Xaflad loo qabtay Ciyaartooyadii xulka G/Karkaar (Sawiro)

February 16, 2012   //   Sports, Warar Somaali

Munaasibad aad soo agaasimay oo lagu soo abaal marino lagu gudoonsiinayey xulkii kubadda cagta ee Gobolka Karkaar ayaa lagu qabtay hoolka beeyadda ee Degmadda Qardho, taasi oo dhacday maalin ka dib soo dhaweyntii ugu sareyay loo sameyay xulka Karkaar.


Xafladaan oo ay ka soo qeyb galeen Masuulyiin ka tirsan Maamulka Puntland,Waxgarad,qurba joog,Haween,Dhalinyaro iyo weliba qeybaha kala duwan ee shacabka Gobolka Karkaar.

Ugu horeyn waxaa lagu furay Aayado quran ah oo uu aqriyey Abshir Bashir Ciise, intaas ka dib waxaa dadkii munaasibadda ka qeybgalay la baray ciyaartooyadii xulka gobolka Karkaar iyadda oo mar keliya sawaxan iyo sacab hoolka is xiray.


Xafladda ayaa aheyd mid ay soo agaasimeen Shacabka degaanka Qardho iyo Maamulka Dowladda Hoose ee degmadda Qardho ayaa ku bilaabtay jawi aad u degan. Intaas ka dib waxaa hadalka la siiyey Mudane. Maxamed Siciid Ciise Hogaamolaroor Duqa degmadda Qardho oo in badan ka hadlay in maamul ahaan ay qorshaha sanadkaan ee barnaamijka JPLG in dayactir lagu sameeyo garoonka kubadda cagta ee Qardho.

Hoogama laroor ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay wixii maamul ahaan ay qabteen tan iyo intii loo doortay xilka duqa Caasimadda Qardho, isaga oo sheegay in badan ay wax ka qabteen waxbarshadda,Amniga,dhaqaalaha iyo weliba Caafimaadka.


Sidoo kale waxaa dadkii shirweynaha ka hadlay ka mid ahaa Cismaan Dhaloweyne oo ka tirsan Aqoonyahanka u dhashay Qardho, kaas oo sheegay in Sportiga yahay waxa mudan in la dhiiro geliyo, dhalinyaraddana ay ka qeyb qaataan ilaalinta Amniga.


C/weli Xasan Gooni oo ka tirsan dhalinyaradii soo diyaarisay xafladda loo qabtay xulka gobolka Karkaar, ayaa ugu horeyn waxa uu mahadcelin u jeediyey Saxaafadda sida wanaagsan ay uga qeyb qaateen soo gudbinta wararka Ciyaaraha goboladda ee Puntland, iyo weliba sida qiimaha leh ay shacabka Qardho soo dhaweynta ugu sameeyeen dhalinyarada Sportiga, isaga oo ku amaanay Laacibiinta ciyaartooyadda Qardho in ay noqdaan kuwa isku duubni muujiya, isaga oo sheegay in sanadka dambe 2013 Alle haduu idmo ay soo qaadi doonaan koobka Puntland.


Axmed Shabiin oo ka tirsan Qurba joogta Puntland ayaa isaga waxaa uu si gaar ah u sheegay in sportiga Qardho yahay mid qiime weyn ku leh Puntland, isaga oo dhanka kalena shacabka degaanka kula dardaarmay in ay ilaaliyaan amniga iyo weliba sidii loo soo celin horumarka degaanka .


Sahro Siciid Jaqnaf isu duwaha wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska gobolka karkaar ayaa iyadda waxaa ay dhalinyaradda ku amaantay halkii ay ka soo gaareen ciyaarahihii goboladda Puntland, iyadda oo sidoo kalena codstay in la taageero sidii loo dhameystiri lahaa garoonka kubadda cagta ee Qardho.


Sureej C/laahi Waaberi Captankii xulka Gobolka karkaar ayaa isagana waxa mahadcelin u jeediyey guud ahaan Shacabka Gobolka karkaar gudaha iyo dibadda taageeradii ay muujiyeen, iyo weliba cid walba oo taageertay Xulka Gobolka karkaar.
: runtii gobolkeena waxaa uu yahay mid kaalin weyn kaga jira Puntland, waxaa ka codsaneynaa maamulka Puntland iyo qurba joogta in ay ka taageeraan gobolka in la hirgeliyo dhismaha garoonka kubadda cagta oo aan weli dhameystirneyn,iyo weliba in dhalinyaradda loo sameeyo Jaamacaddo,iyo xarumo ay ku bartaan Isportiga: ayuu yiri Sureej.

Hadalkiisa ayaa waxaa mar keliya u sacab tumay dadkii goobta fadhiyey, iyadda oo sidoo kale Xaawo Nuur Jaamac iyo Canab Muuse Xay ay goobta xafladda ka dhaceysay ku soo bandhigeen Buraan buro aad u qiime badan oo soo jiitay ka qeyb galayaasha.
Xafladii ayaa ujeedii laga lahaa ay aheyd in dhalinyaradda Sportiga gobolka Karkaar lagu dhiiro geliyo, iyo weliba sidii loo muujin lahaa in Karkaar ay tahay hooy Isport, ka dib markii Xulka Nugaal ay Xulka Karkaar si dirqi ah oo gool ku laad ah uga adkaadeen Koobkii finaalka ciyaaraha Puntland ee dhawaan garowe ku soo dhamaaday.


Sidoo kale waxaa ugu dambeyntii abaal marino iyo shahaadooyin la gudoonsiiyey Xulka gobolka Karkaar iyo weliba qaar ka mid ah dadka waxgaradka ah ee degaanka. Iyadda oo si gaar ah mahadcelin loogu jeediyey Faadumo Maxamed Saalax oo ka tirsan ganacsatadda degaanka ee taageertay Isportiga, iyo Iftiin Yuusuf Faratol iyo Sucaad Yusuf kaalintii weyneyd ay ka geysteen diyaarinta hoolka xafladda loogu qabtay dhalinyaradda Isportiga.
Waxaana baaq loo jeediyey shirkadda iyo hay’addaha gobolka ka jira in ay taageeraan Isportiga, isla markaana ay dhiiro gelin u sameeyaan dhalinyaradda degaanka, sida Ururadda Hado,Bisha cas,OTTI iyo weliba Dalladda dhalinyaradda KAYDNETWORK ay ugu qeyb qaateen soo dhaweynta dhalinyaradda.


(Fiiro Gaar ah qayb ka mid ah sawirada Taariikhda ku qoran  ayaa khaldan Raali gelin )

Xarunta wararka Puntlandnews24 Qardho,Karkaar

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Samatar says:

    Bis milahi raxmani raxim waxan idinku salamayaa salanta islaamka

  2. ufayn says:

    waaaaaaaaaaaaaaaa guuuuuuuuuul

  3. Wow wa laa layal waxad mu jesaan cayar aad iyo aad uqima badan guul wanagsan dhamaan tiin waxaan mahad gooni ah udirayaa dhmaan dadkii isku soo daba riday iyo cayaartoyda

  4. Gacaliye says:

    What mansha allah, f*CK?
    Waan ka xumahay fool-xumkada gafuur’duubashada
    ka muuqda gab’dhaha Soomaaliyeed.
    Warbal eega haweenka gafuurka duuban, ma dhaqan Soomaalibaa mise waa dhaqan guur ka timid carabta?

  5. qardho says:

    MANSHAA ALAAH KARKAAR WAA GOBOL KALE AH OO LAGA HILAAYO WAX WALBA HADAY NOQOTO CIYAAR HADAY NOQOTO WAX BARASHO HADAY NOQOTO SIYAASADA SOMALIYA MEEL WALIBA KAGA JIRAH RUNSHEEG WAXAAN KU SHIGAYAA INAYSAN KALA HAYN BARI IYO KARKAAR WAX SHIDAALKUNAH DHAROOR AYAA LAGA SOO SAARYAA DHAROOR IYO KARKAAR NAH WAX MAKALA AHAMGRTY VIVA KARKAAR

  6. KD says:

    Maanshaa. Alaah walaalayaal guul iyo sharaf baad soo hoyseen. Quruba joogta reer kar-kaar waad seexateen. Dhalinyarada. Ha la dhiiro. Galiyo. Oo qalab. Iyo. Dhar. Iyo. Kabo. Ha. Loo. Diro. Qaaraanka. Ugu. Horeeya. Waa iga. Diyaar. Waa in arintaas. Dhilin yarada. Qurba joogta. Kar kaar u istaagaan. Oo uruuriyaan lacagtaas. Oo. Niyada loo dhisaa. Dhalinta. Shaqo fiican bay qabteen. Guul. Guul. Waa in la sameeya a. Ururka. Qurba joogta kar kaar. It’s very important. Social network

  7. Runsheeg says:

    Waa dadaasheen reer karkaar inkastoo gobolku uusan ka qayb geli karin cayaaraha gobolada soomaaliya waayo wuxuu ka tirsan yahay gobolka Bari, waxaana idiin fiicnaan lahayd inaad dib ugu biirtaan Bari, soomaalia dastuurkeedana waxaa wax lagu qaybsanayaa 18 gobol, waxaan idinkula dardaarmayaa dib ugu biira gobolka Dekadda & shidaalka leh.

  8. Haxye says:

    Sawirada ayaa aad u liita laakin xaflada aad aye u fiicantahay Sawir qaadaha Kaamirada waxaa la rabay in si xayi u qaado.

Leave a Reply