Xagge ku dambeysay Jaamacadii Qardho Qaybta 1aad [Updated]

September 4, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

Sidaan la socono Qardho waa magaalo qadiimi ah oo leh taariikh dheer. Waxay magaalo noqotay sanadkii 1930kii Waana magaalo dad badani isugu iman jireen waayo waxay leedahay dhul daaqsimada xoolaha aad ugu wanaagsan oo uu markhaanti u ytahay hadalkii Seyid Mahamed Cabdulle Xasan markii la weydiiyey qurux iyo daaqsin wanaag dhuleed oo uu yiri Dooxiyinkii Qardhood ma ku darteen.

Sidoo kale waxaa jirtay oraah kale oo oranaysay “Nin waliba wuxuu qabo Qardhuu la iman” taas oo aan u fasirtay inay ka tarjumayso inay nawaaxigeeda degaan lagu kulmo ay u aheyd taariikh ahaan.

Midowga Jaamacdaha Bariga Soomaaliya ee Qardho iyo Jaamacada Bariga Afrika ee Bosaso ayaa waxaa dadka qaarkiis ku tilmaameen arin lama filaan ah oo aan la fileyn in Jaamacadda Bariga Soomaaliya ay ku biirto Jaamacad kale.

Midowga jaamacadaha ayaa waxaa in yar ka taabanayaa, sababta keentay iyo halka xaalka saldhigan doono, waxaase marka hore in yar idin iftiiminayaa heerka ay soo martay Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho.

Qardho ayaa waxaa laga furay Jaamacadda Bariga Soomaaliya sanadkii 2010-kaas Halkan ka Akhriso oo furitaankeeda ay ka qeyb galeen masuulyiin ka tirsan Jamaacadda.

Furitaankii Jaamacadda waxaa la lahaa asaaskeeda rag u dhashay degaanka Qardho kuwaas oo haatan ka maqan Qardho, waxaa laga xusi karaa.

1. Sakariye Maxamuud Ciise

2. Prof. Axmed Maxamed Barre

3. C/qani Qardhaawi iyo Bashiir Axmed Galo’eri oo hadda ah gudoomiyaha waxbarshadda Gobolka Karkaar.

24-09-2010 ayeey aheyd markii shirkii ugu horeyay lagu qabtay Hotel Gufurre Qardho laguna shaaciyey in Jaamacadda Bariga Soomaaliya (ESU) ay tahay jaamacadii ugu horeyay ee degaanka laga furay.

Dadaalkii Maamulka Jaamacadda uu sameeyay

Waxaa durba soo batay taageeradda ay helaysay Jaamacadda Bariga Soomaaliya iyadda oo siyaasi Cali Cabdi Awaare November 11, 2010 waxa uu dhul dhan 100 x 190 ugu deeqay Jaamacadda. Halkan ka Akhriso

Waxaa sidoo kale shirar ay ka dhaceen Dibadaha taasi oo lacago loogu ururinayey, waxaa lagu qabtay dalka Mareykanka shirweyne ay ka qeyb galeen jaaliyadda Puntland ee halkaas kaasi oo lagu shaaciyey in lagu ururinayo lacag dhan Halkan ka Akhriso

Waxaana jira dad aad u tiro badan oo hiil iyo hooba nala garabtaagnaa oo aanan magacyadooda halkan ku soo koobi Karin gudo iyo dibadba oo aan ku koobayo

Dhinaca dawlada puntland waxaa furitaanka jaamicada ka qeyb galay rag badan, oo intooda badan jeclaa in al dhiiro geliyo Jaamacadda balse arintaasi waxa ay noqtay mid guul daro noqtay ka dib markii la shaaciyey in jaamcadii ay ku biirtay jaamcada kale.

Oktoober 12, 2010 ayaa albaabada loo furay jaamicaddii ugu horreysay oo ay arday uga dareertay magaalada qardho. Cadadkii jaamicada lagu furay waxuu ahaa ilaa 150 arday oo qayb ka ahaa ilaa 226 oo is diiwaan geliyey.

Jaamicaddu waxay ku bilaabatay labo kuliyadood oo kala ah:

1. Kulliyada Shariicada Islaamka

2. Iyo Kulliyada Maamulka iyo Maaraynta iyo Xisaabaadka ( Faculty of Business Administration) iyo qeybaha Asaaska ardya ee Foundationka.

Masuulyiinta Jaamacada waxa ay booqshooyin ku tageen gudaha iyo dibadda, balse weli ma aheyn mid ay ka hareen in ay hirgeliyaan Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho.

Xagge ku dambeeyay dadaalkii ESU

Waxaa Jaamacadda balan qaadyo ay ka heshay aqoonyahno u dhashay Degaanka Qardho kuwaas oo kala ahaa

Reer karkaar oo ay ka mid yihiin:

1. Dr. Mohamed Cali Faarah

2. Inj. Caydaruus Cismaan Keenadiid

3. Dr. Sadiq “eeynoow”

4. Dr. Ahmed Yusuf (A. Saajin)

5. Aqoonyahan Yuusuf Ismacil Garyar

6. AqoonYahan Sharmarke Mahamed Faarah Yare

7. Nabadoon Xasan Ciise

8. Xidhibaan Cabdulqadir Dhaqaaje

9. Xildhibaan Duuje

10. Xildhibaan Cabdinaasir Cali Baaruud

11. Ganacsade Faarax Xaaji Mire

12. Aqoonyahan cabdi cali xundhur

13. Aqoonyahan Yusuf Cali Xidig

Hasse yeeshe waxaa ay noqtay mid lagu guul dareystay oo fashil ku dhammaatay hamigii Jaamacadda Bariga Soomaaliya, waxaase la I weydiinayaa goorma ayeey Jaamacadda dib u soo laaban doontaa, mase suurto gal tahay in midowga Jaamacadda oo aysan ka qeyb galin asaasayaashii mid guuleysta.

” Waxaa aad uga yaabay markii aan arkay qoraal uu FACEBOOK soo geliyey mid ka mid ah asaasayaasha Jaamacadda Bariga Afrika Bosaso kaas oo uu ku sheegayo in Jaamacadda Bariga Soomaaliya boorkeedii loo dejiyey in la saaro kan Bariga Afrika” sidaas waxaa yiri Aqoonyahan reer Puntland.

Dadaalka Jaamacadda ay sameeysay ayaa ahaa mid rajo wanaagsan leh, balse waxa ay noqtay mid aan laga fiirsan inta lagu darayo Jaamacad kale, mase waxaa jira heshiis ah in dib ay u soo laabto Jaamacadd Bariga Soomaaliay weli arinta ma cadda

Xiriir aan isku daynay in aan la sameeyno asaasayaasha Jaamacadda oo ku kala sugan Muqdishu iyo Canada ayaa noo suurto gali wayday, waxaase mar walba idin soo gudbineynaa sida ay Jaamacadda u hirgasho.

Dadaalkii Jaamacada

Waxaa jaaliyada u dhashay Qardho ay bixiyeen dadaal weyn, waloow ay jireen rag diidan horumarka degaanka oo xataa sida aanu dad lagu kalsoon yahay ka helay sheegay in ay hor istaageen lacago lagu talo galay Jaamacadda.

Jaamacadda waxa ay qeyb ka noqtay jaamacadda ka jira dalka Soomaaliya halkan ka sida laga soo xigtay wikipedia oo isaga xataa shaaciyey jirintaanka Jaamacadda Bariga Soomaaliya, iyadda oo webkii ugu horeyay wadda la geliyey www.eastsomaliauniversity.com 

Yaa ka masuul ah Bur burka Jaamacadda

Waxaa masuuliyadda koowaad leh Jaaliyadda dibadda ee u dhashay Qardho oo aan ka jawaabin codsi kaga yimi dhowr jeer Maamulka Jaamacadda, iyadda oo codsigii ugu horeyay loo jeediyey December 18, 2010 xilligaas oo aheyd bilow jaamacadda balse inta ka war hayo waxa ay intooda badan ku mashquuleen dantooda gaarka ah markaasna waxa ay keentay in Jaamacadii Qardho ee ugu horeyay ay meesha ka baxdo. Halkaan ka Akhriso codsigii loo jeediyey.

Jaamacadda iyo waxqabadkii

April 15, 2011waxaa Jaamacadda booqsho ku tagay Qoraagii buuga Miracle Journey oo soo booqday Jaamacada Qardho, isaga oo muujiyey in uu diyaar u yahay taageerida Jaamacadda mudane. C/risaaq Gelle Cumar. Halkan Ka Akhriso.

20 Bishii Novermber 2011 waxaa Jaamacadda lagu qabtay kulan looga hadlayey amniga magaaladda Qardho, waxaa ka qeyb galay Madaxweyihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse qurba joog ka tirsan asaasayaasha Ururka Qurba joogta Puntland ee Puntland Diaspora Forum. Halkan ka Akhriso

January 31, 2012 ayeey aheyd markii Jaamacadda sidan oo kale lagu qabtay kulan lagu hormarinayo Jaamacadda kaasi oo ay ka qeyb galeen waxgaradka degaanka,Aqoonyahno iyo weliba marti sharaf ka soctay qeyba kale duwan ee Bulshadda degaanka Qardho. Halkan Ka AKhriso.

Sidoo kale waxaa jaamacada marti gelisay shirar dhowr ah, waxaa lagu qabtay barnaamijyo baaritaan ah waxaa dhanka kalena mar keliya ay ku tilaabstay guul aad u weyn oo wax tar u leh shacabka Qardho.

January 22, 2012 ayeey aheyd markii Imitixaankii sanad jaamacadeedka 2010-2011 ay u fariisteen arday ku dhawaad 250 arday ah oo Jaamacadda wax ka barnayaye waxaana ka soo qeyb galay masuulyiinta ugu sareysay Jaamacadda. Halkan Ka Akhriso.

December 27, 2011  ayeey aheyd markii Ra’isul wasaaraha Dowladda Federalka ah ee wakhtigiisa dhammaaday Cabdiweli Gaas uu u balan qaaday Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho in uu gacan  ka geysaneynaa, dhismaheeda iyo weliba sidii taageero loo siin lahaa. Halkan ka Akhriso.

August 31, 2012 ayeey aheyd markii la shaaciyey in Jaamacadii Bariga Soomaaliya ku biirtay Jaamacadda Bariga Afrika, taasina ay noqtay mid guud ahaan dib u dhigtay rajadii laga qabay in magaca Jaamacadd bariga Somaaliya uu meel fiican gaaro. halkan ka Akhriso

November 6th, 2011 ayeey aheyd markii sidoo kale ay jaamacadda afur u sameysay dadka degaanka kaasi oo ahaa mid ay qabteen maamulka Jaamacadda, in badan oo ka mid ah dadka degaanka ay u arkeen tilaabo muhiim ah oo ku daysho mudan. Halkan ka Akhriso

La Soco Qeybta 2aad

Waxaa kaga hadli doonaa, sida ay isugu biiraan Jaamacadaha iyo waxyaabihii sababta u ahaa, asaasayaashii Jaamacadda sidee u arkeen in laba Jaamacadooda ay midow noqdaan iyo weliba arimo badan muhiim ah.

Qoraa Sare. Cabdiweli Gooni

Kampala, Uganda

E-mail. gooni@hotmail.co.uk

Tell. +252679-3336268

COMMENTS

RSSComments (23)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Dr : Mustafa Omar says:

    ASC dhamaan allaa mahdleh.

    waa xaqiiqo in qardho ay hagradeen baayac mushtarkooda, dadka aqoonta leh, siyaasiinta iyo wax garadka maalin kasta lacagbaa horumarinta deegaaanka loo ururiyaa oo jaaliyaduhu ururshaan wax qiimalehna lagu ma qabto waxaan filayaa in shacabku ku baraarugo raga noocaas ah lalana xisaabtamo halka ay dhaqaalaha ku lumiyaan dhanka kale aad baa u taageerasanahay in bariga africa laga furo Qardho laakiin taladaydu in abariga afrika ay qardho geyso kuliyadaha xoolaha iyo beeraha Veterinary and agriculture maadaama ay labadaba ku wanaagsantahay practical fiicana leedahay halma waxaan leeyahay aqoonyahanada reer qardho fura College sida shiekh Veterinary school oo kale ah oo la aqoonsanyahay oo takhasus leh manhaj iyo maclimiin haysta somaliya oo dhana laysaga yimaado aqoon loo soo raadsado tayadiisa awadwwd .

    Thanks all

  2. mohamad yusuf says:

    wan ku taageersanahya CABDIWELI GOONI in kasto aan aqoon anigu niinka lakin.waxan taagersanhay jamacad qardho yeelto wan lii sheegay.wan laa iii sheegay tusaal ahn waxan ka wadal hadalanay rag badan arrinta jamacad.waxan kuso xiraya hayydda khiyrii ah.sii gacan uga geestan waxan diyar lahay siidii horab an ug qayb qadanay. yaan hadan diyara u ahya anigi. lakin ma doonayano hadan nahay reer qardho
    in magaca jamacad bariga somaliay lagu bedela midkale. taas waxa ka roon haa xiranto sii kmg ah.waxan leehaya hada laga waxan u sheegaya hada laga bilaabo raage hor uga shaqayeye meeel fiicaan bad waxa keente wadan ku mahadsan tihiin walalaayal. eeyda waxan iskalaha reer qardho madamad ayan jirn dowlada waxqabad xuma lagu edayn karo..lakin waxad ka tagten hall mid oo ah dadka reer qardho waxa laga heli kara dad badan oo fiiicaan waxa taray sas darteed waxay ahad in aad taallada badiisana, ANIGU WAXAN AHA DIYARA markasat hiil iyo hooba

  3. Mashaa’allah, Runti anigu afeeb ayan marka hore dhiganaya oo ah (anigu reer qardhood ma’ihi).

    Sidaas darteed waxaan ka hadlayaa Qardho iyo Jaamacadda, Runtii Itopia ayan ka imi Bosaso ayan toos u imi reer iyo caruur ayan leyahay, intii dhul an jogay ma arag meel qardho ka jawi wanaagsan, waxii layaabka lahaa ee aan arkay waxa ay ahayd caqliga kujira ilmohooda iyo da’yaridooda, ilmaha 6 sano jira waa uu ku gadanayaa, dhulka kalena waxaad ku arkaysa ilmo 16 jir ah oo qaawan, cajiib Ilaah ayaa jawiga iyo nolosha deegaamada u kala qaybsha Puntland waa qardho, haddaba waxaa iga talo ah in hooyo walba ilmeheeda ay ku dadaasho sidii ay dantiisa iyo dantodaba uu guul uga gaari lahaa, reer qardhoodka waxaa lagu xantaa ciyaar badni iyo fawdo lkn ilmaba ilmaha uu ka ciyaar badan yahay waa uu ka codkarsan ayahay kana caqli badan yahay.

    Ugu danbayn reer puntland inta ay qabyaaladda iska dayso ilmohooda si ay u wada tartamaan garaadkooduna u kordho waa talee qardho ogaada

    ASSALAMU CALAYKUM

  4. masha allah says:

    Dhibaatada dalka kajirta waa nin riyooda oo markuu soo koco ‘qoraal” soo saara. webabkan dadkii oo dhan ayay wareeriyeen. hada ninkan ka xun in lagu badalay boorkii ESU boorkale sidee wax loofahansiiyaa? reer qardhoodow waalida inaka daaya, jaamacad ayaynu doonaynay waynuna helnay xaalkuse haduu yahay fadhikudirkaan rabaa inaan ugafaano jaamac aan anigu sameeyay ayaa qardho kutaal waa meesheeda. garoowe maleh jaamacad ugaar ah, ama waa puntland state oo meelo kale kafuran, ama waa jamacada bariga africa. Mideeda kale,majority ragga aasaasay jaamacada bariga africa waa rag asal ahaan beesha qardhood ah, iyaga maalala xisaabtamo oo wixii magaalada iyo gobolka uu ubaahanyahay lagala hadlo?

    Mideeda kale jaamacadaha soomaalia kafuran waa business, waa private, hadii aysan isbixin karin mafurnaanayso, jaamacad puntland kutaal oo ay jaaliyadi gacanta kuhayso majirto, innay wax kudaraan ama tashiilaat usamayeeyaan way dhacdaa. Anigu awalna waa iri hada waan kucelinayaa jaamacad jaaliyad ma masruufi karto waa innay isbixin kartaa, 200 oo qofna fee ga laga qaado jaamacad laguma haynkaro.

    Waxaa kaloo iswaydiin mudan dhalinta reer qardhood oo badankoo ama masar aada ama scholarshipyo kale hela inta kasoo harta waxaa kuhaboon ama iyo boosaaso ay tagaan oo ay wax kubartaan ama ay hada jamacada bariga africa kafaaiidaystaan.

    Raggan raba innay horumarka qardho kasoo horjeestaan oo aan lagu arag meelaha lacagta lagu gurayo oo aan waxba kudarsan laakiin markii wax la eedeenayo ama lamucaaradayo meelwala kasoo muuqda waxaan oran lahaa la idiin joojinmaayo, qardho horumarkeedana nin raba inuu fadhi kudirir kufaano loogu joojinmaayo.

    Viva Qardho iyo horumarkeeda.

  5. marwaan says:

    s/c reer qardhow xooga iyo dadaalka aan xumaanta iyo debindaabada galino aan isku dayno in aan wanaaga iyo waxqabsiga galino fadlan walaalayaalow yeynaan qayrkeen kaharin please please sidan dan inoo maha jaamacdaan hiil bay wayday albaabada ayaa lagaxirtay dadkaan hada coments bixinaya xagee jirteen markii lalahaa jamacadii waa dhimanrabtaa waa sakaraad waad kala dhuumateen 20$ baa kufileed oo aad siisaan maanta iska aamusa oo u daaya dadka gacanta kuhaya xumaanta iyo kalaqaybintu hadhimato ilahow dadkayga hagaaji maalinkasta ciil iyo murugo ayaan kaqaada qardho arinkeeda nb gooni fadlan waxad tahay wadani laakiin aad iyo aad uga fiirso qoraalada wayo saamayn wayn bay yeelan karaac

  6. caaqil says:

    asc 33 school ba laga dhisaaya puntland 8 gobol reer karkaar qebtodtoda haka raadsadeen comment prf axmed bare ma akhrisan miya dadkaan arintaan waa arin lagu wada heshiiyaya 33school oo la shisaayo qabteena aan so dhacsano puntland waa ogtihin musuqmasuq badan ba ka jirah jamacada yaan lagu mashquulin

  7. ACW dhamaan waan salaamayaaa asxaabta kaqayb qaadatay debate kan, horta waxan rabaa inaan lahadlo c/weli xasan oo ah nin aan aad u aqaano waxaan usheegayaa ( Labaatan jir intuu ul kaboodo ayuu talo kaboodaa) marka sxb waxaad tahay nin dhalinyar oo mustaqbal leh fadlan kafiirso faalooyinka aad qorayso marka saamayn ayey kugu reebi doonaan.
    anigu waxaaan ahay nin reer qardhooda arinta jaamacadana aad ugu warhaya campaigna usameey taageeradeeda hada step weyn oo hurumara ayey qaaday taageer haka hortagin hanoqon reer qardhoodkii guryaha ku qabsan jiray ookale hormarimarku wuxuu kuxiran yahay garaadka dadku dadka iyo hadba sida ay u fekeraan ama wax u arkaan sidaa daraadeed waxaa hortaagan horumarka gobolka KarKaar dadka kunool Qardho dhamaantood ha ugu horeeyeen hogaamiye yaashood hadaanu nahay dhalinta reer karkaar waxanu leenahay WE NEED CHANGE. AND WE CAN sidaa daraadeed hawsha waan wadaynaa
    Sxb c/weli waad maqlaysay erayadii
    Dott: Axmed Bare. fadlan isku biirku waa wanaag iyo horumar e taageer una ololee haday diyaar tahaye hana ufekerin sida kuwa caqligoodu hooseeyo THANKS ALL READERS

  8. REER QARDHOOD says:

    RUNTII WAXAA WAX LAGU FARXO AH IN JAAMACDA EAST AFRICA LAGA FURAY MAGAALADA QARDHO, WAXAAN KALE OO SHEEGAYNAA IN JAAMACADII LA ORAN JIRAY EAST SOMALIA AY AHAYD JAAMACAD ISKA YAR OO RUNTII XITAAA WAXAAA DHAAMAY SCHOOLADA QARDO KU YAALA QAARKOOD, MARKA WAXAA MUHIIM AH IN JAAMACAD LA FURO MAGAALADA MAGACAY RABTO HA LAHAATEEE.

  9. Maxamuud dheere says:

    Sc wr wb aad ugu faraxsanahay jamacada Qardho waayo wa magaladi wax barasahada puntland ama somalia. magaladi waxbarashada caanka ku ahyd waxa ku caasiyoobay qurba jooga aan wadaniyiin ahayn. waxaa oran laha waar gacmo wada jir bay wax ku gooyane meel halooga soo wada jeesto. dhismaha jamacada east somalia waxaa kalo oran laha kuwa siyasada ku mashquulay inay sameeyaan ,, qaylo dhaan ku saabsan,,, dhismaha jamacada, hospitalka wadooyinka dhiraynta magaalada. waxaa kalo u soo jeedin laha yan dhag loo dhigin kuwa dadka ku mashquuliya reer hebelow kaca.. ninki axsaan u Sameynaya wadankisa dhisanaya so dhaweeya.

  10. Ubax Uk says:

    PUNTLANDNEWS IYO QORAAGA WAAD MAHADSAN TIHIIN
    HORTA MAXAA UU U IMAN WAAYEY SHIRKA MADAXDII WAXBARSHADDA EE GOBOLKA IYO KAN DEGMADDA MIDNA KUMA ARAG XAFLADII WAREEJINTA MARKII AAN DAAWADAY.

    TEEDA KALE HADII BASHIIR GALO’ERI JOOGO QARDHO MUXUU SHIRKA UGA QEYB GALI WAAYEY TAASI WAA ARIN U BAAHAN FAHAN.

    TAN KALE RAGAAN MEESHA HAYSTA MA GARAN WAAYEEN IN AY TAAGEERAAN JAAMACADDA MISE WAXA AY RABAAN OO KELIYA IN AY LA WAREEGAAN.

    WAANA ARIN LAGA NAXO AMA AAN KULA WAREEGO AMA MEEL CIDLA AH KU DHIMO.

    REER QARDHOOD JAAMACADII HA LOO ISTAAGO, OO DEG DEG MAGACEEDII HA LOO SOO GELIYO

  11. Maxamuud Afgub says:

    Dhulkaan oo cabirkiisu dhan yahay 100 x 190 isla markaana ku yaal gudaha Magaaladda Cali Cabdi Awaare si rasmi ah ugu wareejiyey Masuulyiinta Jaamacadda Bariga Soomaaliya, xagge la geeynayaa ma waxaa lagu wareejin rag kale

    warkaasi ha soo caado, hadde war cadna ha la ii soo sheego

  12. Boqor Qardhood says:

    Bosaso, Garoowe, Gaalkacyo,Goldogob iyo Ceerigaabo ka furay maxay Qardho markii hore uga furi waayeen.

    Taasi waa mid laga naxo waana arin nasiib daro ah waayo markii hore ayeey aheyd in laga furo Qardho Jaamacadda.

    3 sanno markii ay gaartay maxay ka soo dooneyn sheekadda ictisaamka waan fahmi waayey aniga waa rag waxa ay doonayaan aadna garneyn oo ah kuwa raadinaya dantooda gaarka ah

  13. Caasho Yusuf says:

    Gooni Allaah ka abaal mariyo waan la socday sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyay Jaamacadda waan garnayaa in uu yahay nin jeclaa in uu maalin un arko jaamacadii qardho oo guul gaartay laakiin arintaasi waxa ay noqtay mid aan waxba ka jirin

  14. Axmed Xuseen says:

    Marka hore Cabdiweli Gooni waa mahadsan yahay aniga waa hadal aan ka naxay markii aan maqlay jaamacadii qardho ee bariga soomaaliya waa lala wareegay.

    horta dadkani miyeeysan aheyn dad naxariis leh bariga afrika ma taageeri karto miyaa jaamacadda iyadda oo magaceeda wadata, mise waa aan ku cunno hadii kale banaanka iga joog

    arintaan ha laga fiirsado aniga qurba joogta ahay waxaana diyaar u ahay dhaqaale walba oo leyga baahdo.

  15. PROF TIMIR says:

    ASSALAMU CALAYKUM…
    WADAN IDIN SALAMAYAA DHAMAN DHALINTA HALKAN KU SO BADHIGTAY QORALKA AAD & AAD KA & QIIMAHA BADAN ABDI WALI HASSAN ABDI GOONI AAD & AAD AYAAN KUGU HAMBALAYNAYAA WAXA SOO GUDBISE QORAL DAD BADAN MUGDI KAGA JIRAY…

    WAXAN KALE OO AAN AAD & AAD UGU MAHADCELINAYA (PROF AHMED MOHAMED BARE) OO KA MID AHAA ASAASIHI JAMACAD HADANA AHAA MACALINKA U TAGAN HAR & HABEEN SIDII UU MEEL U GARSIIN LAHAA JAMACADAA HADANA NOO IFTIMIYEY SIDA AY WAXA U DHACEEN WAXANA LE YAHAY PROF AHMED DADALKII AAD MUUJISAY WALI WAA HALKIISA HANAGA KA DALIN….

    ALMUHIIM WAXA DHAB AH OO XAQIIQO AH IN AAN UJEEDKUNA AHAA IN JAMACADA LA HELO MANTA WAN GAARNEY IN AAN MAGALADII QARDHO U HELAY JAMACADA AY WAXA KA BARTAAN UBADKA MANTA KA BAXAY DUGSIYADA SARE OO AAN AWOODIN IN AY HELAAN JAMACADO HADANA AY HELEN JAMACAD UGU TAAL GURIGOODA…

    ANIGA WAXAN QABAA WAX KASTA FURE AYEY LEYIHIN ESU WAXAY AHAAD FURAH JAMACADA GOBOLKA KARKAAR HADAN EAU & ESU WAA ISKU MID WAXANA DHALINTA KULA TALINAYAA MANTA QARDHO HORUMAR AYEY RABTAA AHNA DHANKA DHALINTA WAXBARTA BERI AYAA HORUMAR GARAYSAAN…….

    MAHADASANIDI

    PROF ABDIRISAK TIMIR.
    PRIMA INTERNATIONAL COMPANY.
    BOSASO NATIONAL ANIMAL QUARANTINE

  16. Ahmed Mahamed Barre says:

    Walaal Cabdiweli Gooni waan ku salaamay. waan fahmayaa waxa kaa caraysiiyey waxaad ku hanweyneyd in Jaamicadda Bariga Soomaaliya sii socoto balse sidaad qoraalkaaga ku caddaysay dadkii loo dhisay ayaa hanan waayey. Dhibkii aan ka soo marnay furintaankeedii iyo wadideediina waad ka warhaysay oo raggii shaqada nala bilaabay oo aad noola shaqeeyey ayaad ka mid aheyd. Geed dheer iyo mid gaabanba waan ugu fariisanay sidii jaamicaddu ku socon lahayd. Laakiin ma dhicin oo waxaa jaamicadda soo foodsaaray duruufo xunxun oo dhinaca dhaqaalaha ah. Aniga duruuf degdeg ah ayaa igu timi oo aan kanada u aaday, Cali Mahamed Cali kheyr badan ilaahay ha siiyo wuxuu isku dayey sidayadii oo kale inuu jaamicadda badbaadiyo waa laga hoos qaadi waayey. Intii ardadii aan labada sano soo diyaarinaynay inaan cidla dhigno waxaan ka doorbidnay inay jaamicaddii sii socoto magac kasta haku socotee. Waan kugu raacsanahay dad badan oo aad u niyad xun inay joogaan meelahaas oo xumaanta iyo qurunka keliya raganimada u leh waxse aad cid tari karin oo iska hadla. Dadkaas hadalkoodu meel daloosha naga geli maayo. Ee wixii ummadda dani ugu jirto ayaan samaynaynaa. Mas’uulka Bariga Afrika ka tirsan oo hadalkaad kor ku xustay yirina caqligiisa iyo xumaanta ku jirtay ayuu banaanka soo dhigay. Jaamicadda Bariga Afrika waa jaamicaddaydii tan Bariga Soomaaliya oo aan wax ka asaasay ayey iila mustawa tahay. Marka waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa Cabdiweli raali ahow Jaamicaddii iyo ardadii saaxiibadaa ahaa iyo Cali Hurre dhamaantood meeshii bay joogaan dhismihii aad ogeydna way ku jiraane hadda iyo wixii ka dambeeya adigoo isdhaafisiinaya hadalada caalayaashu meelahaas la taagan yihiin jaamicadda Bariga Africa waa hooyadii Jaamicaddaha Puntlandiye gacansii oo warkeeda iyo magaceeda isku day inaad kor u qaado. Tan kale arrinta isku darka labada jaamacadood waa arrin aan la soconay oo muddo laga wada hadlayey oo aniga, Cabdigeni mahamed cali xagaa, Zekeriya iyo yuusuf mahamood ciise, Liibaan Cabdullaahi Deni, Bashiir Gaala eri iyo Cali Mahamed Cali.

    Ee bulshadu sidaas hala wada socoto. Bulshada waxaan kula dardaarmayaa Jaamicadda Bariga Africa ee Qardho ku tuula faa’iidadeeda waxaa iska leh bulshada qardhood marka waxtarkeeda yaan loo kala harin.

    QARDHO JAAMICAD AYEY U BAAHNEYD WAANA HESHAY!!!

    Waad Mahadsantihiin,

    Ahmed Mahamed Barre
    Asaasayaashii Jaamicadda Bariga Africa,

  17. daauud says:

    Muhiimadu ma in Ardey walba oo reer qardhood ah uu helo waxbarashe heer jaamacad ah mise inuu helo jaamacad ay reerihiisu iska leeyihiin (Qabiilkiisa)muhimadu waa inuu ubadka helo waxbarasho jaamacadeed oo tayeysan faaladaan halaga feejignaado

  18. qardho jaamcd tayo leh ayay u baahantahay ee uma baahna magac jaamcdeed oo qura says:

    runtii waxaa fiicn marka aan wax qorayno in aan ka fogaanno cadifadda oo aan eegno xaqiiqda ,waa hubaal in aysan awood u layhayn in ay noqoto jaamcd tayo wayn leh , waddankeenna waxaa buburiyay in tuula kasta laga furto laba qol oo lagu dhajiyo boor ay ku qoreen (…..unvrsty) taas na waa mushkilo goaan ka iskudarkana waa fikir aad u sareeya

  19. muhimaddu waa in ay leedahay magaaladu jaamcad magacay doonto ha wada tee wayna leedahay says:

    aad ayaan ugu faraxsanahay in ay midawbaan labada jaamacdood sababtoo ah magac bas wax ma tarayo , muhimaddu waa in ay leedahay magaaladu waxbarasho heer jaamcadeed ah iminkana way leedahay ee kaliya meeshii ahayd bariga soomaliya ayaa lagu badalay bariga africa

  20. Maxamed USA says:

    Waa mahadsan yahay qoraaga warbixinta anaga waxa taageersan nahay in Jamaacadda ESU la soo nooleeyo oo laga tago magaca balse waan ka soo horjeedna bariga afrika, maxay u iman weyday qardho oo 2 sanno ka hor laga hirgeliyey Jaamacd.

    markii la furay jaamacadda ayeey timi, waana ka xunahay

  21. Hassan Ali says:

    waa warbixin fiican waana in dib loo soo celiyaa jaamacadda.

    waxaa looga baahan yahay shacabka in ay ka shaqeeyaan soo celinta jaamacadda

  22. caaqil says:

    asc ad baad u mahadsan tihiin puntndnes24 ragi asaasay ad bay u mahadsan yihin lkn waxan u arka xadgudub iyo waxan suurta gal aheen iyado aan waxba laga waydin ragi asaasay in rag aan shaqo kulahen af duuban lkn adinku wax warcad ah uma haysan oo xaqiiq ah in ragi asasay wax laga waydiyay iyo in kale waxan ku talinaya inad naga so hubisan warkan ninka hormarka qardho kaso horjeeda waa khaqsi daciif ah oo aan soamali wax u ogoleen dadkisana aan waxba u tareen waxan kalo ku talinaya in gacan laga geesto waxbarasha oo naf iyo maalba lagu bixiyo jamacada rag ba samaystay cid afduubi karta ma jirto reer qardho dhamaantot waa hal qoos ilahay ha xafido

  23. Saxitaan ciwaanka ah says:

    Meeesha Ah Fallo waxaad ka dhigtaan FAALLO waad mahadsan tihiin ciwaanka ka hadlayaa

Leave a Reply