Xaflad lagu soo xiraayey sanad dugsiyeedka 2011-2012 ayaa lagu qabtay Imaamu Nawaawi (Qardho-Sawiro)
June 9, 2012 // Warar SomaaliXaflad si heer sare loo soo agaasimay laguna soo xiraayey sanad dugsiyeedka 2011ilaa 2012 ayaa lagu qabtay Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Imaamu Nawaawi,waxaana ka soo qeybglay Gudoomiyaha waxbarashada Degmada Qardho,Gudoomiyaha waxbarashda Gobolka,Macalimiin,waalidiin,Ururada Bulshada,Arday,iyo Mas’uuliyiin ka socotay Hey’adda Tadamun.
Xafladaani oo laga soo jeediyey Qudbado kala duwan ayaa dhamaan waxaa diirada lagu soo ray hormarka uu gaaray Dugsiga Imaamu Nawaawi muddadii 10sanno oo ka jiray magalada Qardho,iyadoo laga hadlay as aasayaashii Dugsiga iyo marxaladihii uu soo maray.
Gudoomiyaha Gudoonka wax barashda Gobolka Bashiir Axmed oo ka mid ahaa aas aasaasayaashii iyo maamulayaashii soo maray dugsigaani ayaa waxa uu ka hadalay muhiimadda ay leedahay in la taageero goobaha wax barashda”Imaamu Nawaawi Markii la ga hirgaliyey Qardho waxa laga furay guri yar dadaal ay sameeyeen rag aan maanta ka shaqeyn iskuulka ayaa waxa ay soo gaarsiiyeen heerkaan,Dufcaddii sadaxaad ayaa ka qalinjabisay Dugsiga Sare qaar hadda waxa ay wax ka bartaan Jaamacadda gudaha iyo Dibadda taas ayaa muujineyso dadaalka ka jira iskuulka”sidaasi waxaa yiri Bashiir Axmed.
C/llaahi Faarah Mire oo ka socday Jimciyadda Tadamun oo ah Jimciyadda gacanta ku heyso Dugsigaani ayaa waxa uu ka hadalay fursada ay u hayaan ardayda wax ka barata Dugsiga Nawaawi Qardho”Arday walbo oo ka baxa dugsiga Nawaawi hadii uu heli waayo wax barasho dibadda ah anaga ayaa ka bixineyno hadii uu dhigto Jaamacadda ku yaalo Puntland,waxaan rabnaa in ardayda walbo uu helo wax barasho sare”sidaasi waxaa xafladda ka sheegay C/llaahi Faarax Mire oo ah mas uulka Tadamun u qaabilsan dhanka wax barashda.
Axmed C/raxman Xasan(Diraac) Maamulaha Dugsiga Nawaawi Qardho oo ka hadlay munaasabdaani ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday in Dugsiga Nawaawi oo jiro 10sano waxa uu ka midyahay iskuulka ugu arday badan gobolka Karkaar,maamulaha ayaa xusay in iskuulka uu leeyahay faracyo kala duwaan kuwaasi oo ardayda wax kabarata ay gaarayaan inka badan 1200 oo arday,maamulaha ayaa waxa uu sheegay in maant xafladaani loo qabtay dufcaddii sadaxaad ee ka qalinjabisay Dusgsiga Imaamu Nawaawi Qardho.
Xafladaani oo ay a soo qeybgaleen Xildhibaano,ma’uuliyiin kaa duwan ayna soo agaasimeen maamulka iyo macalimiinta iskuulkaani ayaa maanta waxaa ardayda iskuulka ka soo jeediyeen qudbado kala duwan kuwasi oo lagu cabirayo heer tacliinta ardayda wax ka barata iskuulkaasi,waxaana derbiyada lagu sharxay boorar muujinaya halkudhigyo kala duwan,waxana la keenay alaabta Hidaha Dhaqanka oo si weyn loogu soo camiray Xafladaani.
Sawiro Badan
Puntlandnews24 qardho



































AAAAAAAAAAD BAA UMAHADSANTIHIIN BAHDA PUNTLANDNEWS24 . ILAAH GARABKIINA HA GALO WAXAAN IDIIN RAJAYNAYAA PUNTLANDNEWS24 TV INSHA’ALAAH
mashalah
kuwii dadkooda iyo dalkooda anfaca allah ha idinka dhigo
aad iyo aad baad umahadsantihin puntnews24
qardho my home viva viva puntland
waaaaaaaaaaa guul
asc dhamaan marka hore waxan salamaya bahda puntlandnews24 saasa lo bahan yahay hormarka qardho waa inad sidaas noogu so tabisaan ad bad u mahadsan tihiin ragi iskuulka furay ilahay haka ajarsiyo