Xagee ku dambeeyay Siyaasi Bille Qabowsade?
October 11, 2012 // Warar SomaaliShacabka reer Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ay aad uga hadlayeen xaaladda siyaasi Bille Qaboowsade oo September 22, 2012, laga sii daayey xabsiga magaaladda Bosaso, halkaas oo ku xirnaa mudo dhan 6 bilood isaga oo aan maxkamad la soo taagiin.

Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa dadka waxa ay aad isku weydiinayeen ka dib soo deyntiisa xabsiga halka ay ku wajahan tahay siyaasadiisa. Bille Qabowsade ayaa la xiray April 17, 2012 xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal magaaladda Bosaso, xilli habeen ah wakhti dambe, halkaas oo ay ka kaxeysteen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Puntland.
Waa kuma Bile Qabowsade .
Bille waxa uu in badan ku jiray Saxaafadda wuxuu lahaan jiray Maamulihii Waragaysikii YOOL ee ka soo bixi jiray ee magaaladda Boosaaso, sidoo kale waxaa mar Madaxweynihii ugu horeyay Puntland AUN Cabdilaahi Yuusuf uu u magacaabay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga, Dekedaha & Khayraadka Bada Puntland.
Ka dib waxa uu aaday dhanka iyo Goboladda Jubooyinka waxa uu noqday Afhayeenkii maamulkii Jubaland ee Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan Hogaamiyaha ka ahaa, isaga oo markii dambe dib ugu soo laabtay degaanadda Puntland.
2004tii Markii Gen. Cadde Muuse loo doortay Madaxweynaha Puntland waxa uu Bille Qaboowsade u magacaabay La taliyaha Madaxweynaha dhanka Saxaafadda xilkaas oo uu ku soo shaqeynayey ilaa laga soo gaaray 2009kii markaas oo uu doorshadda ku guuleystay Madaxweyne Cabdiraxman Farole.
2009kii waxaa uu Madaxweyne Faroole xilkaas La taliyihiisa dhanka Saxaafadda u magacaabay wiil uu dhalay kaas oo lagu magacaabo Maxamed C/raxman Faroole, Bille wixii ka danbeeyey wakhtigaasna wax xil ah Maamulka kama hayn.
Siideyntiisa ayaa timi ka dib cadaadis badan oo dowladda lagu saaray arimaha xariga Bille kaas oo ka soo baxay Bahda Saxaafadda,Waxgarad,siyaasiyiin,Aqoonyahano iyo weliba Madax ka tirsan xukumadda Madaxweynaha Faroole.
June 9, 2012 ayaa PN24 waxa ay daabacday warbixin aheyd in Bille Qaboowsade ayaa eheladiisa wal wal ka qabeen xarigiisa maadama uu iska xiranaa isaga oo aan sharciga la keenin, mudadaas oo aheyd dhowr bilood. HALKAN KA AKHRISO May 5, 2012 ayaa sidoo kale PN24 waxa ay daabacday warbixin ka hadleysay xaaladda Bille Qabowsade markii Ciidamadda Puntland xabsiga dhigeen siyaasi Bille Maxamuud Qaboowsade, oo sida laga warhayey si rasmi ah shaaca looga qaadin sababtii loo xiray, iyadda oo Taliyaha Xiray oo ah sarkaal ka tirsan Laanta socdaalka Puntland uu sheegay in amarka lagu xiray Bille uusan garneyn, HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTII PN24.
27 Jul 2012 ayaa warbaahinta Horseed Media waxaa lagu daabacay warbixin dheer oo ka hadleysay xaalka Bille Qabowsade, taasi oo qeyb ka aheyd ololaha saxaafadda ay ku doonayeen in Bille Qabowsade uu ku helo xoriyadiisa. HALKAN KA AKHRISO.
August 13, 2012 ayaa siyaasiin reer Puntland ah dowladda u soo jeediyeen in Bille la siiyo Xoriyadiisa, wallow arimhaasi oo dhan ay socdeen ayaa haddana waxa ay ahaayeen kuwa intooda badan lagu doonayey in dowladda ay dhowrto xoriyadda shacabka iyo siyaasiinta. HALKAN KA AKHRISO.
Intaas keliya ma aheyn waxaa codsiyo dowladda u gudbiyey dad aad u tiro badan, kuwaas oo la oran karo waxa ay qeyb ka ahaayeen in siyaasiga mudada xabsiga ku jiray loo sii daayo, balse ugu dambeyntii lagu guuleystay in uu xoriyadiisa helo 6 bilood ka dib.
Siyaasadde Bille
Warar ay heshay PN24 ayaa sheegaya in Siyaasi Bille uu qorsheynayo in uu ku biro dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole, inkastoo warar kale ay sheegayaan inuu saluugsan yahay Dowladda Faroole ee xilligeedu dhamaaday kana harsan muddo ka yar laba bilood.
Lakiin Shacabka reer Puntland ee gudaha iyo dibadda ku nool ayaa aad isuweydiinaya Talaabada uu ku dhaqaaqi doono Siyaasiga aadka loo taageero ee Bille Qabowsade, kaas oo horey looga bartay in uu si geesinimo leh uga hadlo difaaca midnimadda Puntland, iyo weliba in uu ka hadlo xaaladaha ka jira gudaha dalka.
Qorshihiisii isbedel doonka.
Siyaasi Bille Qabowsade ayaa waxa uu aad ugu dhawaa siyaasiyiinta isbedel doonka ah ee Puntland, isaga oo xubin ka ahaa Ururka isbedel doonka Puntland, lama garanyo in uu weli ku adkeysanayo in uu ka dhabeeyo qorshihiisii ahaa in Puntland ay ka dhacaan isbedel hogaamin.
Xariga Bille ayaa si rasmi ah loo ogaan illa iyo wakhtigaas, balse 18 Dec 2011 ayaa shir ka dhacay magaaladda Bosaso waxa uu ka sheegay siyaasiga in looga baahan yahay Isimadda Puntland in Bisha October oo ah bishan in ay soo xulaan xildhibaanadda Baarlamaanka. HALKAN KA AKHRISO
4 Aug 2011 ayaa waxaa websiyadda Soomaalida ay daabaceen in Puntland siyaasiyiin ay ka wadaa Isxulufaysi kuwaas oo uu siyaasiga Bille Qabowsade uu ku jiray, hasse yeeshe ragaasi qaar badan oo ka mid ah laguma arag in ay ka hadlaan siyaasada Puntland. HALKAN KA AKHRISO.
18 Dec 2011 shirkii ka dhacay ayaa waxaa hadalo ka jeediyey rag siyaasiyiiin,ganacsato,waxgarad iyo isimo isugu jiray kuwaas oo wixii ka dambeeyay kulankii Bosaso ay ku qabteen sababtay in Hoteladda Magaalooyinka Puntland laga mamnuuco in lagu qabto shirar looga hadlayo arimaha siyaasadda Puntland. HALKAN KA AKHRISO Shirkii Bosaso ee Dec 2011.
Saxaafadda iyo Bille.
Wariyeyaasha ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ay isku dayayeen in ay wareysiyo ka qaataan siyaasi Bille Qabowsade, balse waxa uu ka gaabsaday in uu la hadlo Saxaafadda, iyadda oo PN24 xiriir ay la sameeysay uu sheegay in uusan diyaar u aheyn in uu bixiyo wax wareysi ah.
Goboladda Jubooyinka.
Rag siyaasad ahaan aad ugu dhow Bille Qabowsade balse magacooda ka gaabsaday in laga sheego saxaafada ayaa u sheegay PN24 in Bille qorsheynayo in uu Ciidamo Reer Kismaayo ah oo deeganada Puntland ku firirsan inuu ka xeeysanayo oo dhanka Jubbooyinka u siijeedo kuwaas oo la sheegayo in ay yihiin ciidamadii hore ee Gen. Maxamed Siciid Morgan.
Siyaasi Bille Qaboowsade waxaa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta reer Puntland ee gudaha dalka ku sugan weligii, dadka yaqaana ay ku tilmaamaan in uu nin hal abuur badan isla markaana si karti leh uga hadla shirarka ka dhaca Puntland, halka siyaasiinta la mid ah ee ku sugan gudaha Puntland aysan u bareeri karin in ay hadlaan xaaladaha dalka ka taagaan. Laakiin ma jirto ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Bille Qabowsade wuxuuna u muuqdaa Nin lagu jahawareersan yahay Siyaasadiisa kadib markii laga sii daayey Xabsiga halka ay ku jihaysan tahay, waxaase la dhowrayaa halka uu siyaasad ahaan saldhigto.
Yuusuf Hajji
Puntlandnews24 Editorial



asc faarax oday bile haku deg degin waa nin oday ah oo aan so wada shaqaynay waana ragi cade muuse ceel afweyn u raacay bile waa mujaahid intaan ka aqaan waana nin mowqif leh nin walba oo caqli leh waa arka faroole inu ku dayay faroole 2 bilood ba u hartay faroole waa by by
Bile waa nin wannaagsan oo hal abuur leh,laakiin hankiisu ma foga,howrkii kun ee la siiyay ayuu ku qancay,waana xaqiiq taasi.
arinta ah in Siyaskii weeyna ee bile in loo diro kismayo aad ayaan u soo dhaweeynaanaa. hataan nahay reer Qardho