“Xisbiyo intii lagu mashquuli lahaa amaanka halaga shaqeeyo”Gen Cabdi Casiis Siciid [Dhagayso]
February 6, 2013 // Warar SomaaliTaliyihii hore ee ciidamada booliska Puntland Gen. Cabdi Casiis Saciid oo ka mid ah xubnaha sare ee golaha samata bixinta Puntland ayaa sheegay in amaanka lagu mashquulo halkii lagu mashaquuli lahaa xisbiyo aan jirin.
“Qolada dowladda sheeganaysa waxaa lagu mashquulsanyahay xisbiyo waxaa ka fiican in lagu mashquulo nabadgalyada in laga shaqeeyo sababtoo ah Bosaso waxaa daraad lagu dilay suldaan ilaa iyo hadda wax laga qabtay ma jiraan” ayuu yiri Gen. Cabdi Casiis Saciid Gacmey taliyihii hore ee booliska Puntland.
Gen Cabdicasii Saciid ayaa dhinaca kale cambaareeyey xarig shalay ciidamada amaanka ee dowladda Puntland uggaysteen dad dhigayay dibadbax kadhan xukuumadda madaxwayne C/raxmaan Faroole.
Dhagayso
Waxaa uu sheegay ciidamo katirsan PIS-ta iyo kuwa mariiniska ee Puntland loo adeegsaday dadkii dibadbaxa dhigayay kuwaasi oo qaar ka mid ah banaabaxayaasha xirxiray.
Hadalkaan ayuu masuulka uu sheegay shir golaha samata bixinta ee Puntland ay ku yeesheen magaalada Bosaso, waxaana shirka joogay wasiirkii hore ee amniga Puntland Gen. C/laahi Saciid Samatar Eng C/risaaq Xuseen Gacayte wasiirkii hore ee dekedaha Puntland.
Puntland-News24




kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk xisiban baan ka qalyliyy waa funny xisbi ah
RUNTII NIN WALIBA WAXA UU KU FIICAN YAHAY WAA IN UU KA HADLO BADUUGAAYE KUBA HABOONA IN UU KA HADLO WAAYO BURCAD BADEED AYUU LACAG KA QAATAY ADIGA BURCADA KA HADAL SXB GAR KA BEENTA AH HAKU GAADIN INA SICIID SAMATAR \
asc adiga rayi ahaan arinta xisbiyada waa wax fican lkn sida hada wax loo wado macquul maaha maxa yeelay waxad mooda ama ayba tahay hal xisbi ba ku tarki falaaya lacagti dowlada faroole waxu xisbi ku furtay dhaqaalihi dowlada taasuna xaq maaha mida labaad dadka dowlada ka shaqeeya dhamaantod waxu ku khasbay xisbigiisa ninki diidana waa la eryaya tusaale ahaan said cabdi farax duqi magalada galkacayo tasu waxay noqonaysa arin cadalad daro ah faroole qof shacab ah oo caqli leh dooran maayo maxa yeelay waxa looga bartay cadalad daro xaqsoor xumo af xumo waali iyo garoowe garoowe oo fasirkedu yahay meel aan garoowe aheen ma aqaan waqtiga manta ah arimo jirah owgood ma dhici karto in xisbiyo la sameeyo maxa yeelay xisbiyo waxa lagu dhisa cadalad cadaladna meesha ma taal