Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Oo Ka Soo Baxsaday Garowe
September 26, 2012 // Warar SomaaliMudanayaal ka tirsan golaha sharci dajinta Puntland ayaa kasoo baxsaday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland,ka dib markii ay la kulmeen handadaad.
Xildhibaanadan oo kasoo jeeda gobolka Bari ayaa qayb ka ahaa mudanayaal kasoo horjeeday degmooyin laga reebay in ay ka dhacaan doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.
Xildhibaanada ayaa eedeynaya Maxamed Cabdiraxmaan Farole inuu u jeediyey handadaad, inakastoo cid madaax bannaan oo cadayn karta eedeymahan aysan jirin, balse iyaga ayaa sida ay sheegayaan uu Maxamed Faroole ku eedeeyay Xildhibaanadan in ay diideen in ay u codeeyaan degmooyinkii laga saaray in laga hirgeliyo dastuurka taasi oo loo waayo Wakiilo u dooda guddiga dasuurka.
Mid ka mid ah Xildhibaanada soo gaaray Bosaso oo ka gaabsaday in magaciisa laga sheego Saxaafadda ayaa sheegay in aad ula yaabeen hadalka Maxamed Cabdiramaan Farole,arintaas oo horseeday in ay naftooda kala soo baxsadaan Garowe,xilli bay yiraahdeen uusan sharcigu shaqaynayn.
“….xaaladan markaan arkay waxan soo xasuustay Xukumadii askariga ahayd ee Siyaad,waxaana maqli jiray xiligay shaqaynaysay oraah oranaysa,diidayaa ama doorataa duqaagu waa dinaxow Jimcaale,waxan u fahanay in sharciga dalku uu yahay Madaxweyanaha iyo wiilkiisa,waadna og tahay in Madaxweynaha hadda ka hor uu weeraray Baarlamaanka isagoo wasiir ah,mararka qaarna uu aflagaadeeyo,“sidaa waxa yiri mid ka mid ah Xildhibaanada kasoo baxsaday Garowe.
Xildhibaanada kasoo baxsaday Garowe ayaa ka mid ah,Xildhibaan Cabdullaahi Cali Kaarax,Xildhibaan Cabdi Quraan Jecel,Xildhibaan Ayaanle iyo mudanayaal kale.
Sanadihii ugu dambeeyay waxa isku milnaa saddexda gole ee dowladda,arrintaas oo dadka faaleeya arrimaha Siyaasadda ay ku tilmaameen mid sharci daro hasa yeeshee ay keentay laba arrimood oo salka ku haya dano dhaqale iyo cabsi, arrintan ayaa aad loga hadal hayaa deegaanadda Puntland.
Cadeyn dhab ah uma hayno sheegashada, xildhibaanadan baxsadka ah, arrimaha ay ku eedeynayaan lataliyaha madaxweyne Faroole, balse waxaan isku dayin doonaa inaan xiriir kale la samayno xildhibaanada iyagu wali ku sugan Garoowe, si ay arrintan faah-faahin intan ka badan nooga siiyaan.
Yuusuf Hajji
Puntlandnews24



Walayal puntlanders yan nala ka faa,iidin wax walba wada hadal halgu dhameeyo gobol kastana gudi doorashada iyo waxyaabaha ky saabsan &dhaliilaha jira ka hadla hala sameeyo hana la is hor fariisto oo mis halagu dhameeyo wax walba oo khaldan, cadwgu wa badan yahay puntland sida magacu yahayba wa hooyada nabada wana dal dad haysta is jecel oo wadniyin ah hadana wada dhashay, dawlada puntland ayada oo aan jirin burburki marku dhacay wan wada ognahay halka kaliya ee umad isu keentay kala danbayn taalay &sharci bay ahayd shacabku dhiirana dadbana dhigooda u huray,marka taarikhda dib halo eego oo sharafta iyo wada dhalashada yaan la tagin faroolana hala xisaabtamo ayada oo aan dhib dhicin
puntland waa inay dooarasho ka dhacdaa xalal ah yaana la idinka faaidaysan cadowku waa badan ayahaye
Annagu haddii ay nahay Beesha Amaanle ee degta Bandar Bayla ama Nugaal iyo Mudug Faroole wuxuu nagu sameeyey anagga oo aan ognahay baaxada iyo degaanka aan deganahay inuu Ina siiyo Agaasime waxeed beesha Amaanle iyaddoo aan garan weynay cadaawadda uu inoo qabo balse shir aan ku falaqeynay aan u aragnay inuu yahay cunsuri qurmoon oo aan aqoon iyo qibrad u la heyn dhalashadda Majerteen iyo Harti iyo Daroodba oo aan istaahilinin in dib loo doorto oo Puntland dib u xukumo madaama uu Sool iyo Sanaag iyo Beelaha dega Jubbaland uu qeybiyey isla markaana dhulkii Harti weyne lahaana bixiyey wixii dhaqaalo ahna jeebka gashtay….(Mantey Majerteen Waa in Ay dortaan Hogaan Cusub Oo aan ahayn nin Cuqdad qaba sida Faroole oo Somali oo idil ay diidan yiHiin. Wabilaahi towfiiq waa Cabdixakiim Colow Cumar oo u dhashay Beesha Amaanle majerteen oo asal ahaan ka soo jeeda Kismaayo Joraa )
Puntland waxa kataagan caddaalad darro, faqri laga shaqeeyey,caburin, dil iyo xabis iyo haddidaad.Ha illawin biliiqada. Dib u eeg nolosha dhalinyarada puntland iyo nolosha ilma cabdiraxmaan Faroole. Sidaasu ma soconysaa oo caddaalad ma tahay? Reer Faroole iyo Aaran Jaan weligood mayna haysanayaan? Waa maya.
Mid waa in aan ka fakarnaa in cadowgeeenu inagu farxin, midna waaa in aan loo dulqaadan waxa faroole samaynayo, midna waa in la ogaadaa in puntland shacab leeyahay o uusan lahayn faroole iyo wiilashiisu, waana in dadka fikirkooda loo madax baneeyo si ay khasab ku jirin.
Ilaahow Faroole puntland ka qabo waa doqon, boosaaso waxaa laga helayaa boqolaal qoys oo aan dab shidan maalin kasta.
dadkadii puntland ee bosaso way xiran tahay oo wax kadhoofa ma jiraan dhamaan ganacsatadi reer puntland somaliland ayey u wareegen iyo barbara.
hadii aad kabar yar nacnac saarsato waxaa lagu leehay 600 oo kun keen hadii kale waa lagu xirayaa oo canshuurtii ayd diiday.
Waxaan rajaynayna insha Allah faroole iyo qoyskiisa in la cadaabo waxaa uga dhiman inta ay naftu ku jirto….
REER QARDHOODOOOOOW AWALBA IDINKA AYAA SHACABKA PUNTLAND BADBAADIN JIRAYE PUNTLAND BADBAADIYA.
waar heedhee kuwaan webkaan leh ma xishoodaan miyaa.ma maantay dhasheen ileen waa ognahay ,wixii u dhici jiray……………………….
Suxufi stop this!!!!!!!
Waa Fadeexad aan caadi ahayn iyo dhabar jab ku yimi maamulka Faroole, Waana ceeb inuu ina Faroole u hanjabo Xubnaha Barlamaanka.
waxan oran laha ninka leh waxyaan lasheegin adigu gurigaaga dabgalay maqarsan laheed waa maya jawaabtu marka walaal awxi dhibaato ah waalashegyaa lana qarinmayo ini faroole wiilkiisu waxuu dilay taliiya ku xigeenkii cidan puntland iyo xildhibaan sheebe marka waxa dhab ah inuu dilayo cidii kale oo isku dayda inay ka hortimaado hora loo iyri nin haduu nin dilo oo nin dilo oo ladili wayo waa inuu ninkale dila saa ladili waye marka tasku kaliftay inay soo cararaan wana kartood meel aan la isdayneen oo la isdilayo waa in laga cararaa adiguba caqlibad ledahee caraaar maxa dhama
waxaan layaabay ninkaan soomaali gudaheeda cadow isaga dhigaya oo hadana talo iyo toosin soo jeedinaya wll taladaada iyo toosintaada marwalba qabyaalad haka fogaato soomaalina hakala goyn waa isku diin, luqad, iyo isku dhaqan
asc… waxaan leeyahey reer puntland inta wax ga raneysa oo aan qabiil froole u xigsaneyn waa og yihiin en taasi ey jirto horey nah waa o dhacdey waayo hada ka hor dilaal qrsheysan oo dad lo geystey oo maamul ku ka danbbeeyey baa jiraah oo la huboo waliba maxamed c/raxman froole oo ka danbeeyey mark hadii wixii horee reer bari ka hadli waayeen waa waajib in kabadan lo geysto lkn waxaan maamul ka hadaa talada haya waxaan leeyahey wax kasta oo ey geesteyn waa wax quraan waana laga daba imaanaya inshaa allah
@Gacaliye & xaydar, ninkii dambi gala oo dawladdu xirto dambi kasta ha galee even common criminalska Maxamed Faroole baa xiray miyaa?. KKKKKKKKK, qofka haddaadan aqoon u lahayn dambi laiskama daldasho. Maxamed Faroole anagaa naqaan waxaa laga sheegayo oo dhan waa been la dhoodhoobay dadkana cidna kuma xadgudbo mana jecla ciddii wax ku xadgudubta marka ciddii dhago u furan yihiinow i maqal hadalkaa aan iri waa run beenna maaha ninkii arrimo kale iyo dano u gaara ka leh wuu iska cambaaraynkaraa cidduu doono ilaahbaana kala xisaabtami doona. nimankaan leh Garoowaan kasoo cararnay qofku waa xor meeshuu doonuu aadi karaa marmarsiiyo idiin noqon mayso.
asc faroole 4 waqtigi ku egyahay 4 sano way dhamatay
walaal waxaa la yaabanahay hadaanu nahay reer bari maxamed faroole
asc ikhyarta sharafta leh ee qortay maqaalkan intaa kadib waxan idin leeyahay dhaliishu waa wax meesha ku jirta maamulna hadan la dhaliilin dhalisha magarto marka ani waxn kula talinaya wepka in anay dhaliishodu noqon mid lagu weerarayo shakhsi gaar ah wxn ognahy waxyaabo aan wajiga laga dadan karin oo ay ka midyihin in la musmaamuqay deeqwaxbaro oo puntland ay ugu deeq day ethopia oo si gaar ah loo siyay hal school kuwaso xataa grade B ay helen waxbarasho hormarsan sida (engineering,health,nurce, iyo kuwa kale halka schoolada kale A+ laga tagay halkii nasib uhelayna uu helay ENGLISH LETRUTRE Oo ah gabayada englishka mahadsanidin waa talyani
asc
waxa rabaa in aan ujaawaabo
wiilka lamagacbaxay ( carmo)
waxa leeyahay waxa tahay bidoon lagu shaqaysto ee edeb kayeelo saxaafada xorta ah.
waxa kale oo ogaataa in dhibanayso hadaa gahadasho arimaha saxaafada horta ah.
waana igaranaysaa casharkii aan ku dhigay .
waxa aad ugu faraxsanay midnimada reer bariga xalaasha ah .
waaa jiraan kuwo aan caqli lahay .
kuwaana gacan bir ah ayaan ku qabanaynaa hadaan nahay dadka ku abtirsada deeganad ( QARDHO , UFAYN , WAACIYE , RAKO , BAARGAAL,)
waxa kale oo umahad celinyaa PUNTLAND NEWS 24. waxa uu sheego waa waxa runta ah ee jira .
Walalayalaw yaan laynaka faaidaysan faroole sanadkiisa ha loogu daro sanad waxa ka daran amniga oo khal khal gala reer puntlndow intaas bn idinka codsanaya plz nimcadu yeysan inooka darin maanta nimco ku noolnahay wan mahad alle plz hala dhawro midnimada iyo wadajirka
Tallo bixin
tolnimo iyo ehelnimo
kuna socota maamulka iyo shaqaalaha wobsiteka puntlandnews24.com
marka hore wllyaal wan idin salaamay asc salan kadib waxaan si guud oo ehelnimo leh idiinka codsanayaa inaad waxbadan xeerisaan oo dalka iyo dadka iyo faroole aad isu miisaantan oo aysan dhicin wllyaaloow in cadawgeena loo faa iideeyo oo layna ka faaiidayso markii meel la inoosoomaro lawaayay ninbaa waxaa lagu yiri war waxaas day markaasbuu yiri adu waxa kasokeeya day wllyaalow waan ogahay waxbadan oo runtii jira oo lagu dhaliili karo maamulka hada jira misna waxaa iimuuqda waxa dhaliisha ah wax kawayn oo inagoodhan halis iyo jab iyo burbur inagu ah marka wllyalow hala joojiyo wararka naxdinta iyo wax dhimaalka inooleh oo aynu dhulkeenii iyo hoygeenii aad ka tabinaysaan oo ayaan laga farxin cadawgeena iyo nacabkeena dibada iyo gudahaba marka wllayaal idinkoo mahadsan tallona aynu isku leenahay wax badan halaga fiir fiirsado
wabillaahay towfiiq
alle ha inoo xoojiyo midnimadeena iyo muwaafaqadeena cadawgeenana alle haduleeyo oo sharkiisa ha inaga xijaabo guud ahaan dalkeena puntland
facebook burhaan yaasiin cali bare
and email_bfitilig@hotmail.com
puntlandnews24.com mucaaradnimda joojiya
faroole waa halyeey garowe na waa caasimada puntland cid na laguma handadi karo
Horta waxarkaan edebta daran ( Mohamed C. Faroole ) yaa doortay? Dalka ma isaga dhistay? War hooy ina Faroolow cagaha dhig hadaadan rabin inaad ku dameysid sidii ilma Qadaafi, ilma Husni Mubarak ama ilma Afweyne, iwm!
Ilaahow ninki run shega ha cadaabin .
Waayo waxan so xasustay dilalki Growe loogu geystey Mudane shaybe iyo taliyihi cidama waxa xusid mudan inan Inan Growe qof lagu xariqin marka laga rebo cidda ay ishaarto madaxtooyada puntland
maxay labaxsan waayeen maxamad faroole sheebe ayuu dilay marka iyagana waa dilayaa