Xildhibaano cusub oo la dhaariyay xilli Shariif Axmed uu handadaad ku hayo guddiga farsamada
September 8, 2012 // Warar SomaaliSagaal xubnood oo ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay fadhigii ay xildhibaanada baarlamaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Laba ka mid ah sagaalka xubnood ee la dhaariyay ayaan joogin xafladdii dhaarinta ee ka dhacday xarunta Golaha Shacabka, waxaana lagu sheegay inay ku maqnaayeen fasax,
Sagaalka xildhibaan ee la dhaariyay ayaa kala ah:
1-Cabdi Bare Xuseen
2-Saalax Axmed Xuseen
3-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
4-Cabdi Raxiin Cabdi Abiikar
5-Maxamed Amiin Xasan
6-Nadiifo Maxamed Cusmaan
7-Faadumo Nuur Maxamed
8-Bishaar Ugaas Ibraahim
9 -Sooyaan Cabdi Warsame
Inkastoo sagaalka xubnood loogu aqoonsaday sirasmi ah inay uga mid noqdeen baarlamaanka cusub ee Soomaliya ayaa hadana waxaa jira khilaaf xoogan oo wali ka jira ku dhowaad 20-xildhibaan oo ah hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho, taasi oo keentay madaxwaynaha iyo guddiga farsamada soo xulidda baarlamaanka inay luqanta isla galaan.
Puntland-News24
Muqdisho.


