Xafiiska Ururuka ka qalinjabiyaasha aduunka Jaamacadda Al-azhar faraciisa Puntland oo Qardho laga furay(Sawiro)
March 15, 2013 // Warar SomaaliKulan ay ka soo qeybgaleen Asaariyiinta ku nool
Puntland,Macalimiinta Bicthada Machadka Al-azhar Qardho,Gudiga Maamula
Machadkaasi,
Ardayda haatan wax ka barata Jaamacadda Al-azhar ee wadanka
Masar ayaa waxaa la furay Xafiiska Ururuka ka qalinjabiyaasha aduunka
Jaamacadda Al-azhar faraciisa Puntland waxaana lamagacaabay labo gudi
oo kala ah gudiga fulinta iyo gudiga shuurada waxaana gudoomiyaha
golaha Fulinta loo doortay C/wali Siciid Barre halka kuxigeyn loo
magacaabay Fowsia Cusmar Salaad,Xoghaaya guud Shiikh C/wahaab
C/qani,Khasnajiga Maxamed Cawad Gelle,Madaxa arimaha Dibadda C/rixiin
warsame Diiriye,Xiriiriyaha Ururada iyo iskuulada Maxamed Faarax
Xooshle.

Ugu horeyntii waxaa ka hadalay Aas aasaha Xafiiska Ururuka ka
qalinjabiyaasha aduunka Jaamacadda Al-azhar faraciisa Puntland
C/rixiin Warsame Diiriye oo sheegay in xafiiskaan loogu talagalay in
uu wax ka qabto arimaha waxbarashada,kana midyahay xafiisyada ay
leeyihiin Ururka qalinjabiyaasha aduunka Jaamcadda Al-azhar waxa uu
xafiisyo badan ku leeyahay daafaha aduunka,isaga oo tilmaamay in
xafiiskaan lagu wado in uu ka qeybqaato arimaha hormarinta Bulshada.
C/llaahi Khaalid Aw-muse oo ka mid ah gudiga gacanta ku haya Machadka
Al-azhar Qardho ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweenayo doorashada ka
dhacday Qardho iyo furitaan xafiiska,
Waaxa uu sheegay in wax weyn ka badalidoono arimaha waxbarashda,waxa uu u mahadceliyey dadaalka ay
wadaan dhalinyarada maskaxda furan sida ay u hormarinayaan xiriirka
Machadaka Al-azhar iyo ka qalinjabiyaasha Jaamacadda Al-azhar, waxa uu
amaan iyo mahadcelin u jeediyey Shiikha Al-azhar Dr.Axmed Dayib
Waxaa sidoo kale ka hadalay Madaha Bicthada Macalimiinta Masaarida
Qardho Shiikh C/wahaab oo sheegay in uu soo dhaweenayo furitaan
xafiiskaas iyo magacaabista labada gole,waxa uu sheegay in xafiiskaan
faa’dio badan keeni karo waxbadan ku soo kordhinkara xiriirka Xafiiska
Ururuka ka qalinjabiyaasha aduunka Jaamacadda Al-azhar.

Ugu danbeyntii waxaa ka hadalay Munaasabadaani Gudoomiyha Golaha
Fulinta Xafiiska Ururuka ka qalinjabiyaasha aduunka Jaamacadda
Al-azhar faraciisa Puntland ee magaalada Qardho laga furay C/wali
Siciid Barre waxa uu soo dhaweeyey xilka loomagacaabay,waxa uu balan
qaaday in xilka loo dhiibay sida ay tahay ugu soo bixi doono,waxa uu
dhalinyarada ka qalinjabisay Jamacada Al-azhar ugu baaqay in ay la
shaqeeyaan.

Xafiiskaan ayaa ah xafiiskii ugu horeeyey ee noociisa laga furo
Puntland,waxa uu Ururuka Ka qalin jabiyaasha Jaamacadda Al-azhar
xafiisyo kala duwan ku leeyahay dhammaan daafaha aduunka,waxaana ka
shaqeeyo ardadya ka qalinkabisa Jaamacadda Al-azhar ee Dalka Masar.









waa markii kowaad oo aan arkay webkaan qoraya wax fiican ama faa ido u leh dadkooda iyo dalkooda,maanta waa mahadsantahiin berri ma huba waayo waxaan idin ku bartay dhaqan xumo aad u wayn.
mahad dhamanteed allaah ayaa iska leh nabadgelyo iyo naxariis rasuulkeena ha ahato waxaa kalo mahadsan qorasha puntlandnew24 sida aad noola soo socodsiisan horumarka gobolka karkaar gar ahan Qardho waxa u rajaynaya dhaman shacabka reer Qardho iyo dhaman reer puntland meesha ka sii wada ayan leeyahay insha allah guul iyo gobonimo
Timirtii horeba dab loo waa, lol!
Aad iyo Aad baan u soo dhaweeynayaa gudigaan waana guul iyo talaabo horu mar ah,
hadaan nahay ardayda puntland ee dalka masar ku noo wada shaqeeyn fiican baan idin rajeeyneynaa
Waxaa mahad leh Alle, waxaana aad ugu farax-sanahay Faracaan cusub ee jaamacadda Al-azar ku soo kor-dhisay degmada qardho,waxaana U mahad celinayaa Dawladda Masar,Jaamacadda Al-asar iyo macalimiinta degaanka qardho ka hawl gela,una dhabar aday gay duruufo badan oo dawlad la’aanta Soomaaliya ka jirta sababtay,waxaan kula dar-darmayaa shicibka Qardho inaay mas’uuliyad buuxda iska saraan Jaamacadda iyo Macalimiinteeda kana Feejig nadan wixii wax u-dhimikara sharafta dalka soomaaliya.