp laga soo wareego website-yo aanu horay ugu xirnayn.waxaan idin leeayahay inidnkuna dadaalka halkaas kasii wada,mar walbona xaalada soomaaliya gaar ahaan tan puntland xogteeda hoose il dheer ulahaada maaadaaaama hada kala guur lagu jiro

    mahadsanidiin

  10. Ali ali says:

    aad baad u mahasan tihiin bahda Puntlandnews anaga waxaa ku xiran nahay webkiina sababtoo ah wararka dalka isaga noo soo gudbiya.

    wakhtiga aad ku bixiseen ku mahadsanidiin horey horseedmedia u aqrisan jiray laakiin hadda waxaa u soo wareegay puntlandnews kor Allaah idin yeelo

Leave a Reply