Xaflad loo qabtay ardayda Soomaalida ee Malaysia (Sawiro)

October 16, 2012   //   Warar Somaali

Wararka aanu ka helayno dalka Malaysia ayaa sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay halkaasi aad u sii kordhayeen ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ka barta, kuwaas oo sidoo kalena ka qalin jabiyey kuliyado kale duwan.

Xaflad  ka dhacday dalka ayaa waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyey arday badan oo Soomaali ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeed goboladd Puntland, Sida PN24 uu xaqiijiyey Cabdiraxman Karuur Cilmi Mataan (Qalwo) oo halkaasi ku sugan.

Karuur ayaa noo sheegay in Soomaalida dalkaasi wax ka barta ay gaareen halkii ugu sareeysay ee taariikhda inta la ogyahay, iyadda oo ay u badan yihiin ardayda dhigtay Kuliyadaha kala duwan sida xiriirka caalamiga ah, dhaqaalaha,caafimaadka iyo kuwa kale oo badan.

1. Human resource management

2. International relationship

3.Islamic finance and banking

4.information technology (IT)

Ardayda Soomaalida ayaa ah kuwa wax ka barta dalala badan sida Uganda,Masar,Sudan iyadda oo dalka Malaysia uu ka mid yahay goobaha ugu badan oo ay waxbarshadda u raadsadaan mudooyinkii ugu dambeeyay.

Xafladaan ka dhacday dalkaas oo arday shaadooyinka lagu gudoonsiiyey ayaa waxaa soo agaasimay qaar ka mid ah arday Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta kuwaas oo qaarkood muujiyey sida ugu faraxsan yihiin in ay dhameysteen waxbarshadda heerka 1aad ee Degreega.

1.     Mohamud Mohamed salad

2.     Khalid salah sheekeye

3.     Cabdirahman karuur Cilmi Mataan (Qalwo)

4.     Ismail Axmed Cali (Gani)

Puntlandnews 24
Newsdesk

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply