Xisbiga Horseed ee Faroole Hogaamiyo oo Damacsan Inay Reebaan Ururka Midnimo

January 22, 2013   //   Warar Somaali

Warar si hoose saxaafada loogu soo dusiyey ayaa qeexaya in Dr. Faroole amar  ku siiyey Gudiga doorashada ee ay dhamaantood soo xuleen xisbi xaakimka Madaxweyne Faroole inay doonayaan in tartanka isreeb-reebka laga reebo urur siyaasadeedka midnimo (Unity party) oo ka mid ah urur siyaasadeedyada is magacaabay taas bedelkeedana la soo saaro ururka hor-cad oo faroole u arko in uu yahay urur ay hogaamiyaan dad aan tayo weyn lahayn waxna ka hor istaagi Karin.

Kooxda AARAN-JAAN oo ah koox si weyn ugu dhow madaxweyne Faroole lehna hal-abuur iyo galaangal siyaasadeed oo ay si weyn ugu leeyihiin madaxtooyada Puntland, ayaa hadalkan iyagan xaqiijiyey.

Asaaskii midnimo Political party (Unity Party ) ayaa lagu dhawaaqay Taariikhdu markay ahay 11/ 12- 2012waxaana uu ahaa urur siyaasadeedka keliya ee soo saaray bayaankiisii ku dhawaaqista kana hadlay xaaladaha kala guurka ee Puntland wajahday Durbadiiba urur siyaasadeedka midnimo waxa uu iclaamiyey in uu yahay urur mucaarad ah kuna baaqay wada hadal qaran National Dialogue taas oo dowladu u aragtay uru ay dabada ka riixayaan mucaaradku.

Urur siyaasadeedka midnimo ayaa xukuumada uu DR.Faroole uu hor joogaha u yahay u aragtaa in uu yahay urur  khatar ku ah jiritaankooda iyo sii haysashadooda Puntland, maadaama uu dhow jeer oo hore digniin ka bixiyey khatar ka dhalan karta xili kororsi ka dhaca Puntland.

Isla markaasna ururkani uu ku cabaadinaayo dowlada dhismaha maxkamad dastuuri ah oo marjac u noqota arimaha khilaafka dastuuriga ah wararka ayaa intaasi ku daraaya in dowladuna ka warwareegaysto aas aaska maxkamada dastuuriga ah.

Xisbiga midnimo waxaa hogaamiya Dr. Sadiq Enow oo ah aqoon yahan qoraa iyo cilmibaare si weyn looga yaqaan Somalia iyo Guud ahaanba Geeska Africa .
Goor sii horaysay ayaa Dr.Enow oo ku hadlaaya magac ururka midnimo uu digniin culus ka bixiyey cawaaqib xumi ka dhalankarta xili kororsiga isagoo Baaq Baaq  rasmi ahna ka soo saaray .Halkaan ka akhri baaqi urur siyaasadeedka midnimo ee xaalda Puntland

http://ilaysnews.net/2012/12/5963/

Kooxda uu hormuudka u yahay faroole ayaa damacn uu ku doonaayo  reebista urur siyaasadeedkan ay ku dhalatay ka gadaal markii  ay xubnaha midnimo party ku adkaysteen dhismaha maxkamad dastuuri ah oo ka hanaqaada puntland DR.Faroolana u arko dhimaha muasasadan khatar soo wajihi karta doonistiisa sii haysashada Puntland iyo in uu kursiga siii joogo mudo dheer

Ugu damayntii amarka la siiyey Gudiga ku meel gaar ah ee doorashooyinka Puntland oo masuuliyadoodu tahay kala reebista ururada siyaasada ma qaadan doonaan mise meel bay iska dhigi doonaan .

Hadii warkani rumoobo waxa uu abuuri karaa isku dhac baahsan oo soo kala dhex gala dowlada iyo dadeweynaha Puntland gudaha iyo dibada maadaama midnimo party uu yahay urur siyaasadeedka ugu taageerayaasha badan Gudaha iyo Debedaba loona arko Dr.Enow in uu yahay Hogaamiye daacad  Isbed iyo horumar la imaan kara taageerayaal badana ku leh Gudaha Puntland.

Puntland News-24

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. xaqsheeg says:

    war faroole waa jahil dad iyo dal iyo diin midna wax ma tarayo alaha naga soo qabtee

  2. war dadkan qabiilku dilooday ! kan soo qoray maqaal adeer hor-cad iyo midnimo inay kala power waynyihiin goormaad ogaatay waliba lana baratamine !!! adeerayaal aynu iska dhaafno exda iyo yasniinka ! nimanka hor-cad leh waa nimanka bosaso iska leh oon lala sheegan karin. puntland waa bosaso mar ilma adeerayaan aynu dhalanteedka iska dayno hadii kale halagu kla tago meesha nin walba deegaan buu leeyahay wuuna xiranayaa haday saas timaado ! lkn ilaahay inaba ku keeni maayeen an iska ilaalino , dr saadiq aynaw na waa muwaadin ganacsade waabari na waa muwaadin kaad rabtid codkaaga sii lkn aflagaadada aynu joojino walaalayaal

  3. warsan says:

    warsan baa la i dhahaa weer beena ma sheego war faroole waa tuug wixii anfac yaalay wax qiime leh jiifay wadan aan la aqoon iyo ku shubtay weelal duleela wadankii niman joogow war maxaad aragteen warka aaran jaan hala keeno.
    midnimo waa dowlada mustaqbalka puntland ilaah kiyaa diidi kara.

  4. asc w walaalayaal waan idinsalaamay salaan kabacdi waxaan idinkula talinlahaa dhalinyarada reer puntland oo isugu jira mucaarad iyo mu ayidba in laxishoodo maxaayeelay faroolaha aad caayaysaan koleey hada isagaa madaxwayne ah teeda kaleete nimankii mucaaradka ahaa markii uu ka adkaaday oo uu ka adeejiyay shaqaalihiisii gobilada iyo ciidamadiisii oo uu kareebay tarihii siyaasada way iska aamuseen cadawgii puntland ayaaba qaybtood lasafteen marka kuwaas ilaahay ayaa inaka badbaadiyay faroolana kolleey intiina mucaaradka ahba waxaad umucaaradaysaan waa qabyaalad marka reer qardhood iyo reer mudug horaa loo arkay siyaasadoodiina way duugowday laakiin ciyaari waa gelindambe halsanaad hada kaqaylinaysaane shankalaa inoobalana nugaal ayaa magaala madaxdu kutaalaa dadkeedaana maanta siyaasada utalinayaa tobanka sanoo soosocota marka walaalayaal ha isdaalinina ee uhogaansama xisbiga horseed intaa jeega dharbaax idinku dhicin habaar iyo caytoona wax kagaqaadimaysaan faroole e maanta isagaa aabihiin ah iyo waliba aabihii dalka yaa masaakiin

  5. Hanif says:

    (Taageryasha xisbiga midnimo ) like this page oo aan qabiil iska dhaafno dimuqradiyada hala taagero.

  6. Dictator (Diktator) Dawo Mleh says:

    Horta Afrikankii meel loo dhiibo muxuu iskugu dhejiyaa?
    Hadii wax garad joogo meesha. Faroole wiligiis xil ma qabteen Waqticii SSDF . Wuxu u shaqeynayey Siyad Bare. Waa kii 4 wiil ay isku Qabiil yihiin ku weeraray Parlamanka Punt land. Haddana hoosta ga galay Ismail Omar Geele . Marka Faroole wuu socon. Dalku wuu hari. Ee Faroole Fadeexad ayaa tariikhda ku geleysa. Xisbi ayaan Mamnuucayaa. Meesha Ma aha Guri a leedahay

  7. ahmed says:

    faroole waxaa lagu xasuusandoona madexweynihii ugu xumaa ee abid soo mara puntland kibir iyo aqlaaqxumo mooryaanimo islaweyni afxumo buu isku darsaday afwaliinjo iyo caruurtiisa

  8. axmed bosaas says:

    kkkkk faroole waa daalin puntland sharci kuma jooga waana laga xoraynayaa mar dhow insha allah. majiraan wax xisbiyo ah oo la aqoonsanyahay kuli waa gacan ku rimis qiimo maleh dhamaan, wiilka faarax jaamac wata adeer caruur aan qaan gaarin baad tahaye reer qardho waa udub dhexaadka puntland la aantoodna waxba kala soconmayaan waad ogayd farool inuu hal asbuuc u calaalayay oo baryootamayay oo ay gaadhay toloow halay daayo mudadaas marka adeer faarax yarow xaqiiqda u soo laabo reer qardho maalin kuma qaadanayso inay ka takhalusaan faroole iyo aaran jaan, laakiin baryadii faroole iyo reer kiisa ayay ka war wareegeen inay dadka ugu horeeyaan laakiin hadii loo baahdo cashar baa loo dhigayaa aaranjaa.

  9. caqil says:

    asc war farooole waa qab qable waxan aad ula yaaba dadka u heesta qof miyirqaba hadanu nahay golaha badbadinta puntland waxa nagu waajib ah faroole inan ka qabano wadanka hada waad ogtihiin waxa uu isu dhibay ismail cumar geele umada reer puntland hadi ad is leedahay faroole wax ku samaynaya aad bad u qaldan tahay afwalinjo waa nin xanunsan mana yaqaan xabad maahe wax kale waa ninki barlanka puntland barqo soo weraray walaahi faroole waa baqa ma xishoodo lkn hada alxamdulilaah ciidan fican ban urarsanay xaalku meel fican bu maraya naga warsuga reer puntland faroole waa qabqable dagaal

Leave a Reply