Xogahayaha Arrimaha Dibada Britain oo Qaar kamida Soomalida UK Kala Hadlay Shirka Lagu Qabanayo London {sawiro}
February 9, 2012 // Announcement, Warar SomaaliWaxaa magaalada London lagu qabtay 08-02-2012 shir loogu magac daray British Government Consultation on Somalia, shirkan oo Soomalidii lagu casumay lagu weydiinayey talooyin ku saabsan sidii Soomalia nabad iyo amni loogu soo dabaali lahaa iyo halka ay wax ka khaldanaayeen mudadii dheereyd ee uu dalku bur-burka ku jiray.
Shirkan muhiimka ah oo lagu qabtay machadka daraasaadka dalkan Britain ee lagu magacaabo Chatham House waxaa kasoo qayb galay 60 qof oo Soomaali ah iyo dad kale oo ajnabi ah oo lagu casumay inay kasoo talo bixiyaan sida loo wajahayo xaalada khatarta ah ee Soomalia ay ku jirtay in ka badan 20 sano.
Waxaa khudbad dhinacyo badan taabaneysey ka jeediyey xoghaya arrimaha dibada Britain Hon William Hague MP, Foreign isagoo ka warbixiyey in Somalia uu dhowaan booqday kuna soo arkay xaalad u muuqata mid soo hagaageysa, isagoo u kuur galay xaalada beni aadminimo iyo amaan ee Somalia ka jirta.
Hon William Hague MP, wuxuu yiri ‘Somalia inay nabad noqoto oo amni ay hesho waxay dan ugu jirtaa Soomaalida, iyo waliba xataa Britain, maxaa yeelay Soomalia khatarta kasoo fatahmeysa waa mid guryahayaga noogu iman karta waana waajib inaan wax ka qabano, kuna baaqno shir weyne caalamiya oo ay kasoo qayb galaan in ka badan 40 dowladood.
Xoghayaha arrimaha dibada Britain ayaa ka codsaday qurba joogta Soomaalida reer Britain inay soo dhoweeyaan sidii Britain ay shirka ay hormoodka ka tahay 23ka bishan lagu qabanayo London uu u noqon lahaa mid ahmiyad weyn u leh Soomaalida, ayna uga soo bixi lahaayeen go,aamo wax ku ool ah. wuxuu intaasi raaciyey inay shirka London kasoo qab gali doonaan Hillary Clinton iyo madaxweynaha faransiiska iyo waliba sidoo kale wadmada islaamka sida UAE Qatar, iyo Turkiga.
Xogahaya ayaa si weyn u soo dhoweeyey shirkii Garoowe, isagoo ku tilmaamay mid rajo abuuraya, wuxuu sidoo kale cadeeyey in uu ku faraxsan yahay shirka labaad ee Garoowe ka furmi doona oo looga hadli doono arrimaha dastuurka.
Waxaa sidoo kale kulan weynahan ka hadlay Henry Bellingham MP, Minister for Africa, Foreign and Commonwealth Office, UK wuxu ku dheeraaday ahmiyada Britain ay u leedahay Soomalia oo nabad ah oo aysan ka iman karin khatar ka iman karta Alshabaab iyo burcad badeeda oo malaayiin gaadiid badeed ah sanad walba ku afduubta biyaha u dhow Soomalia.
Wasiirku wuxu sheegay in Britain aduun lacageed oo ka badan 185 malyan oo dollar ay kaga baxdo sanad walba caawinta iyo kaalmeynta Soomalia, qaar kamida lacagahaas waxaan ku bixinaa ayuu yiri horumarinta barnaamijyada, waxaad ogtihiin buu yiri in Somaliland iyo Puntland aan ka caawino horumarinta barnaamijyo wax ku ool ah. Wasiirku wuxuu yiri dhowaan waxaa Puntland booqday xogahaya arimaha caalamiga iyo horumarinta wuxuuna soo indha indheeyey mashaariic ka socota Puntland oo uu kamid ahaa suuq casri ah oo loogu talo galay ganacsiga Kalluunka.
Wasiirku wuxu kaloo beeniyey su,aalo la weydiiyey oo ay mid ahaayeen in Britain ah guluf kula jirto Turkiga iyo Iiraan oo Somalia arrimahadeeda u soo jeestay, isagoo taas ka jawaabaya wuxuu yiri anagu wadamadaas uma aragno inaan isku diidanahay caawinta Somalia, waxaana idiin sheegayaa inay iman doonaan shirka London waana arrin dunidu daneyneyso in Somalia arrimaheeda ay xal waara laga gaaro.
Henry Bellingham wuxuu kaloo qurba joogtii shirka kasoo qayb gashay u cadeeyey in ay been tahay wararka sheegayey in Somalia uu u bilaaban doono xilli cusub oo Soomalida lagu tijaabin doonon gumeysi, taas oo uu ku tilmaamay hadal aan waxba ka run ahayn.
Wasiirku wuxuu kaloo cadeeyey in Britain marnaba qorshaha ugu jirin in Somalia la kala gooyo, isagoo cod dheer ku yiri anagu midnimo ayaan ka shaqaynaa ee kala tag kama shaqayno, go,aanka ugu dambeeyana markasta Soomalida ayaa leh.
Shirka waxaa kasoo qayb galay Soomaali ka kala socotay ururo caalami ah hay’addo iyo hor joogayaasha communitiska Soomalida, waxaana ka mid ahaa oo halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Qurba joogta reer Puntland ee Britain C/wali Maxamud Gurey, isagoo soo dhoweeyey dedaalka ay horkacayso dowlada Britain, wuxuuna ugu digay in Shirkan uusan la mid noqon shirarkii horay u fashilmay ee Soomalida horay loogu qaban jiray, Britain waxaan ka codsanayanaa in xaalada Soomalia ill gaar ah lagu eego, waana ka mahad celinaynaa dedaalka dheeriga ah iyo kaalmada ay UK ku bixiso qaddiyada Soomalia.
23-ka bishan ayaa waxaa London lagu qaban doonaan shir weyne caalami ah oo socon doona maalin gelingeed, waxaana Soomalida ka iman doona wufuud ay kala hogaamin doonaan madaxweynaha Somalia , R/isul wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamanka, dhanka maamuladana waxaa iman doona Puntland Somaliland Galmudug iyo xarakada diiniga ah ee AHSWJ.
C/risaaq Baashi
London, UK










I think one important think is to think how Greater Somalia could be constructed through recognition of Somali-land, Punt land and South Central Somalia. This will build future Somalis and could eliminate piracy, terrorist and bring back national unity of Somalia.
Let Somaliland and Puntland to build common army and common systems in tariff, currency and exchange of trade.
I wish that president farool will do a lot of compromise.
Wish all the best puntland populations for their spirit of building a nation
I think one important think is to think how Greater Somalia could be constructed through recognition of Somali-land, Punt land and South Central Somalia. This will build future Somalis and could eliminate piracy, terrorist and bring back national unity of Somalia.
Let Somaliland and Puntland to build common army and common systems in tariff, currency and exchange of trade.
I wish that president farool will do a lot of compromise.
Wish all the best puntland populations for their spirit of building a nation
Anaa is ka leh! amba Anagaa iska Wada leh !!!
Ma wadajirnaa Misse Waa kala soconaa ?
Maansha Allah Puntland ??
Gudoomiyaha PDF-Uk Abduwali Hambalyo Ayaan lee yahay waxaad ka dhex muuqaney Shirweyne Caalami ah. Abduwali I am fully support and stand behind you brother keep up the good work.
asc. dhagax haddii cirka loo tuuro ,dhulka ayuu u soo noqonayaa taas garafatashinka dhulka ayaa soo jiidayo horay isga socon mamayo, taas waxaan ula jeedaa si fiican wax ku raadi ama sixun ku radi.ugu dambayntti anigalee hoostayda imaanaysaa oo magacii wadanka wato.taas madaxaaga ha ku jirto.marka boowe.taa meel kaa sarimayso ee dadkaaga wax la dhaxso.caalamka somaliya waa fahamsan yihiin sida lakala yahaye..ee riyadda ilaa 60kii aad ku jirtay iska ilow ee mooska iyo babayga wax ka abuuro.kkkkk.
Pn24 waa mahdsand tihiin. waxaa halkaan iiga muuqda rag reer Puntlnd ah oo madaxdii jaaliyada aad baan idiin salaamayaa c/wali axmed yusuf sharmarke yare iyo prof jibriil. guuleysta shaqo fiican baa qabateen inaad puntland duulisaan waa idinku naqaanay. mar hadii wasiirku yiri garoowe shirkii lagu qabtay waa najax oo hadana yiri puntland baan mashaariic ka wadnaa dabcan uk waa ay ina aqoosan yihiin ee yeynaan inagu iska ciideyn meel fiican ayey arrintu maraysaa waa inaan reer puntland hadaan nahay aan horay u soconaa oo cadkeena soo dhacsanaa soomaali dadkii taagay waa inaga, puntland horumarkeeda aan ka shaqayno. aad baan ugu faraxsanahay dhalinyaradii meesha shalay tagay ee wiilasha iyo gabdhaha ahayd, soomaalida waxaa taladeeda la wareeegayaa new generation waa inaan taasna ogaanaa. PUNTLAND GUUL FAroole London wuxuu iman isagoo wax walba ay ragiisii usii gogol xaareen aduunkiina tuseen in puntlnad tahay qaran jira oo horumar ka socdo