Xaaladda Kismaayo oo dagan iyo 10-qof oo dagaalkii shalay ku dhimatay

February 24, 2013   //   Warar Somaali

Xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa maanta ah mid dagan, kadib markii shalay ay ka dhaceen magaalada dagaallo dhexmaray ciidamo katirsan maamulka KMG gaarka ah ee magaalada iyo maleeshiyo beeleed doonayay inay xoog kusoo furtaan dad arimo amaan ugu xiran xabsiga dhexe ee Kismaayo.

Wariye Khadar Maxamuud oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in toban qof ay ku dhinteen ilaa iyo hadda dagaaladii shalay dhacay, ayna jiraan dhaawacyo inkastoo wali aan la hayn tirakoob rasmi ah.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa lookala qaaday xarumaha caafimaadka kale duwan ee magaalada Kismaayo.

Dagaalkii shalay kadhacay Kismaayo ayaa waxaa cambaareeyey dowladda faderaalka ee Soomaliya, iyadoo uu yimid markii uu baaqday shir la qorshaynayay inuu ka furmo maalintii shalay Sabto, 23,2,2013.

Puntland-News24

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Wiil sade says:

    K.k.k.k maxa dhahdeen nimanka wepka qorayow k.k ficil hadad muji wayseen ma afba maciin bideen

  2. ismail says:

    Tragic…Tragic..Tragic!
    You know you are against complex,biased,egocentric and greedy vulures.they have nothing to feed on and their rocky mountanious dry land is a barren wixzzz remnants of tsetse-flies. History will never be the same,and somalis will not be one again.ismail,s.africa.

  3. Afmadow says:

    Waxaa lasoo ogaaday in MOORYAANTII weerartay saldhiga in MUQDISHO lagasoo diray. Waxaa soodiray XAAD oo ka rajo qaba in magaalada ay DOOXADII-JUBBA ama ALSHABAAB ay magaalada kusoo noqoto. No more mooryaan, no more HAWIYE ACTION GROUP……….

  4. will badhan says:

    reer jubbland waxaan idin oranlahaa
    war aahihiina ka tashada kuwa daba dhilifka u ah
    dam-jadiid iyo al shabaab waa isku mid si isku
    mid ah haloola dagaalamo

  5. Jigjiga says:

    Ogaysiiiiiiiiiiiis sidan ayay wax udhaceen taliaha dhintay waa wagardhac darato ayuu baadhitaan dheerkusameyay xafadaha loga shikisana alshabab kadib waxuu soo xidh xidhay mooriyan ree diini aha oo alshabaab aha kooxdi mooriyaanta waxa laga dilay 6 oo isku reer aha dhanka raaskambooni waxaa geeriyooday taliyihii saldhiga oo wagar dhac aha iyo wiil uu ader uyahay oo ilaaladisa kamid aha hada sheekadu waxay maraysaa WAGAR DHAC VS REE DIINI dhaawicii mooriyaanta waxaa lolacararay baadiyaha oo ay alshabaab ku dhumalaysanayaan

  6. Bashane says:

    maamulka kismaayo,waxaan ku boorinayaa inaay Adkeeyaan amaanka magaalada,Ururka Al-shabaab iyo inta xiriirka sokeeye la lehna laga feejig naado ,loolana dhaqmo si naxarista ka baxsan,loona gudbiyo maxbiistooda xabsiyada caalimiga ah,ee aan lagu haayn dalka gudihiisa shirkuna u socdo sidii loogu talagalay nin walbana awrkiisu qaado.

Leave a Reply