Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo u dareeraya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

September 10, 2012   //   Warar Somaali

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya madaxwynaha Soomaaliya hogaamin doona 4-ta sanadood ee soo socota.

Qabanqaabada doorashada waxaa ay xiligaan ka bilaawatay xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho oo shalay guddiga doorashadu uu iclaamiyay inay doorashada ka dhici doonto, amaanka goobta doorashada ayaa waxaa siweyn u sugaya ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM.

24-musharax ayaa maanta kula loomaysa doorashada ka dhacaysa magaalada Muqdisho, waxaana dadku ay siweyn dhagaha ugu taagayaan cidda kusoo baxda doorashada.

Afhayeenka Guddiga doorashada Cismaan Libaax oo hadlay ayaa sheegay in doorashada tahay saddex wareeg, isagoo xusay in 24-ka musharax wareega koowaad musharaxii hela saddex meelood labo meel uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu intaasi ku daray hadii ay dhici weyso in qofna aan helin ay wareega labaad u gudbi doonaan afarta musharax ee ugu cododka badan, isagoo xusay in isla wareega labaad musharaxii hela saddex meelood labo meel uu noqonayo Madaxweynaha, hadii aanu helina labada musharax ee ugu codka badan u soo gudbayaan wareega saddexaad.

Waxaa uu sheegay in wareega saddexaad labada musharax ee isku soo hara ay cod hal dheeri ku tartamayaan, isla markaana markaas cidii guuleysata uu noqonayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Puntland-News24
Muqdisho.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply