Xisbiga talo wadaag oo bayaan kasoo saaray xaalada Puntland

July 2, 2012   //   Warar Somaali

Bayaan ay maanta magaalada Muqdisho ka soo saareen Xisbiga Talo Wadaag oo ka mid ah ururada isbedel doonka Puntland ayaa looga hadlay dhibaato ay sheegeen in shirkadda Saracen iyo maamulka Puntland ka jira ay ku hayaan dadweynaha ku nool deegaanada waqooyiga bari ee Soomaaliya.

Bayaankan oo lagu soo beegay munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 52 guuradii ka soo wareegatay maalinta xoriyada dalka isla markaana la soo gaarsiiyey qeybaha warbaahinta dalka ayaa xisbiga Talo Wadaag waxa uu DKMG Soomaaliya ka codsadaty inay faragelin ku sameyso xadgudubyo lagu hayo shacabka reer Puntland kuwaasoo ururku uu sheegay in ay si weyn ugu lug leedahay shirkadda Saracen ee dhanka amaanka qaabilsan lagana leeyahay wadanka Koonfur Afrika taasoo fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso.

Haddaba bayaanka ururka xisbiga Talo Wadaag ayaa u qornaa sidatan;-

BAAQ

Xisbiga Isbedel doonka Puntland ee Talo Wadaag

Tr’ 1, July 2012, Muqdisho-Soomaaliya

1. Waxaan ku baaqeynaa in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay wax ka qabato xadgudubyada lagu hayo shacabka reer Puntland.

2. Waxaan ku baaqeynaa in beesha caalamka ay ka hadasho xasuuqa lagu hayo dadka reer Puntland ee ay geysaneyso shirkadda Saracen.

3. Waxaanu beesha caalamka u sheegaynaa in dadka reer Puntland aanay marnaba raali ka noqon doonin in doorashada Puntland dib uga dhacdo xilligeeda oo ku beegan 8/01/2013.

4. Waxaanu maamulka Puntland u sheegeynaa haddii ay doorashada dib uga dhigaan xilligeeda in shacabka Puntland ay gacantooda ku keeni doonaan isbedel rasmi ah.

Bayaanka kadib ayaa waxaa shir jaraa’id magaalada Muqdisho ku qabtay gudoomiyaha xisbiga Talo Wadaag ee Puntland Maxamed Cilmi oo sheegay in bayaankan ay soo saareen kadib markii la caburiyey saxaafadda ka hawlgasha gudaha Puntland isla markaana laga xayiray siyaasiyiinta iyo cuqaasha inay ka hadlaan xaalada cakiran ee ka jirta deegaanka.

Maxamed Cilmi wuxuu sheegay in Puntland ay u baahan tahay in la badbaadiyo maadaama ay aas aas u tahay dawlada federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. liii gaaas somalilander says:

    awalba waala ogaa putiland inay budhcadbadeed kushaqaysato afartan wasiirna ay gacan saar laleeyihiin budh cada meel xaaraani gashaana sidaasaa udanbaysa katowbad keena guryaha aad kadhisateena masaajido kadhiga wabilaahi tawfiiq waadar daaran kkkkkkkkkkkkk

  2. Puntboy says:

    Labaddii Ciiriin ku qaybsata baseylka iskuma qabsadaan!!!

    Hooy, wadanka Cadda markuu xukumayey mar uu ka xumaa ma jirine, maa laga daayo fadqaladada lagu hayo.

    Wiilaw anigu waxaan islahaa kuwii hore ayaa lagu cibra qaatay!! wadanku uma baahna balaayo afuuf iyo burburin.

    Tani waa istaqaan isuma dhuumato.. Haddii wax la rabo si xun yaan loo doonin, ragna ina walaal wuxuu ku dhaamo ma jiro.

  3. SAYMO ROOBAAD says:

    Xaar walwaal warkiisa dooni mayno-
    xaasid u shaqeeya shisheeye warkiisa dooni mayno!!

  4. XAQIIJIYE says:

    Kaalay, odagaan ma isyeel-yeelayaa mise anaa mooday. Xamar buu ka qaylinayaa oo balaayada ka taagan lawada ogyahay, markaasuu PUNTLANDoo haddiiba wax ka qaldan yihiin iskaba yar yihiin waxweyn nooga dhigayaa!!

    Ujeedo kale ayaa kaa guuxaysa ee intaanan hadal dambi ah ku dhihin jaahaaga naga qari:

  5. ALI says:

    War ninkaan Dooxajoog ah dambibaa loo haystaa oo ninkii xildhibaanka ahaa dilkiisii baa loo haystaa qoladaana waxay doonaysaa inay siyaasadeeyaan nin dhiigiisii oo maqan. war isku xishooda oo ninkan haka garbaxo dadka loo haysto dhiigooda ilaahayna ka baqa.

  6. daljire says:

    sharciga dadka ayaa ku nool waana waajib shacabka reer puntland inay waydiistaan dawladooda inay balantii ay ku dhaaratay kasoo baxdo. sanadkudarsi waa balan kabax, balan kabaxna waa dulmi loogaysanayo shacabka.
    taa macnaheedu maaha shacabka in la kiciyo oo dhulka colaad cusub laga abuuro oo cadawga puntland ka faa iidaystaan isku dhaceena.

  7. maxamed says:

    kkkk ma tuugo cusub baa war hadaad wax isku haysaan doorashooyinka u soo diyaar garooba cid aad dagaal been ah gelisaan meeshaan ma joogtee ma filinkii hawiyaha ayaad nokeenteen kaas horey baanu ugalaynay boowe.

  8. Karkaar says:

    Waxaa igatalo ah in hadi mamulku uu amaanka gartey inuu gacanta ugaliyo hayado shisheeye in arinka dowlada somalia lagaarsiyo loona saburo inta uhartey

  9. lama dage says:

    qaabka keliya ee Puntland lagu badbaadin karo dadkas masaakiinta ahna loogu badbaadin karaa waa in sharciga la dhigtay la dhawro si kale oo ii muuqata aniga ma jirto. sida darteed adduunyadu way isu furan waayahan dambe sida ugu fiicni waxa weeye ragga maamulka haya oo iska casilay si nabadgelyo ahna xilligeedii doorashadii u qabtay iyagoo weliba aan isi soo sharixin waayo waxay yihiin ba la arag

  10. Wadani says:

    Puntland enagoo og dhibaatooyinkay soo martay iyo dagaaladii, ma u baahanahay in aan dib u gu noqono.

    maanta dagaal iyo kala go’go ma ku gaareynaa horumarkeynu dooneyno?, danise meynoo ku jirtaa nin leh hadaan waayo waxaan rabo yey cidina lulan.

    Waxaan ku talin lahaa in umadda loo naxo Dawladda iyo cidda mucaaradka ku ah ba

Leave a Reply