Xildhibaan Siciid C/llaahi Dani oo Qardho soo garay Booqdayna Xarumo kala duwan(Sawiro)
January 31, 2013 // Warar SomaaliWaxaa Magalada Qardho soo gaaray Xildhibaan Siciid C/llaahi Dani oo ka
mid ah Xildhibaanada Dowlada Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya,waxaana
markii hore laga doortay magaalada Qardho Bishii todobaad sandkii
tagay ee 2012.

Xildhibaan Siciid C/laahi Dani ayaa maanta Booqasho ku tagay
Isbitaalka Guud ee magaalada Qardho,waxa uuna kormeeray qeybaha oo ka
koobanyahay isbitalaka,waxa uuna warbixinta isbitaalka sida oo u
shaqeeyo ka dhageystay mas’uuliyiinta isbitaalka.
Xildhibaan Siciid C/llaahi Dani ayaa sidoo kale waxa uu booqasho ku
tagay Xarunta Korontada eeneyo,waxa uuna u kuurgalay sida ay u
shaqeyso Xaruntaani iyo sida ay awood ugu leedahay in baahida koronto
ay ka haqabtiraan dadka ku nool magalada Qardho.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa booqday Jeelka weyn ee magalada Qardho
halkaasi oo ay ku xiranyihiin Maxaabiis kala duwan kuwaasi oo markii
hore laga keenay Magalada Bosaso,waxa uu la hadalay maxabiistii ku
xirned Jeelka weyn ee Qardho isaga oo u balan qaaday in Neef geel ah
soo gaarsiindono.
Booqashda ka dib waxa uu ka qeybgalay Qado sharaf loogu talagalay in
lagu soo dhaweyey Xildhibaanka waxaana ka soo qeybgalay Maamulka
Degmada,Haweenka,nabadoonada,
wasaaradda kalumeysiga C/qani Salaad Gurey, waxaana halkaasi laga soo
jeediyey khudbado kala duwan oo soo dhaweyn u badan.
Booqashda oo ku soo garay Xildhibaan Siciid C/llaahi Dani Magalada
Qardho ayaa waxa ay qeyb ka tahay Booqasho ay xildhibaanada Dowladda
Jamhuuriyadda Federaalka ay ku marayaan Goboladadii laga soo doortay
waxaana la rajeenayaa warbixinada ay siiyeen dadka ku dhaqan Qardho in
Xildhibaanka gaarsiindono Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.
Puntlandnews24















Meesha meel baasta loo soo raadsadaa maxeey ka qabteen waxbarashada, caafimaadka, wadooyinka waxii mashaariic ah dowlada uu ka tirsan yahay ayaa hortaagan, maantana Jubbaland ayaa la dulmiyey wax uu ka dhahay maleh, war dhiig cusub iyo wax la mid ah ma rabno. meeshaan waa Puntland. Puntland shacabkeeda waa tashadeena uma baahno dowlad daciif ah oo aan aqoon waxa socda bal kan madaxweeynaha ah asagoo Puntland ka hadlaaayo ma aragteen waaba mid wareersan xataa abaalkii Puntland waxuu ka dhigay wax kama jiraan asagoo 4 bilood madaxweyna ah ayuu dhahay wax baddan baan qabanay intaan joognay meesha 4 bilood marxuumkii Abdulaahi Yusuf ma sheegin, Sheekh shariif ma sheegin anaa wax qabtay ayuu leeyahay kaas baa wax laga sugaayaa war Puntland uma baahno beenta xamar taas iga qora. reer qardho Puntland waa inaad wadada toosan ee dimuqraadiyada aad ku taageertaan
Geele Geedi said it right,so let the stupid fat boy find votes according to his political merits instead of TOLAYEEY,KKKKKKI!
asc xildhibaanka aad ban uso dhawaynayna anoga eegeyna wax qabadkisa qof walba oo xilqabta waagi hore wax muuqda ama lagu xasuusto buu ka tagi jiray bal wan firinayna said dani
cunigan naaxay reer qardhaan isla nahay. reerku wuxuu lahaa labo xildhibaaan midi waa ini xaaji dayib kan kalena waa ninkan cayilan.
ini deni oo ah ninkan naaxsan codkiisii baarlamaanka xassan culusow gurguurte ayuu siiyey oo waa isku xisbi. ninkani shirkada towfiiq ayuu maamule ka yahay walaahi waa damjadiid kuwooda ugu waaweyn. maanta meeshuu ka hadli lahaa arimaha jubooyinka oo culusow rabo inuu faramaroorsado ayuu qardho yimid xumaan ayuuna u yimid. ee waxan dhihi lahaa orodoo tlkaa u hiili maanata hiiluu kaaaga baahanyahay e.