Xil wareejin ka dhacday Xarunta Shirkadda Golis
June 12, 2012 // Warar SomaaliXaflad aad u heer sarreysa oo ay xilalka ku kala wareegayeen maareeyaha cusub ee shirkadda isgaarsiinta ee Golis iyo maareeyihii hore ayaa ka dhacday xarunta shirkadda ee magaalada Boosaaso.

Xafladdaasi xil wareejinta ah waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta sar sare ee shirkadda, madaxda gobollada, shaqaalaha ka hawlgala shirkadda Golis, culimaa’uddiin iyo marti sharaf kale oo bulshada ka tirsan.
Waxaana halkaas xilalka ku kala wareegay Maareeyaha cusub Cali Xaaji Warsame oo uu xilka ka guddoomay maareeyihii hore Dr. Aadan Sheekh Doon Cali.
Mas’uulka xilka wareejiyay, Aadan Sheekh Doon Cali, oo halkaasi ka hadlay waxa uu ka sheekeeyey taariikhda ay soo martay mudadii ay jirtay shirkadda Golis iyo waxqabadka ay u sameysay bulshada.
Waxa uu sheegay in shirkadda Golis ay ahayd shirkaddii ugu horreysay ee deegaamada Puntland ka hirgelisa adeegga GSM ee mobilka, wuxuu intaa raaciyay in shirkaddu ay horumar weyn ka sameysay sidii bulshada looga haqabtiri lahaa baahida dhanka sigaarsiinta, Land Line, Mobile iyo internet xawaarihiisu uu aad u sarreeyo.
Maareeyaha cusub, Cali Xaaji Warsame, oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu yahay mid culus, uuna ka soo bixi doono sidii uu u gudan lahaa hawsha loo igmaday, isagoo kaashanaya mas’uuliyiinta kale ee shirkadda iyo dhammaan shaqaalaha.
Waxaa kaloo xafladdaasi xil wareejinta ka hadlay Sheekh Daahir aw-Cabdi oo ka mid ah culimaa’uddiinka ugu caansan Puntland, wuxuuna aad ugu ammaanay shirkadda isgaarsiinta ee Golis, kaalinta waxqabad ee ay bulshada kaga jirto. Sheekh Daahir ayaa sidoo kale ku dheeraaday sida ay diinta Islaamku u ilaalisay ammaanada uguna baaqay maareeyaha cusub inuu ku dadaalo inuu ilaaliyo ammaanada loo dhiibtay.
Gabagabadii xafladda ayaa maareeyihii hore Aadan Sheekh Doon Cali uu ku wareejiyay maareeyaha cusub Cali Xaaji Warsame, Dukumentiyada ku qoran hantida maguurtada ah ee shirkadda iyo tan aan ma guurtada ahayn, heshiisyada shirkadda iyo arrimo kale oo aad u fara badan.
Ka dib markii ay xilalka kala wareegeen mas’uuliyiinta waxaa hadal kooban halkaa ka jeediyay, guddoomiyaha guddiga aasaasayaasha shirkadda Golis, Cabdicasiis Guureeye Kaarshe. Wuxuuna si weyn u ammaanay maareeyihii hore, Aadan Sheekh Doon Cali, oo uu sheegay inuu horumar ballaaran gaarsiiyay shirkadda. Wuxuu halkaasi ka ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan maareeyaha cusub ee xilka la wareegay mudane Cali Xaaji Warsame.
Si kastaba ha ahaatee, marka taariikhda dib loo eego, xilligii shirkadda Golis la aasaasayay waxaa deegaamada Puntland ka jirtay baahi weyn oo dhanka isgaarsiinta ah, waxaa magaalada Boosaaso ka furnayd hal shirkad oo isgaarsiineed, taasoo dadkii telefoon u baahda ay saf u geli jireen, qiime qaali ahna ay dadku ku bixin jireen daqiiqadaha hadalka.
Aamino-Ladan Axmed Cali
Puntland-News24 Bosaso.






