Ururka Mucaaradka Midnimo oo loo diiday inay xafiis ka furtaan Magaalada Gaalkacyo[Sawiro]
January 27, 2013 // Warar SomaaliWaxaa maanta laga hoyimid talaabo la doonayay in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug laga furo xafiiska urur siyaasadeedkii ugu horeeyey ee sheega inuu ka qaybgalayo nidaamka axsaabta badan ee xukuumadda madaxwayne Faroole garwadeenka ka tahay.
Urur siyaasadeedka Midnimo oo ka mid ah ururarada Puntland ee kasoo baxay wajiga koowaad ee diiwaangalinta ururrada siyaasadeed ee Puntland ayaa maanta loo diiday inay magaalada Gaalkacyo xafiis ay ka furtaan, kadib markii dad caraysan ay kala eryeen dad soo qabanqaabiyay xafladda furitaanka xafiiska Midnimo ee magaalada Gaalkacyo.
Goob jooge ayaa Pn24 u xaqiijiyay dadku inay furfureen boorka ururka oo lagu dhajiyay goobta xafladdu ay ka socotay.
Dhinaca kalle gudoomiyaha urur siyaasadeedka Midnimo Dr Saadiq Eenow oo saxaafadda kula hadlay Gaalkacyo ayaa ku tilmaamay dadkii xafladda kahoryimid inay ahaayeen dad aan waxba ogayn, waxaana uu intaasi ku daray in dadkaasi qaarkood la qalday oo la yiri xisbiga Midnimo waa gacan ku rimis dowladda ay wadato, taasina ay tahay mid aan waxba ka jirin.
Waxaa sidoo kalle uu xusay magaalada Gaalkacyo inay tahay magaaladiisa, waxaa rajo uu ka muujiyay xafiiska ururka Midnimo inuu kasii shaqeeyo magaalada Gaalkacyo.
Arintaan waxaa ay ka mid noqonaysaa caqabaha xukuumadda madaxwayne Farooole horyaalla ee ah inay dalka kusoo dabaasho nidaam xisbiyadeed iyadoo shacabku ay yihiin kuwa hubaysan, aanay jirana tirakoob la sameeyey iyo talaabooyinkii kale ee loo baahnaa marka xibiyada dalka loo horseeedayo.
Yaasiin Koronto
Puntland-News24, Galkacyo.





Adeer Somali Pure man waxaan kugula talinayaa inaad hal week masjidka iska xaadiriso oo quraan lagu saaro waayo waad kulushahay oo seef la boodnimaa kaa soo hartay, marka intaadan wax buufin waa in adiga sheydaanka ku saaran lagaa buufiyaa.
waan ka xumahay dadka ku loo adeegsaday Dr:Enow waxaana kula talinayaa inaay magaalada shafteeda ilaalinyaan Dr:enoow magaalada galkacayo lagama xigo waana khalad aan laga fiirsan waxa lagu sameeyey.
SYL.. sxb Cali Saleymaan waa niman tol ah oo aan loo gefi karin, lakiin kan magaca beeldaaje soo qaatay waa miskiin Jambal xun la ordaaya, oo cuqdad qaba. waa in sidii kaneecda loo buufiyaa.
Dr: Saadiq cidna ka baryi maayo in ay ogaato wuxuu yahay iyo cilmigiisa waana hoggaanka mustaqbalka dhow ee Puntland waxa is hortaagaya oo caruuraha iyo dumarka u isticmaalayana waa rag isaga ka baqaya iyo kartidiisa. Waxaan u sheegayaa dadka meeshaan ku sheekaysta in magaca Beeldaaje lagu qaraabtey oo qof fidno ka shaqaynayaa uu meeshan ku soo galay, haddaba yaan la isu gafin oo walaaleheen Cali Saleebaan loo gafin oo arrin aysan waxba ka ogeyn lagu eedayn oo xijiga aad sheegeysaan lagu caayin, waxaan lahadlayaa walaalkay Somali Pure Man ninka la baxay fadlan iska ilaali gefka iyo cadaawadda aad ka dhex abuureyso dad walaalo ah.
Ninka Beeldaaje meeshaan ku soo galayna waxaan leeyahay Magaca Beeldaaje waa magac weyn oo sharaf leh ee meel ha uga dhicin hana ku ciyaarin sharafka reer Beeldaaje oo aan afkooda wax wanaagsan mooyee ceebi soo marin.
Ha Noolaado UNITY PARTY (Midnimo) kan la baxay Beeldaaje,, miskiin Jiran baad tahay, caqliga aad ku hadleysid waa Caqligii Xijiga lagu guri jiray, adiga jaahil ah aad isku dhererineysaa DR Sadiq Enow ,, oo laga yaqaan Geeska Afrika, Europe & Amerika. Dr Saqid wuxuu ku hadlaa 5 -luqqdood, Ruush, Arabic, English, Swedish, Somali. Waa Qoraa , Takhtar, Taariikhyaqaan, Bugaagtiisa waxay yaalaan Maktabadaha Sweden.. Xijigaagii ayaad gureysaa , miskiin yahay Malay Tabatada ah. Dr Sadiq waxa taageersan Reer Punt Land oo dhan, waa nin iska daa Punt Land-ee lagu aamini Karo Somalia oo Dhan. Afka qudhmuun meesha kala tag
Kan beeldaaje labaxay waxaad tahay duli ay maskaxdu
Madowdahay dad baad qabiil ku shegayaaa
adiga ayaana qabyalad la buka hadii dad wax qabsan kara
adan lahayn ma aha in aad dadka aflagadayso
tan kale adiga kii hoyadaa guursada waa adeerkaaye
cidii kuu talisa raac ilayn ciil ka bixi maysid oo meshan hindi baa ka tahaye
xanuunka ku hayana iska yaree…!
asc wr wb Waxaa ceeb ah in Ururka Midnimo oo ah rurka ugu wacan ee hogaamin karo Puntland una horsedi karo Horumar la hor istago, arinkaa waxaa ka dambeeya Faroole (afwaliinjo) oo og in laga adkaanayo 100%. Dadka mudug waxaa ku oranlahaa we need a change waa in Faroole laga tuuraa xukunka ururka kaliya ee ka adkaan karo waa (midnimo( 100% Reer Puntland wa taageersan yihiim ee raaca Ururka si aan horumar ugaarno. asc wr wb
war ciise riyoolow jaahiliinta aad boqolka magac ugu ceeb qarineyso iska daa, labada xabo aad aqoonyahan ku sheegto waa kuwii ay hartigu kismaayo kusoo ilbixiyeen ee iminka garoowe qaxootiga ku ah, maxaa taqaanaa waxaa ku nooshahay oo websityada ugu wareegtaa inaa erayada adiga iyo adeerka faroole lagu yiraahdo coby-gareysid dabadeed raga dib ugu soo celiso, war nacnacda iska daa sandhuruurigan ay reer faroole noo xayeesiinayaan oo sida ka badbadiska ah u taagerayaan waxey lamid tahay ina faroole oo la taageero, miskiinkan waa qolof ay doonayaan iney ka dhigtaan daciif maqaarsaar ah sidaasna tuugtu kusii joogaan oo isbadalku magac u yaal kaliya noqdo, ilma riyooley shaley ayaa dhar magaalo xiratey yaa umaleysaa inaa ka caqli badan tahay? war meesha iskaga tag kab iyo xaarkeed waa laysku tuuraaye duf ku bax…
kkkkkkkkkk cismaan seylaan hadii aad saan aqoon yahan ku tahay aqoon darona see noqon marka duf ku bax aqoon yahan kulahaa kkk aqoon yahan what a u damn
REER PUNTLAND GOAAN AYEEY GAARTEY AMA XAFIIS HALOO DIIDO AMA HALOO OGOLAADO WAAN TAAGEREYNAA PAGEKAAN FACEBOOK LIKE DHEH OO FIKRADADA KA DHIIBO (TAAGEREYASHA XISBIGA MIDNIMO)http://www.facebook.com/pages/Taagereyasha-xisbiga-Midnimo/399968060095716
http://www.facebook.com/pages/Taagereyasha-xisbiga-Midnimo/399968060095716
Dhamaantiin waxaa ididinka maqan wax la yiraaho xornimo iyo in qofku fekerkiisa soo bandhigi karo, teeda kale in xisbigaan la hor istaagona waa qalad iyo isir necayb weyn oo qarsoon yaan been la isu sheegin rajada Puntland iyo badbaadadeedana waa xisbiga Midnimo waana taageersannahay cid is hor istaagi kartaana ma jirto. Haddii aad dooneysaan badbaadinta iyo caddaaladda Puntland iyo in shacabka loo shaqeeyo waa xisbiga Midnimo ee doorta oo ka mid noqda wixii dani idiin ku jirtona garta oo raaca.
asc waa wax laga xumaado maxa yeelay waa arin ugub ah arinta waxan uga fadhina bulshada iyo wax garadka reer mudug gablax iyo gaagab waa beelaha galkacayo dega beel ka mid ah lkn cismaan saylaan warkaga wax badan ba iiga baxay gablax runti aad ban uga shakisana qayladiisa marki aan wararkisa dhagaystay maaha nin qadiyada puntland lagu aamini karo ama nin misaan weyn leh gaagab na waaba oday iska howl gab ah in faroole soo diray ragaan way iska cadanahay cismaan waa runta kuwaanu waa kuwa fashilmay lkn xisbiga midnimo waa soconaya maxa yeelay waxa iskugu tagay aqoonyahanada reer puntland oo dhan
loooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool
waxan awalba xisbi ma ahen wixi lo sameyey ba waxay ahed xiin iyo qabyalad ilahay ban idin ku dharshe xisbigan gacan ku rimiska ah 2 qof codkod maheli kara sadiq enow wan naqan doni mayno inan ka falono balse wa nin stockholm degan oo Dageyska caruurta lagu xananeyo leh isaga iyo habarta sicid xamari wan ognahay wa nin medicin qata wana tuug skatt ki swden ayu bixin waye kornfogden buna ku jira wa nin an tarikh lahen qabyalad ayadna ku bun buninaysan kan wlhi inan shimbir ku aminen wax kale iska daye yaab wale daadkana
midnimo waa urur alshabaab waana ognahay hadaanu nahay reer mudug umana ogolaannayno inuu xafiis kafurto ururkan
horaa loo yiri habarta odayga wax loo saar .hadii la dhuuso faroole ayaa hala dhuuso dhahay ayay sheekadii mareysaa. war wadanka qalqalka iyo wareerka halaga daayo oo haloo hogaansamo nidaamka xisbiyada badan ururkaana waxa diiday oo dadkaana soo kiciyay waa guulwadayaal doonaya in puntland ay ku sii jirto qabiil iyo wax waa hore laga gudbay . midnimo gaalkacyo hadii guulwadayaal hor istaageen puntland inteeda kale ayaa laga soo dhaweynayaa waana ka furan karaan xisbiyo .gaalkacyana cabdiqaybdiid haloogu daro inta uu xukumo ileen isagaa yaqaane.
Walaalyaal Sheekadan maanta Gaalkacyo ka dhacdey waxaa ka danbeeya Faroole, isagaa soo adeegsadey ragan waayo wuxuu ogaadey in Bulshada Reer Gaalkacyo ey taageereen Ururka Midnimo, maanta Gaalkacyo waxaa ka furtey xafsiiyo labo Urur oo kale lama qasin oo looma diidin, sababta Midnimo loogu diidayo waa Ururka Kaliya ee challenge gareyn kara Ururka Horseed. Hadaba anoo ku hadlaya magaca Aqoonyahanada Gobolka Mudug, waxaan taageer sanahay Ururka Midnimo, kuwa wax magaradka ah ee maleegay arintan waxaan lee nahay ka waantooba. Horseed Iyo kuwa taageersan waxaan lee nahay, Your days are numbered. VIVA MIDNIMO.
Cismaan Saylaan
Gaalkacyo Puntland