Xildhibaan Shaybe Sheekh Maxamuud oo Garowe lagu dilay saakay
August 6, 2012 // Warar SomaaliAlle ha u naxariistee xildhibaan Shaybe Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa golaha wakiillada Puntland ,kuwooda kasoo galay gobolka Bari ayaa saaka aroortii lagu dilay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Xildhibaanka, ayaa la toogtay xilli uu ka soo baxay masaajid ku yaalla meel u dhaw xaafadiisa oo uu ku tukaday salaaddii subaxnimo, waxaana dilkiisa fuliyey rag baskoolado ku hubaysnaa sida warar hordhac ahi ay tilmaamayaan.
Raggii falkaasi gaystay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana ciidamada amniga oo isla markiiba halkaasi tagay ay wadaan baaritaan ay ku raadinayaan raggii falkaasi gaystay
Xildhibaan Sheybe Sheekh Maxamuud ayaa ahaa xildhibaanada baarlamaanka Puntland kuwooda ugu firfircoon, waxaa siweyn loogu xasuustaa dhaliilalaha dowladda Puntland ee la xiriirta waxqabadyadeeda gobolka Bari oo siweyn uu uga hadli jiray xiliyada ay socdaan shirarka baarlamaanka iyo dowladda.
Waa falkii labaad oo muddo ka yar 30-cisho magaalada Garoowe lagu dilo masuul dowladeed, waxaa dhowaan la dilay taliye kuxigeenkii hore ee ciidamada booliska C/laahi Saalax Nadalo, sadex cisho ka hor ayaa isla magaalada Garowe isku day dil waxaa ka badbaaday wariye C/fitaax Geeddi oo ka mid ah wariyayaasha ka howlgala deegaanada Puntland.
Wixii kasoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa insha ALLAH.
Puntland-News24
Garowe



waxaan joogay aaskii waxaan layaabay waxaa joogay m weyne kuxigeenkii iyo wasiiro waxana sshaybe lala keenay qof dumar ah oo meesha lagu aasayey markii aaskii dhamaaday ayaa madax dii oo dhan iska dhaqaaqday marka suaasha is waydiinta leh waxay tahay miyaanay iyadu ahayn qof reer bpland ah maxaa looga tegey dawladu waa inay raali galin ka bixisaa kiiskaas
ale ha u naxariisto sheebe waxaase wax lala yaabo ah aas qaran baa loo qabtay garoowe waa magaalo yar oo 2000mx1000m ah waxaana la lee yahay waa lawaayey maalin cad qofkii falka galay mayeeli doono ee talo hala keeno hadii kale noo sheega aanu anagu is difaacnee waa nala yaqaan sidii aanu al itixaad ugu galay garoowe iyo boosaaso aas qarana waxnooguma yaal hade geeridana madiidanin oo waa sugayna laakiin mayeeli karo waa la waayey qofkii wax dilay madaxda waxaan leeyahay hadaydnaan dadaalkiina sikale ka dhigin waa inaad iska tagtaan
Wax kale oo aan iraahdo garan maayo oo aan ka ahayn waa ayaan daro habac sanaan aan dulimaahee an waxkale ka ahayn
Inaa lilaahay wa inaa ileyhi raajucuun ugu horayn alle waxaan uga baryaynaa sheybe shiikh maxamuud inuu naxariistiisii waadho siiyo ehelkiisii iyo qaraabadiisii iyo sxbadiisii dhamaantood samir iyo iimaan kasiiyo runtii si wayn ayaan uga naxnay uga xumaanay ka suldaan ahaana si fiican ayaan isu niqiinay waxaanu ahaa shaqsi wll ah oo ehelnimo yaqaan oo daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa marlabaad alle haw naxariisto waxaan dowlada iyo dadka puntland ugu baaqayaa in ay fadhiga ka kacaan oo ogaadaan nimankii koonfureed xagay usoo guureene heegan loogalo sidii looga hortagilahaa waxaan kaloo dowlada gaar ahaan leeyahay si dhab ah dib isugu noqda oo sartu xagiinay kaqurun san tahaye ma dadka amaankooda suga ama hahodininee runta usheega oo dowladii waxba qaban wayday ah is difaaca dhaha ileen sidani si maahee caasimadii awalba iyadu xoogaa dhaantay gobolada kale heer xildhimaan lagu laayo maraysa oo ay kahoraysay taliye ku xigeenkii booliska oo ilaa hada dowladu wax war ah aysan kasoo saarin baaritaan koodii ay waday mana garanayo waxa ay uqarinayso wixii kasoo baxay baaristii lawaday waxaan leeyahay shacab iyo dowladba waxaa laydanka baahan yahay dadaal iyo isku xirnaan iyo midnimo iyo cadawgoo laga ilhoreeyo lagana hortago
inaa liliaahi wainaa ileyhi Raajucuun,alaha u naxariisto marxuum sheybe sh maxud, maxaa la gudboon reer p/land? waa in si deg deg ah arinkan wax looga qabtaa oo waan ku fashilaney amaanka nafta qaaliga ah ee bini aadamka.
Isimada waxgaradka ,siyaasiinta,saraakiisha,waxaa looga fadhiyaa siyaad cad oo amaanka p/laand wax looga qabanayo.
inalilaahi wa inaa lilaahi raajacuun alle naxariistii jano hageeyo marxuumka iyo inta xaqdarada lagu dilay oo islaama oo dhan waliba iyada oo bil rabadaan ah ehelkiisiina samir iyo iiman hakasiiyo iyo waliba gaar ahaan xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay maxaa yeelay waxa tabikara waa iyaga oo qura haddii aan tacsida intaas uga baxo puntland waayadan danbe waxaa ku soo cusboonaaday falal aan horay uga dhicijirin oo dilal iyo xad gudubyo loo geesanayo muwaadiniinta reer puntland arinkaas oo lasaanqaaday maamulka fariidka ah ee hada talada haya haddii aan u soo noqdo dilalka ma aha kuwo la soo koobi karo oo waa ay tiro beeleen oo kow iyo labo maanta lama orankaro marka dil dhaco hadalka u horeeya oo dadku oranayaan waa alshabaab ayaa na layneeysa doowladuna sidaas oo kale ayeey dadka ku qanciyaan iyo waa ku raad jirnaa cidii dan biga geesatay hadaba waxaan rabaa in aan dadka reer puntland ee xaqiiqada iska indha tiraya in meesha dhibta ka dhacday masuuliyadeeda uu leeyahay maamulka talada haya dadkaas la dilayo ama alshabaab ha disho ama si kale ha loo dilee maxaa yeelay puntland waa layaqaan xuduudaheeda waana lasugikaraa abnigeeda waa haddii maamulku uu si daacad ah u shaqeenayo waxaa kale oo aan aad ula yaabaa ina faroole marka uu afka kala qaado waxa uu ku hadaaqaa abniga dalku waa fiicanyahay iyo waxaanu bixinaa mushaharadii ciidamada oo aysan bixinjirin doowladdii hore hadaba waa yaaba idinku dadoow ma iswaydiiseen abniga iyo ciidamada uu faroole ku faanayo haddii muwaadiniintii reer puntland qaarna ay qabiil lamida oo wata magacmaamul uu gumaad ku hayo qaarna puntland dhexdeeda lagu leeynayo intii runta ka hadashana ama dhaliisha maamulka fariidka ahna xabsiyada ladhigayo oo waliba iyaga oo loo kalasaarayo sida ai u kala tira badanyihiin reerkii xooga tiro badana cid wax orankartaa aysan jirin maamulkuna uu u dhaqmayo maamulkii kacaankii maxamed siyaad ee wadanka ku qabsaday awooda milatari waxaan u maleenayaa in u mada reer puntland ay maanta ku habsatay masiibo aan horay loo arag una baahantahay badbaado sida ugu dhaqsaha badan mau maleenayo in haddii ay sidaas ku sii jiraan in u mada wax ka harayaan lana gaarayo afarta bilood ee maamulka faroole ka hadhay waxaa kale oo aan la yaabanay waxaa jira dad indho la aan ku taageeraya maamulka aad xaalkiisa u jeedaan waxaana oran lahaa ku waas ilaahay ka baqa oo danbi aan idiin dhoweeyn idiku ha doonanina waad mahadsantihiin
inaalilaahi wainaa ilayhi raajucuun ala haunaxariito marxuunka waxaan odhan lahaa anigu shicibku ahalashaqeeyo dawlada oo hasoosheegaan nin kawaxdila dhaxdooda ayuukujiraa hadiilaleeyahay waa reer hebel waahalkeeda lakiin ogaada in aad idinkuna kuxigtaan soomaaliland shicibkeeda iyo daladu waywadashaqeeyaan maanta cidi guri kakirayn mayso hadaan lu garanayn garoowe waxaa kunool reer kaliya oo majeertena siday udhacdaa in lagaran waayo cida wax laynaysa waa yaab
asc inalilaah wa ina ileyhi rajucuun ilahay how naxariisto xildhiban sheebe sh mohamud saciid fay shaqsi fican bu aha oo hadal wanaagsan ilahay jana fardowsa uga baryeyna amiin
alle ha u naxariisto marxuumka
lagu dilay garoowe xildhibaanka
waxaan lee yahay yaan la is ku halayn maamulka
ina faroole ee dadka dhalin yarada meesha ha ka kaceen oo dadka iyo dalka ha badbaadiyeen weliba kaar ahaan puntland dowlda dciifka ah oo yaa la is ku ha leen inta waxa ay lee yihiin dablay hubeeysan oo waxaa dishay haybtooda la karaneyn marka madaxda puntland oo dhan waa beenlawiin waa dhiigya cabyaal maaskiinta ayaa laga jarayaa xaqooda ina faroolena ha la dilo
meeshaan wiilashiina cawaamta inaad usuubisaan project waxbarasho ayaa larabay marka Al-shabaab oo caqiidadooda tahay leeynta muslimiinta ayaa wax kushubanaya nimankaan yar yar marka masaajida waaba kawaan ayaga ay ushaqa tagaan oo midkeey rabaan ku soo goowracaan maalin ama toogtaan. Boowe maxaa idiin baxay 400 oo midkasta midka kale ka qiima baddan yahay ayeey Somalia ka dileen wiilashaan wax iska celiyana maleh ilaa haatan. Waa yaabka yaabkiis meeshiina qaadka iskaga cuna inteey idinka dhameenayaan. Marqaan baad ku wada jirtaan ileeyn miirka ayaa idinka maqan walaalahiina waa la dhameeyey waxna ma suubinaysaan ??????
innaalillaahi wainnaailaahi rajucuun ,alle naxariistii janno hageeyo ,gacan kaxaq daran baa dishay ruuntiina waaarrin xanuun badan oo murugo iyo uur kutaal’leh ,waxaase loobaahan yahay arin tallo iyo taxadar badan leh oo lagud boon nabaad guurkaan lagu hayo dadkii muhiimkaahaa oo runtii ah arin khatara oo shacabka puntland haddii dawlad iyo shacab aaysan noqonin sida ul diirkeed oo aaysan wadayeelan wada shaqeen joogtaa aay arintu ku dambeen doonto hoog iyo halaag iyo meel xun oo aan laga’soonoqon karin,haddaba maxaa loobaahan yahay oo lagudboon cadawga usooxirxirtay cadawgaas oo raba in puntland aay noqoto meel dadka aqoonta leh iyo dhaqaalaha kacararaan sida haddaba jirta, hadaba sidee loosoocelin karaa nabadii aay kusoocaanamaashay puntland ,sidee looga hortigi karaa dadka naxariis laawayaashaa oo kusoo lacag qaata nabad galyo xumo inay ka abuuraan puntland oo aay laayaan hal doorka puntland kuwaasoo wata wajiyo argagixiso iyo mid dhaqaale ,waxay ilatahay jawaabtu sidaan hoos kuqoron 1-shacab waa doowlad dawladna shacab la’aan mashaqeen karta waa in dadka shacabkaa iyo dawladdu wada shaqeen yeeshaan oo nambar 999 ahna lasameeyaa oo telefoona si tuuga naxariis laawahaa loosooqabto waraysi kadibna abaalkiisalamariyo oo ah dil toogashaa ,2-in dadka shacabkaa fulaynimada la’iska dhaafo oo sidii ari weer galay aan loocararin inta haldoorka uu dilo tuug naxariis laawaa, intakalana sidii arigii aay cararaan ,waxaana loobaahan yahay nimaan qori guriga u oolin majiro waa in dhiigyacabka laqabtaa goobtuu wax kudilay ama lagu dilaa maahan inuu baxsado ,waa in lacayr sadaa cadowgaa haldoorka dadka iyo dhaqaalaha baabi’inaya ,3-waa in dawladda puntland aay babaadisaa dadkeeda oo aay ka hortagtaa dilka dadkeeda oo maalinkasta lagu ciribtaraayo dadka koofiyaddaa iyo amniga waddanka ,waa inay sameeysaa dharcad ama nabad sugid taagan tuuga meeluhuu wax kudilay dhiigyacabka naxariista rabi kadheertahay ,runtii taasu amniga wax weeyn bay kaqaban kartaa ,4-waa in dhiigyacabka isku meel loogawada jeestaa waayo xaaladdu meeshay marayso waa meel qatara oo aan ku haboon dadka shacabkaa iyo dawladdoodaba inay isku meel kasoojeesteen oo gacanta lagu dhigaa tuugaa kaganacsanaya bulshadeena muhiimkeeda iyo burburinta dhaqaalaha puntland ..ramadaan kariim
meeshaan wiilashiina cawaamta inaad usuubisaan project waxbarasho ayaa larabay marka Al-shabaab oo caqiidadooda tahay leeynta muslimiinta ayaa wax kushubanaya nimankaan yar yar marka masaajida waaba kawaan ayaga ay ushaqa tagaan oo midkeey rabaan ku soo goowracaan maalin ama toogtaan. Boowe maxaa idiin baxay 400 oo midkasta midka kale ka qiima baddan yahay ayeey Somalia ka dileen wiilashaan wax iska celiyana maleh ilaa haatan. Waa yaabka yaabkiis meeshiina qaadka iskaga cuna inteey idinka dhameenayaan. Marqaan baad ku wada jirtaan ileeyn miirka ayaa idinka maqan walaalahiina waa la dhameeyey waxna ma suubinaysaan ??????
Illaah jannaddii ha ka waraabiyo Sheybe Sheikh Mohamud. Ehelkiisiina samir allaha ka siiyo. Waa waajib saaran dawlada iyo laanta amniga in ay sugaan nabada shacabka khaasatan madaxda iyo xildhibaanada. Haddii dawladu kafaalo qaadi karin amniga waa ku khasban yihiin xildhibaanadu in ay amnigooda ka taxadaraan.
Marxuumka arday kutubta wada daalacata ayaan isla ahaan jirney Qardho late 70s and early 80s, si gaar ah ayaa geeridiisu ii taabatay illaah fardawsa ha geeyo. Amiin.
inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun ahn marxuunka waar hooy majeerteenoow is daba qabta oo kudka idin ugaadhsanaya iska qabta ileen meel aad u qaxdaana ma haysaane oo somali oo dhan baa coloowday eh laakiin waxaa wax laga naxo ah in magaalaa garoowe oo ku jirtay magaalooyinka ugu xasiloon dhulka somalidu degto inaan waxan oo keli ka maqalo anigu waxaan ahay gabadh somaliyeed una dhalatay magaalada burco aadna waxaan u xiiseeyaa travellka ama dalxiiska waxaanan aad rageeynaayey inaan socod ku wada maro dhamaan magaalooyinka somaliyeed laakiin imika gaalkacayo iyo garoowe liskaygii way ka bexeen walaahi waayo naftaydaan u cabsanayaa in madaxa la iga toogto anigoo kasoo maxay masjid aleh waa wax laga fajaaco in qof tukanaaya la toogto
inalaa nilaah waa inaa ileehu raajucuun
shalay galkacyo ayey ahayd 2dii walaalo la is garab dhigay hadana garowe kadibna karkaar ama boosaaso ayaa ku xigidoonta .
anigu waxaan kula talinayaa in shicibka idilkii oran maayo laakiin dadka maamulka kujira ama ganacsatada ama wixii kale oo soo raaca sida nabadoonada in ay is hubeeyaan oo aysan isku haleynin maamulka daciifka ah ee meesha kajiro .
sheekadii xamar baa meesha kabilaabantay waayaab