Xaaladda Saxaafadda Soomaalida oo lagala hadlay Dowladda Ghanna (Sawiro)

August 25, 2012   //   Warar Somaali

Madaxda sare oo ka tirsan Suxufiyiinta aduunka ayaa shir waxa uu uga furmay dalka Ghana, kaas oo ay kulankii ugu horeyay la yeesheen Madaxweynaha dalka Ghana John Mahama, kulankaan oo ahaa mid diira lagu saarayo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka loo geysto saxaafadda caalamka.

Guddoomiyaha xiriirka guud ee ururrada Suxufiyiinta Afrika, Cumar Faaruuq Cusmaan, oo haatan jooga dalka Ghana ayaa sheegay Puntlandnews24 inay Madaxweynaha dalkaas, John Mahama, ay kala hadleen sidii madaxda ururka Midowga Afrika ay u oggolaan lahaayeen xeer lagu ilaalinayo suxufiyiinta qaaradda Afrika.

Cumar Faaruuq ayaa sidoo kale sheegay in kulankani uu xoojinayo sidii suxufiyiinta Aduunka iyo weliba kuwa qaaradda Afrika sanad walba ayaa dhibaatooyin kala duwan loogu geystaa meel looga soo wada jeesan lahaa isaga oo xusay in qaar la dilaa, qaar la xiraa, halka qaar kalena jirdil iyo hanjabaad ay kala kulmaan maamulada ka jira Afrika.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha dhibaatada ugu badan ay ka soo gaarto weriyayaasha ka hawl-gala Madaxweyne John Mahama iyo Guddoomiye Cumar Faaruuq ayaa ka wada hadalay sidii gacan loo siin lahaa Saxaafadda Soomaalida oo dhibtooyinka ugu khatarta badan ay haystaan.

Cumar ayaa xusayi n Madaxweynaha dalka Gahna uu yahay nin saxaafadda in badan la soo shaqeeyay, taasina ay u doorteen in ay dalkiisa tagaan, waxa kale oo uu sheegay in rajo wanaagsan ay gelin doonto in saxaafadda Soomaalida ay ka baxdo dhibta ay ku jirto.

waxaa isla gartay in Maxkamadda la soo taago dadka loo aaneynayo in ay dil,xarig iyo weliba hanjabaadaha u geystay Saxaafadda kuwaas oo qaarkood haysta dhalasho dalalka horumar ah isla markaana xooga la saaro sidii sharciga loo keeni lahaa.

Sanadkan 2012 waxaa Soomaaliya lagu dilay illa iyo 8 Wariye taasi oo ka dhigaysa tiradii ugu badneyd ee taariikhda dalka lagu dilo mudo dhowr bilood ah gudahood, iyadda oo dhibaatooyinkan kuwa la mid ah ay ka jiraan dalal kale oo Afrika ah sida Eritrea iyo Ethiopia oo ka mid ah meelaha ay ku xiran yihiin weriyayaasha ugu tirada badan qaaradda.

Puntland News 24
Ghanna , Afrika

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply