Xaflad Lagu Taageerayay Ururka Mucaaradka Midnimo Oo Ka Dhacday Dalka Sweden (Sawiro)
January 6, 2013 // Announcement, Warar SomaaliXisbiga Midnimo oo Lagu Asaasay Hotel Jubba ee Bosaaso, Xafladi Lagu Tageeraayo Xisbiga Midnimo ka dhacday Hotel Jubba ee Stockholm. Labada Hoteel magacooda waa Jubba.
Waxa taariikhda markii ay ahayd 6/1/2013, saacada fiidkiin 18:00, lagu qabtay Hotelka quruxda badan ee lagu magacaabo Jubba Hotel, ee ku yaala Magaalada Stockholm xaflad aad loo soo agaasimay, taas oo ay ka soo qayb galeen Aqoonyahanno, Odayaal, xildhibaano, ururada bulshada, haweenka, iyo weilba dhalinyarada, ku nool Sweden. Waxa xafladaas loogu tala galay in loogu muujiyo tageero buuxda Xisbiga Midnimo ee dhawaan ka hana qaaday Dalkeenii Hooyo, ee Dhulkii Uduga ee State of Punt Land.
Halkaas oo Xisbiga Midnimo lagu aasaasay, lakiinse si fudud shucaaciisii iyo saxan saxadiisii ku soo gaaray qaarada Europe , gaar ahaan Waqooyiga Europe ee Sweden, oo uu deggenaa Muddo ka badab 30 sanno, Hogaamiyaha Ururuka Dr Sadiq Enow.
Waxaa halkaan lagu furay Aayadaha Quraanka , iyada oo shirkasta oo Midnimo qabto ay astaan u tahay in lagu furo Quraanka Eebe sareeye. Waxa halkaas Aaayado Quraan ka akhriyey Siikhul Azhar, Mr Ahmed, oo ay dadka dhagahooda ku raaxeysanayeen, quraanka kariimka uu Eebe ugu tala galay basharka iyo caalamka. Shirkii aan lagu furin quraanka eebe waa mid aan natiijo buuran lahayn.
Kedib waxaa xiriiriyaha Xaflada ama gudoomiyaha Qaban qabada Shirka Mr Abdi Wajid Farah Iise uu si wanaagsan u faah faahiyey fikrada ka dambeysay xafladaan, isaga oo yiri: Waxan caawa iskugu nimid in aan taageero buuxda u muujino Xisbiga Midnimo, oo aan tuseyno in aan garab taaganahay, sababta oo ah waa Xisbi ay ku midoobeen oo laga daalacan karo aqoonyahanadii, Culumaaù diinki, waxgaradkii, haweenkii iyo dhalinyaradii oo dhan. Waxan si hagar laán ah ugu how galeynaa sidii uu xisbigaan ku gaari lahaa yoolkiisa siyasadeed oo ah u adeega dadweynaha oo aan ahayn in aan laga shaqeysan bulshada ee loo shaqeeyo.
Abdi wajid wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay Prime Ministerka Sweden Mr Fredrik Reinfeldt oo uu yiri anniga oo magaalada maraaya ayaan arkay Prime Ministerka Sweden iyo Wiilkiisa iyaga oo dukaan ka adeeganaaya, oo waxay galeen safkii dadka dukaanka ka adeeganaayey ay ugu jireen in ay bixiyaan lacagta. Prime Ministerka waxa ciidan ah oo la socday ma jirin sida kuwa Somalida oo ay galbinayaan Baabuur baroono ah oo hubeysan iyo Ciidan boqlaal gaaraaya, waxan rabnaa in aan arintaan wax ka bedelno, oo aan tusno in aan shacabka iyo madaxdooda ay noqdaan kuwa isku kalsoon oo aan la kala ilaalin.
Kedib wuxuu mikrafoonka ku soo dhoweeyey Afhayeenka Xisbiga Mr Abdirahman Osman Yasin oo goob joog ka ahaa asaaskii Xisbiga Midnimo, oo si qoto dheer uga faalooday, sababaha loo aasaasay Xisbiga, iyo fikrada ka dambeysay, waxa uu yiri: Xisbiga Midnimo (UNITY PARTY) waxa keenay in la aasaaso, markii ay si cad u muuqatay, in hanankii dalka uu meel aan wanaagsaneyn marayo, oo hadii ay noqoto aamaankii, dhaqaalihii, cafimaadkii, iyo meelaha kale ee adeega bulshada lagu fashilmay in wax laga qabto, ayay nala noqotay bal in annagana aan isku deyno, bal in aan wax ka qabano arrimahaas oo dhan iyo kuwa kale, tusaale ahaan amaanka Punt Land maanta wuu liitaa , waad maqashaan waxyaabaha ka dhaca Punt Land, wax idinka qarsoon maáha.
Mucaaradka iyo Dowlada waxa ay isku marinayaan waad maqashaan Mass Media-aha, arintaas oo aan wanaagsaneyn, oo ay ahayd in la muujiyo dulqaad iyo xilkasnimo, waxa uu Ururka Midnimo, cadeynayaa in Xilka Dalka aan Cidna looga Marti ahayn, oo idinka qudhiina oo shacabka ah aa wax ku leedihiin Talada Dalka oo aad qaybtiina ka qaadataan.
Lakiinse hadii aad aamustaan, ha sugina in ay cid kale idiin yeerto.
Waxan idinka Codsan lahaa in rayigiina iyo talo soo jeedintiina la maqlo. Afhayenka oo intaas ku daray in Midnimada Somalia ah tahay Muqatis, lakiin isla markaas la tixgeliyo Dastuurka dalka u yaala oo ah Federal, oo la soo dhaafay xilligii qof qura iskaga takri fali jiray masiirka umadda.
Intaas kedib waxa Mikroofanka lagu soo dhoweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo ee Dalka Sweden Mr Fowzi Mohamud Abdulle oo sheegay in dadweynaha aay muujiyaan rabitaankooda, oo ay daweynahu doortaan cidda Madaxda noqoneysa, iyagoo u fiirinaya qofka diintiisa, aqoontiisa iyo amaanadiisa-ba, qofka diinta dhab u haystaa waa qof aamin ah, marka hogaamiyeyaasha Xisbiga Midnimo waa walaalo lagu aamini karo dalka iyo dadka, sababta oo ah waxay la yimaadeen shuruudii looga baahnaa hogaaminta suuban.
Mr Fowzi oo yiri: Dalka Masar waxaa muddo dheer hogaaminaayay Ciidamo, lakiin markii uu shacabka kacdoon sameeyey si fudu looga qaaday Xukunkii, taas waxa sabab u ah , hogaankaas oo aan ahayn mid suuban oo u adeegayey dalka iyo dadka. Fowzi oo hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey: “Gabay uu tiriryey nin Carab ahaa, oo ahaa Micnihiisa: Qofkii Diida in uu fuulo ama koro Buuraha dhaa dheer, wuxuu wakhtigiisa ku qaadan doonaa ama ku Noolaan doonaa muddo dheer Godadka Dhexdooda” taas oo micnaheeda ah, hadii aysan shacabku ku bixin juhdi badan sidii ay nolo xor ah u gaari lahayeen, waxay wakhtigoosa ku dhameysan doodnaan in ay ku nooladaan godod mugdi ah.
Intaas kedib waxa Mikrafoonka lagu soo dhoweeyey Xildhibaan Abdi Abdulle (Jini Boqor) oo shegay in Demoqraadiyada iyo Axsaabta Badan ay Punt Land ka bilaabatay Muddo dheer, oo 50 sano ka hor ay Axsaab sameysteen Punt Land ama Somalia-ba, sannadkii 1960 -yadii waxa dalka ka furnaa 68 Xisbi, taas oo ku tuseysa heer siyasada ay Somalia berigaas mareysay, waa nasiib daro in aan maanta ka dib dhacnay Afrikaanka kale, oo aan awal hogaanka u hayney.
Mudana Jini Boqor ayaa sheegay in 1 sanno aysan ahayn muddo badan oo ay dulqaad muujiyaan Mucaaradka iyo Dowladaba oo wax ay isku ahayaan lagu dhameeyo si walaaltinimo ah, isla markaas la tixigeliyo oo laga shaqeeyo horumarka dalka iyo Bulshada.
Intaas kedib waxa Mikrafoonka lagu soo dhaweeyey Mudane Mohamed Salah, oo si qoto dheer ah uga hadlay, in la ilaaliyo xasiloonida Punt Land, oo aan la gelin qalalaase, oo Demoqradiyada qudheeda ay mararka qaarkood leedahay dul duleelo, oo lagu talo galo in dul deuleeladaas la owdo.
Intaas kedib waxa ka hadlay Xaflada Mr Mohamed Cawad oo yiri Dr Sadiq waxan is garaneynay muddo 30 sanno ku dhow, waxaa uu ahaa nin jecel in uu talada la wadaago walaalihiis, nin aqoonyahan ah , waxan ku xusuustaa Buugii uu ka qoray Dagaalkii Ogaden , ee ay Somalia dagaal la gashay Ethiopia, oo markaas Dr Sadiq iskiis iyada oo cidna maalgelin ku sameyn uu la xiriiray Jeneraaladii Goobjooga ka ahaa Dagaalkaas , sida Wasiirkii Gaashan Dhiga ee Somalia Jeneral Mohamed Ali Samatar. Dr Sadiq waa kahbiir xagga sugaanta waana takhtar, waana nin diin leh. Lakiin waxa hagaagsan in qofka hogaamiyaha ah aan sax iyo khaladba lagu taageerin, oo hadii uu khalad galo la saxo.
Intaas kedib waxa Mikrafoonka lagu soo dhoweeyey Mr Mukhtaar Carab, oo ka sheekeeyey Taariikhdii Colonell Enow oo ku dhintay isaga oo difaacaaya Dalkiisa hooyo (Dagaalkii Ogaden) Colonell Enow waxa laga yeeray Italy (Rome) oo markaas ka howl galaayay, si uu u hogaamiyo ciidanka, isaga oo ahaa hoogaamiye xagga ciidaankii Dagaalkii 1977, oo uu ku dhintay Magaalada Dirir-Dhabe, halkaas oo ay ka xoreeyeen Xabashiga. Madaama uu aabihiis yahay Enow, waa u qalmaa Dr Saqdiq in uu qabto jagadaan ayuu Yiri Mukhtar Carab.
Intaas kedib waxa Mikrafoonka qaatay Mudane Al Fanaan Burhaan Indha dheero, oo lagu xasuusto heestiisiis ahayd: Quruxda hay gala maqanaan, waxad ii tahay Muraayade” Burhaan oo yiri anniga shaqsi ahaan waxan ka soo jeedaa Magaalda Buur Tinle, waana taageersanahay Xisbiga Midnimo (Unity Party), waan ku daalnay odayaal 60 keliya ah in ay doortaan Madaxda Dalka, waa in la abuuraa jawi ah Xisbiyo badan, oo qof kasta oo muwaadin ah bixiyo codkiisa” ayuu yiri Mr Burhaan
Intaas kedib waxa bilowday casha sharftii aad loo soo agaasimay.
Warka : Punt Land News 24 Stockholm













http://www.facebook.com/pages/Taagereyasha-xisbiga-Midnimo/399968060095716
WAKAASA PAGKE TAAGEREYASHA XISBIGA MIDNIMO. FACEBOOK PAGE OF MIDNIMO PARTY.
viva xisbiga midnimo viva dr saadiq eenoow
Maashaa Alaah, Xisbiga Midnimo, waa Xisbi ay ka muuqdaan Aqoonyahanno, Culuma aaudiin, ururrada Bulshada oo dhan. Waa Xisbi Lagu aamini karo Masiirka Ummada Punt Land, iyo weliba masiirka Somali Weyn. Guul Midnimo
Aqyaarta i taageersan iyo kuwa mucaaradka fasax baan ku maqnaa ee difaaceygi codadka aamusan wali meeshiisii ayaan ka wadaa.
aad baan u taageersanahey in si caddaalad ku jirto loo dhammeeyo mashaakilka hadda taagan beelaha qaarkoodna ay gartaan in ayaga kaliya ay talada iyo hoggaanka Puntland laheyn oo ay ka waantoobaan xukunjacaylka indho laanta ah. haddii taa la waayo waxaa waddanka waxuu ku dambeyndoonaa bur bur. allah waxaan ka baryaya in cidkasta oo dhibaato nagu haysa naga qabto ciddey doonto iyo kooxdey doonto ha ahaatee.
mashalaa midnimo wa xisbi tageerayaal badan dal iyo dibadba wanan uhan balyaeynayaa bar naamij kiisa waana dad ka xalaasha ah ee wadanku ubaahanyahay ee aan ahayn hogamiyakoo xeed yada ina wareer shay iminka ee xukun ka uwaashay hanbalyo