Xisbiga talada haya dalka sweden oo bilaabay dar dar gelinta doorashada soo socota
October 19, 2012 // Warar SomaaliMadaxda Gololka Stockholm ayaa xaflad furitaan oo heer sare loo soo agaasimay, waxay kala qayb galeen Prime Ministerka Sweden, Mr Fredrik Reinfeldt.

Waxaa si xowli ah uga socda Caasimada Sweden ee Stockholm, dar dar gelin kampayn aad loo soo habeeyey, taas oo ujeedadeedu tahay, in ay madaxda Xisbiga waddanka Sweden ka taliya, in ay khudbado diiran ka jeediyaan, oo ay soo jiitaan codka dadweynaha Sweden, si u ay doorashada codkooda u siiyaan.

Waxaa muhim ah in aad soo diyaarisid ajende Siyaasadeed oo taabanaya meel kasta, sida Cafimaadka, dhaqaalaha, waxbarashada, waalidka , ardeyda, caruurta, haweenka, hablaha, dadka waayeelka ah iyo dhamaan bulshada.
Bulsha kasta horumarkeeda waxay ku xiran tahay aqoonta ay leeyihiin hogaamiyeyaasheeda, taas ayaa bulshooyinka aduunka ama waddamada dunida kala horumarisay, ama kala reebtay.

Goobta ay ka dhisneed dhismaha kampaynka xisbiga Moderatka ayaa waxaa khudbad xiiso leh ka jeediyey oo soo jiitay dadweynihii joogay, iyo kuwa waddada marayeyna Prime Ministerka Sweden, Mr Fredrik Reinfeldt, isga oo khudbadiisa kaga hadlay arrimo badan, oo ay ka mid tahay dhaqaalaha Sweden oo ka bad baaday in uu ku yimaado dib u dhac, iyada oo ay waddamada Europe ay ku dhufatay dabayl dhaqaale xumo, taas oo sameyn xoog leh ku yeelatay waddamadaas, hase ahaatee waddamada kale ee galbeedka Europe waxay isku dayaayan bal in si uun loo la tacaalo dhibaatadaas.
Xisbiga Maderatka iyo hoogaamiyeyaashiisa waxa uu ku guleystay dejinta dhaqaale hufan, oo kalsooni lagu qabi karo. Mr Reifeldt ayaa waxa sheegay in siyasdda Modertka uu suurageliyey in la furo dugsiyo lagu barto xirafadaha ka la duwan, taas oo loogu tala galay dhalinyarada doonaya in soo galaan suuqa shaqada.
Reifeldt oo yiri Xisbigan Moderatka waxaa uu taagan yahay Xisbi shaqo, halka Xisbiyada Social-ka iyo dadka ku baraarujiyaan in la qaato kaalmada ay dowlada bixiso. Xisbiga Social demokrat iyo kuwa ay xulufada ahaaan jireen ee Xisbiga Bidixda (Vänster Parti) iyo Xisbiga Deganka (Miljö Parti) hadda way kala fogaadeen, oo qola walba oo iyaga ka mid ah waxay keentay Qorshe Siyasad dhaqaale oo u gaar ah, taas waxad ka garaneysaa in aysan isku mowqif ahayn, halka Xisbigeena Moderatka iyo Xisbiyada nala shaqeeya aan isku mowqif ka noqonay Qorshaha siyaasadeed ee Misaaniyada sannnadka 2013.
Waxa uu xisbiga Moderat-ka ah u qabtay Bulshada Somaliyeed ee deggen Sweden: Xisbiga Mderatka waa Xisbiga keliya oo dad somliyeed oo aad u tiro badan siiyey Sharciga degenaasha Dalka Sweden, waxaa kale oo iminka u ogolaaday waalidiinta ay ka maqan tahay caruurtooda in si fudud loogu keeno, taas oo ilaa iminka caruur badan oo joogta Ethiopia, Kenya oo waalidkood joogaan Sweden, la siiyey sharci rasmi ah. halka waddamada kale ee Europe ay ku dhibaateysan yihiin Somalida, oo sharciga lagu adkeeyo, ama loo diido. Caruurtaas iyo xaasaskaas la isku keenaayo ayaa lagu qiyaasay ilaa 27 000, xisbigaan Moderatka oo mid aad sharciga u siiya Somalida.
Dadka Somalida ah waa in ay akhriyaan Xisbi kasta ajedihiisa, si aysan iga oo indha laá ay codkooda meel cidla ah ugu tuuraan. Waxa nasiib darro ah in xisbiga cunsuriga ee lagu magacaabo Sverige Demokrat, uu iminka soo galay Parlamanka, oo ay muhim tahay in la helo qof ku hadla codka laajiyiinta oo Parlamanka dhexdiisa halgan adag iyo dagaal Siyaasadeed la gala Xisbigaas cunsuriga ah, marka codkeena waa in aan siinaa, qof leh aqoon, karti , geesinimo oo aan gaban marka ay dood kulul ka socoto Parlamanka, difaaca diintiina , dhaqankiina, iyo jiritaankiina.
Puntlandnews24/
Stocholm/ Sweden




Mowliid, saxiib waa Dr Kahin Enow , waa Dr Sadiq Enow walaalkiis. Reer Eenow Caadi Maaáha Maashaa Alaaah.
Dr Kahin Enow waa Xubin Joogta ah ee Mudanayaasha Guddiga Joogtada ah ee Caasimada Stockholm, Kahin Enow sxb waxan ku rajeynayaa Horumar , Waxa uu Matalaa 2 Milyan iyo badhka Caasimada Stockholm ku nool, waa aqoon yahan , diinta ku fiican, somali u siman tahay
dr saadiq waa nin karti iyo halabuur leh kuna hadlikara magaca invandraaraha ee ku dhaqan wadanka si wad dadaalkaaga wa noqonaysa parlamaan iyo ka badanba