Xafladdii Soo Dhoweynta – Toronto, Canada RW (hore) Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas(Sawiro)
February 6, 2013 // Warar SomaaliJaaliyadda Toronto, Canada ayaa ku casumtay Dr, Abdiweli Mohamed Ali Gaas, Xaflad aad u qurux badan oo si wanaagsan loo agaasimay. Dulucda Xafladda ayaa ahayd in Jaaliyadda Soomaliyeed:
- U mahad celiso RW hore Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas, shaqadii heer qaran ee asaga iyo xukuumadiisu u gutaan sidii loogu talo galay iyo wakhtigii loogu talo galay
- Sidoo kale, Jaaliyadda ayaa ka dalbatay RW (hore) Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas inuu warbixin ka siiyo xaaladda guud ee dalka Soomaaliyeed.
Xafladda ayaa ku bilaabantay qur’aanka kariimka iyo dardaaran. Sidoo kale, waxaa fanaanadda qaranka Soomaaliyeed Faadumo Ali Nakruuma ku soo bandhigtay heeso, buraanburo waddani ah iyo kuwo ay ku amaantay waxqabadkii Xukuumaddii Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas.
Habeenkan farxadda badan oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne gaaraya 500 qof ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda Toronto oo markhaati ka furay in Dr Abdiweli iyo Xukuumaddii Badbaado Qaran ay u guteen xilkii qaran ee loo igmaday si waafi ah oo wakhtigiisii ku sinaaday.
Odayaasha madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Abdirahman Haji Nuur Shagaxle, Nasir Abdi Baale iyo Marwo Xallima Sacad. Dhamaan ayagoo ka tarjumaya dareenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto ayey Dr. Abdiweli iyo xukuumadiisa ku amaaneen howshii qaran ee ay dalka iyo dadka u qabteen wakhti adag oo dalku ku jiray Abaaro iyo Colaado.
Sidoo kale, waxaa madasha war kooban ka jeediyey Mudane Burhan Warsame Abdi, oo ahaa madaxii iyo la-taliyaha Xafiiska RW xukuumaddii Badbaado Qaran. Mudane Burhan ayaa ka warbixiyey duruufihii lagu shaqeeyey. Sidoo kale, dadweynaha u tilmaamay aqoonta gaarka ah ee uu u leeyahay Dr. Abdiweli, gaar ahaan, dhinacyada shaqada, hufnaanta, maamulka iyo samirka.
Ugu Dambeyntii,
RW (hore) Dr Abdiweli Mohamed Ali, ayaa khudbadiisii u istaagay, halkaas oo sacab iyo sawaxan lagu soo dhoweeyey. Khudbadda ayaa ka koobnayd dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen waxqabadkii xukuumadda sida:
- Hirgelinta Dastuurka Federaalka
- Soo xulidda Baarlamanka Cusub
- Doorashada Madaxda Qaranka
RW ayaa sharxay caqabadihii iyo fursadihii lagala kulmay meel marinta howshii xukuumadiisa loo igmaday oo uu sheegay in ay ku guuleysteen. Sidoo kale, RW (hore) ayaa sheegay soona dhoweeyey xiriirka diplomaasiyadeed ee dhowaan dhexmaray Somaliya iyo America. Xiriirka IGAD, ayuu ka yiri Dr Abdiweli, waa inaan xurmaynaa dowladaha noo dadinaya dhiiga wiilashooda iyo gabdhahooda, annagoo ilaalinayna qaranimadeena iyo madaxbanaanida dalkeenna.
Dr Abdiweli ayaa sheegay in Federalismku uu ka soo bilowday xukuumaddii lagu soo dhisay Embaghati ayna asaga ka horeeyeyn 5 Raysal Wasaare. Balse asaga iyo xukuumadiisu ku guuleysteen hirgelinta habka Federal-ka.
Dr Abdiweli ayaa yiri:
Federalism hadal lama gelin karo, waana sharciga dalka. Sidee looga hirgeliyaa Gobolada iyo Degmooyinka, loona qeybsadaa awoodda taas ayaa u baahan in laga wada hadlo.
Dr. Abdiweli – Midnimada Soomaaliya:
Midnimada Soomaaliya waa muqaddas, waxaana lagu gaari karaa wada hadal iyo tixgelin. Baarlamanka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay soo dhisaan Guddigii dib u heshiisiinta, hanti isu celinta iyo is cafiska (Truth, Justice and Reconciliation Commission). Soomaalidu waa walaalo, waa in ay is cafisaa, nabad kala heshaa, is tixgelisaa, dhowrtaa nidaamka iyo sharciga.
Ugu dambeyntii,
Dr. Abdiweli ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey xubnihii soo qaban qaabiyey Xafladda quruxda badan ee lagu maamuusay asga iyo xukuumadiisa.
Guddiga qaban qaabada Xafladda
Mahad celin:
Sister Shukri Jama
Sister Anab Mohamed
Brother Bakin Hassan Hersi
Brother Mohamed Dahir














Waaw masuul sare GAAS
Wanku salamaya mudane
Waxa tahay nin macquula o ladhihi karo
Wa ninka kaliya e somalida isku so celin karo
VIV SH/SHARIF,
VIV GAAS
VIV somalinimo
Down qabyalad
Down xumaan
Down oday faroole
we need the attention of all the leaders.the current president seems to hijack the powers of the prime ministers.the current pm is nothing but who is led blind folded and destined for disaster… We need pple to speak about the burning issue of federalism? The president had used his precious time and money on one issue and that is juba land,? We know he is looking a messiah but believe me this guy has started by suppressing the media and before we are doomed we must stop this dictator of the 21st century . Ismail,s.africa.
Waan idinsalaamahayaa bahda PL24
Dr gaas waa mahadsanyahey warbixinta uu inasiiyey.
waa wax aad u wanaagsan in Somalya dhibata ka baxdo,laakiin qabaa,ilka soomaalidu iskuma waa waa faqsana qaabkii wadanka dhibta looga saarilahaa.
tusaale markii abdulahi yusuf dalbadey ciidamo amniga suga aad ayaa looga horyimind bal waaba lagu jahaadey(waxaa ka mid ahaa ninka hada talada haya)
Sidoo kale dr Abdiweli markii uu wadey road map ka aad ayaa looga horyimi qabiil ayaana lagu diidanaa.
waxay aniga ila tahey in soomaali qabyaaladu ku jirto in aan si ddaacad ah wadanka iyo dadka midnaba loogu shaqeyneyn waa jiid aanku jiidee
Waan idinsalaamahayaa bahda PL24
Dr gaas waa mahadsanyahey warbixinta uu inasiiyey.
waa wax aad u wanaagsan in Somalya dhibata ka baxdo,laakiin qabaa,ilka soomaalidu iskuma waa waa faqsana qaabkii wadanka dhibta looga saarilahaa.
tusaale markii abdulahi yusuf dalbadey ciidamo amniga suga aad ayaa looga horyimind bal waaba lagu jahaadey(waxaa ka mid ahaa ninka hada talada haya)
Sidoo kale dr Abdiweli markii uu wadey road map ka aad ayaa looga horyimi qabiil ayaana lagu diidanaa.
waxay aniga ila tahey in soomaali qabyaaladu ku jirto in aan si ddaacad ah wadanka iyo dadka midnaba
thank u gaas for difficult tasks in somalia
Asc, waan hubaa in x reysal wasaaraha somalia Dr Abdiweli uu tahay nin uqalma hogaaminta wadanka somalia, islamarkaasna hawl weyn sooqabtay intuuxukunka hayey.waxaal leeyahay keep the good job u doing, illaahna hakulajiro halyey sare oo somaliyeed baa tahay. Amiiiiiin
waan soo dhaweynaynaa mr gaas iyo xaaskiisa drsda waa u hambalyeynaynaa wixii wanaagsanaa uu wadanka u qabtay