Xildhibaanadii la diiday oo goor dhow la dhaarindoono

September 10, 2012   //   Warar Somaali

Wararka ka imanaaya xarunta ay doorashadu ka dhacayso ee xalena ayaa waxaa lagu soo waramayaa in gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane jawaari oo soo jeediyey in cod loo qaado in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka.

Waxaa lagu dhawaaqay in 96 ay ogolaadeen in ay ka mid noqdaan 86 ay diiday 50 way aamuseen waa sida warqada loogu soo gudbiyey gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku dhawaaqay in ay ansax yihiin.

Laakin waxaa aad uga carooday xubno badan oo ka mid ahaa Baarlamaanka oo sheegay in aanay sharci ahayn maadaama buuq iyo masuq maasuq  xoogan uu ku dhex jiray isla goobta maadaana aan si fiican loo ogayn sida ay xaqiiqadu ahayd.

Waxaana aad loogu dhaliilay Gudoonka baarlamaanka in uu bilaabay khiyaamadii ugu waynayd taas oo dad badani ay kalsoonadii kala noqdeen Gudoomiha baarlamaanka oo aan dhex dheaad ka ahayn arimaha soomaaliya.

Waxaa la aaday salaadii duhur ka bacdi waxaa la dhaarin doonaa Xildhibaanadii horay loo diiday waxaana suura gal ah in baarlamaanka dhexdiisa  ay ka  bilaabato dagaal  ka dhex dhaca gudaha baarlamaanka .

Wixii soo kordha isha ku hay Puntlandnews24

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply