Xildhibaan Abdiwali Dhamuuke “4-Sano Ayaa Nala Doortay ee Maaheyn 5-sanno” [Dhagayso]

October 13, 2012   //   Warar Somaali

Mudane  C/weli Muuse Shire (Dhamuuke) oo ah xilidhibaan ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo jooga magaalada Gaalkacyo ayaa isaga oo la hadlayey idaacada VOA laanta af-Soomaaliga wuxuu sheegay in golayaasha dowlada Puntland mudada ay xilka haynayaan ay tahay 4-sano. 

Xildhibaanka oo arrimaha muranka dhaliyey ee fasiraada dastuurka ka hadlayey ayaa yiri ‘Horta dhamaan golayaasha dowlada sida baarlamaanka iyo xukuumada Mandate- kooda waa 4-sano, hadii xukuumadda aan sanad ugu darno anagana aan ku darsano oo Awooddaas aanu leenahay, dee doorashaba looma baahdeen markay mudada naga dhamaataba sannad ama afar sanno baan isaga darsan lahayn”

Mudane Xildhibaan C/weli Muuse Shire (Dhamuuke) ayaa hoosta ka xariiqay in wakhtigooda uu kaga egyahay 31-Oktober 2012, xukuumadana siddeeda Janaayo 2013.

Dhagayso Xildhibaan Dhamuuke

Play

Mudanahan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dowlada soo socota ee dhalata janaayo kadib ay u xilsaaran tahay arrimaha xisbiyada. isagoo arrimahaas sharaxayana wuxuu yiri:-

“Dowlada dambe ee soo socota ayaa Mandate- keedu wuxu yahay 5 sanno, sida dastuurka ku qoran waxaana laga rabaa inay sannadaha u horeeya dhisto xisbiyada, sugto xuduudaha, samayso hub ka dhigis, dadka diiwaangeliso iwm. laakiin dowladan aan anagu ka tirsanahay waan qaban weynay arrimahaas, muddo noo hartayna kuma soo dhamees tiri karno”

Xildhibaanka oo ka jawaabayey, sida uu arko shacabka Puntland qaarkiis ee ka qeylinaya sida dowladdu u kororsanayso xilka, ayaa kaga jawaabay “Waa gar in dadku na tuhmaan oo markii 3 billood wakhtigeenii ka harsan yahay inaan dhahno xisbiyo ayaan samaynaynaa sannadna waan sii fadhinaynaa, runtii taasi waan ka garaabeynaa xukuumadana lama qabno, maxaa yeelay 4 sanno ayey heysatay dowlada inay dalka xisbiyo ku gaarsiiso, laakiin taas bedelkeed waxay xukuumadu ku mashquushay siddii ay si xeeladeysan xilka ugu kororsan lahayd, marka waan qiimeyneynaa qeylada meel walba naga soo gaartay ee xataa Issimadii gaartay, sidaa daraadeed marjaca dalka u sareeya ee anaga xildhibaano ahaan nasoo doortay waa Issimadda iyagaana dib talada ugu celinaynaa”

Ma ahan xildhibaankii u horeeyey ee si cad uga hor yimaada arrimaha dimoqraadiyeynta ay waddo xukuumada Dr. Faroole, balse waxaa iyana Boosaaso ku sugan xubno ka tirsan xildhibaanada Puntland oo fikirkan oo kale qaba, si weyna u dhaliilsan sida ay xukuumadu wax ku waddo.

Shacabka Puntland ayaa si weyn uga soo horjeeda laba lifaaq oo lagu soo daray dastuurka si xukuumada Puntland ay uga dhigtaan muddo ku siman 5-sano, halka markii hore ay ahayd 4-sanno.

Isku soo duuboo siddeeda Janaayo ayaa la filayaa in Puntland ka dhacdo doorashada, madaxtinimada Puntland, kadib afar sanno oo uu Madaxweyne kasoo aha Dr. Abdirahmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah aqoon yahan 74-jir ah ayna mudan tahay in looga mahad celiyo shaqadii uu soo qabtay mudadii uu xafiiska joogay.

Puntland News-24

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Hagadera says:

    Asw? Puntland waxaan inta naiga soojedinaya waano yar oo kusocoto reerr puntland oo qeeb walba oo bulshada kamid ahi ee kujirto. Waxaan leeyahay dad karti ayaa noqoteen oo wax qabsaday mudadii koonfur eey kujirtay kalacarar marka somali hadaa nahay qof saas oo kale ah cadoow badan ayu yeesha oo iskudayo inuu helo jaanis yar uu kuburburiyo waxi mudo dheer lasoo tacbayay mana aha qasab cadoow gaas inuu beelfog ka imaanayo ee adinga ayu naiga sodhaxbixi kara amaba diwada ee puntland yaa lagaa faidesan oo kuhishiiya sifa cadoowgina aad uga guulesataan. Midakale farole wa nin wadani ah dhiigna leh waayo waxaan kadareema marku hadlayo.tnx

  2. KHADAR JAMMA says:

    AAD AYAAN U SALAAMAYA MACALINKAYKA DHAMUUKE SHIRE MARNA XILDHIMAANKA QAALI AH WAXAAN KA CODSANAYAAA SIDA KARTIDA LEH OO SAMEEYEY XILDHIMAANKA SAMEEYA XILIMAANADA KALOW KA KACA MEESHA

  3. Jamaal says:

    Asc wr wb waxaan salaamayaa dhamaan shacabka xalaasha ah ee Puntland iyo Puntlandnews24. Waxaa kaloo halkaan ka salaamayaa xildhibaan Abdiweli Dhamuuke oo ah nin aan hadalkiisa dhageystay waxaana uu iigula muuqdaa ruux daacad ah noo sheegay xaqiiqda taalo Puntlad.Marka hore Alle mahad leh, annigu waxaa soo jeedin lahaa dhowr sheey oo muhiim ah:
    1. Waa in la hela dawllad tayo leh shacabkana u shaqeyso daacadna u ah.
    2. Waa in lla hela dawlad lala xisaabtami karo aanan aheyn mid shacabka muqiinisa una xoog sheeegata.
    3. Waa in aan lagu xadgudbin dastuurka udegsan Puntland, dastuurkana waa lama taabtan. Hadduu dastuurka ku qoran yahay 4 years in dawlada dhamaatey waqtigeeda waa inay baxdaa dawlada. Loomana baahno in xukunka laisku madax adeegiyo.
    4. Sida uu noo sheegaya dawlada hadder jirta ee uu horukacaya Dr. Faroole waxna ma qaban buu yiri, kitaab Allena waa lagu dhaartaa, taa waxaa ka lee yahay wa inay jirta (Accountibility) is xissaabin la xisaabiyaa dawlada hadder jirta.
    5. Waa inay dhacdaa doorasha xalaal ah next year 2013 January.
    6. Waa in la doortaa ruux soo xiro xuduudaha Puntland kana shaqeeya danta puntland shacabkana jecel yihiin.
    Waxaa hadalkeyga kusoo gunaanadayaa haloo hiiliyo xaqa yaanan ruuxna looga cabsan xaqqa.
    asc wr wb

  4. ` says:

    aad waxaan u salaamayaa una mahad celinayaa mudane dhamuuke oo sida walaalkay sheegay muujiyay damiirwanaagsan iyo karti taas oo aan isleeyahay waa nin ka soo baxay amaanadii ay umadiisu u dhibatay fuliyayna dhaartii uu rabi hortiis ku dhaartay dhamuuke horay ayaan u arkay isaga oo waxbadan oo run ah ka sheegaya shaqada ay u madiisu u dhiibatay waxaan kula talinlahaa marka hore in si shuruudla aan ah ay u soo celiyaan beesha uu ka dhashay mudane dhamuuke si uu uga mid noqdo mudanayaasha baarlamaanka cusub ee la soo doonanayo waxaa kale oo kula talinlahaa umada reer puntlan in reer kasta ay soo doortaan dad leh karti aqoon ilaah ka cabsi matali karana umaddii soo dooratay iyaga oo fushanaya shaqadii loo igmaday si puntlan ay horay ugu gudubto ee aysan noqon kuwo lagu fushado wixii uu maamulka markaas jira uu isagu rabo wabilaahi toowfiiq

  5. Bilaal says:

    Waxaan filayaa mudanahan waa nin daacad ah oo muwaadin ah,xildhibanada kalena waa in sidaas oo kale falaan,mudane xildhibaan abdi wali wd mahadsantahay ilahayna haku xifdiyo

  6. Hersi says:

    waxaanu u baahannnahay wadani ninkaan oo kale ah …laakiin uma baahnin caloosho u shaqeyste …laaluul qaate ah oo aan qaddiyadda p/lanna eegeyn …….ilaah haku dhowro dhamuuke…allahha inoo badiyo adoo kale ..aamiin guuleeyso….p/lanna guul inshaa allaah.

Leave a Reply