Xarumaha Ganacsiga ee ugu wayn magaalada Boosaso oo maanta la xiray

July 16, 2012   //   Warar Somaali

Ganacsatada waawayn ee magaalada Boosaaso ayaa maanata sameeyay shaqo joojin, iyadoona shaqo joojinta laga dareemay suuqa wayn ee magaalada Boosaaso.

Goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo maciishadda noocyadeeda kalle duwan iyo alaabaha ay dadku ay sida wayn u gataan ayaa maanta xirnaa.

Ganacstada goobaha xiran qaarkood ayaa u sheegay warbaahinta shaqo joojinta inay ka dambaysay kadib markii ganacsatadu ay soo wajahday culays wayn oo kaga yimid dhinaca canshuuraadka dowladdu ay qaaddo,hoos u dhaca doolarka iyo qiimaha maciishadda oo aan wax isbadal ah laga dareemin maadaamaua uu doolarkii uu hoos u dhacay.

Xirnaanshiyaha goobaha ganacsiga ee  magaalada laga dareemay kadib ayaa dowladda Puntland waxaa ay isugu yeertay qaybo ka mi ah ganacsatada waawayn magaalada Boosaaso ee qaabilsan wax soo dajinta iyo wax dhoofinta.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Galan iyo duqa magaalada BoosaasoXasan Cabdalle Xasan ayaa dowladda Puntland wakiil uga ahaa shirkan oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga Puntland, halka ganacsataduna ay shirka u matalaysay masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamuud Xayir Ibraahim.

Warar hoose oo aynu ka helnay shirka oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa tilmaamaya in lagu kala dareeray iyadoo wax natiijo ah aanu kasoo bixin, ganacsatada ayaa dowladda usoo jeediyay inay canshuurta hoos ay uga dhigto halka uu maanta taaganyahay, iyadoona dowladana ay go’aankaasi diiday.

Sarifka doolarka ayaa gaaray shalay  laba milyan iyo boqol iyo konton kun oo Shilin Somali ah, halka uu in dhowaalle uu ahaa laba milyan iyo sadex boqol oo kun Sh,So ah.

Si kastaba shaqo joojintan waxaa ay imaanaysaa xilli 4-maalmood ay ka harsantahay  bisha barakaysan ee Ramadaanka oo ay dadku si wayn ay u dukaamaystaan.

Maxamud Ibrahim

Puntland-News24

Bosaso.

 

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply