Xukuumada Puntland Ma Shacabkay u Shaqaysaa Mise Iyadaa Ka Shaqaysata?
January 17, 2013 // Warar SomaaliWaxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa warbixin kooban oo Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada waqtigoodu dhammaaday u gudbiyey Golohoodii, wuxuna u qoraa sedan
Ku. Golaha Wakiilada DPL Garoowe
Miisaaniyadda 2013-ka 31/12/2012
Mudanayaal, Miisaaniyadda 2013-ka ee Wasaaraddu soo gudbisey waxay la mid tahay tii sanadkii la soo dhaafay ee 2012-ka taa oo dhan bishiiba sh.so. 96,577,000,000, sanadkiina ah sh.so. 1,158,684,000,000, lana mid ah Dakhli iyo Kharash isu-dheelitiran.
Miisaaniyaddu waa mid sidii hore ka kooban Dakhliga Dawladda dhexe oo keliya, waana mid aanay ku jirin qaybaha miisaaniyadeed ee Dawladdaha Hoose iyo Hay?addaha kale ee Dawladda sida, kuwa madaxa bannaan, kuwa curaaraha qaada, kuwa leviga qaada iyo kuwa mashaariicda fuliya, Dakhli iyo Kharash midna.
Mudanayaal Miisaaniyadda 2013-ka waxay dhan tahay bishiiba sh.so. 96,557,000,000, taas oo faahfaahinteedu tahay sida hoos ku qoran
DAKHLIGA
1.1.0 Canshuurta Kharashka ??????63,902,000,000
2.1.0 Canshuurta dadban???????..17,471,560,000
3.1.0 Canshurta wax soo saarka????… 48,000,000
4.1.0 Canshuurta dakhliga???????. 4,214,940,000
5.1.0 Canshuurta hantida dawladda????3,311,500,000
6.1.0 Dakhliga adeegga dawladda ???? 6,070,000,000
7.1.0 Wareejinta iyo qaaraanka ????? 1,539,000,000
Wadarta ??????????????..96,557,000,000
KHARASHKA
- Mushahar iyo gunno ?????????42,302,145,000
- Adeegga hay?addaha Dawladda ????..15,244,952,000
- Kharashka Guud ee Dawladda A ????10,945,000,000
- Kharashka Guud ee Dawladda B????.28,064,903,000
Wadarta ???????????? 96,557,000,000
Haddaan idin xasuusiyo Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2012, waxaa Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbisay in dakhli iyo kharash ay isu-dheelitirnayd, waxaa isweydiin leh, haddii aan dakhligu hoos u dhicin oo la helay kutalogalkii 2012, xaggee ku maqan yahay mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada, Baarlamaanka iyo Wasaaradaha Dawladda muddada saddexda bilood ah ee sanadkii tagey ee 2012.
Waxaa wax lala yaabo ah in Miisaaniyadda ku baxda Madaxtooyada ay ku dhawdahay kala-bar miisaaniyadda dalka, taas oo ku cad shaxda kore ee kharashka oo ah sidan
Kharashka Guud ee Dawladda A???????..10,945,000,000
Kharashka Guud ee Dawladda B ???????.28,064,903,000
Wadarta Guud ??????????????.39,009,903,000
Haba yaraatee Miisaaniyadda kama muuqato wax adeegga bulshada ah, taas oo ku tusinaysa in Dakhliga laga helo shacabka tabaalaysan, uusan soo dhaafin Madaxtooyada sida ku cad shaxda kore, taas oo laga helay Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada.
Gabagabo.
Mudanayaal waxaan xusaynaa in muddadii Puntland dhisnayd aan la samayn miisaaniyad dhammaystiran oo ay ku dhan yihiin qaybaha
- Dawladda Dhexe
- Dawladdaha Hoose
- Hay?addaha madaxa bannaan
- Hay?addaha Qaada Leviga
- Hay?addaha Curaaraha Qaada
- Iyo Deeqaha Mashaariicda loo bixiyo
Taasina waxza ay muujinaysaa in aan marna la samayn miisaaniyad dhammaystiran oo Puntland leedahay
Cawaale Axmed Oday



Salaan Dhamaan akhyaarta, Mahadcelin Qoraha Maqaalka iyo web, kaba. Puntland dadkeendu waa nasiib daran yihiin waana shacab la qalday, waxaa kor ku sharaxan miisaaniyadda dhabta ah ee puntland taas oo aan anigu xog ogaal u ahay, waxayna u diyaarsantahay si ka fog dawladnimo oo mususqmaasuq qaawan ku salaysan. mushaharka dhamaan shaqaalaha PL wasaarado, ciidamo, adeeg iyo kharajkaleba ayaa u dhigma kharajka madaxtooyada jeebkeeda ku dhaca. kaba darane waxaa jira ila dakhli oo aan miisaniyada lagu darin oo si gaar ah akoon gaar ah ugu dhaca (private account) sida dakhliga shidaal baarista, lacagta laga qaado PIS ta, lacagaha adag ee ka soo xereedo adeega dekeda iyo garoomada iyo weliba lacagta curaaraha looyaqaan oo dhamaan uu si toos ah u maamumulo madaxwaynuha, halka wasaaradahii ay ku qornaayeen wado cad laga mariyey, sida Wasaarada amaanka, arimihaga gudaha iyo Neesha. hadaba dadka reer Puntland xil dawlada laga qabto uma qaybsami karo, dhaqankan hada socdaana dan uma hada, waxaa qabsaday Cabdulahi waxba kama tegin, cade iyo faroolena la mid, mid yimaadaana ma dhaami doono haadii ayaan ka waantoobin qof iyo qabiil jeclaysiga. walaalayaal dhamaan dadka PL waxaana ina deeqda waxeena o si xalaal ah la inoogu maamulo, la xisaabtan iyo furfurnaan dawladeeda ka doono kuna cadaajino. mahadsanidn
asc wr dhamaan akhiyaata waan idin salaamay salaan kabacdi waxaan idiin sheegayaa puntland cadow faraban ayay leedahay oo aad u neceb horumarka puntland sidaa daraadeed waxaa la inaka rabaa sidii aan gidigeen heegan unoqon lahayn oo aan gacmah isu qabsan lahayn hadeer dadbaa isujawaabaya oo waliba iscaayaya iyagoo qofwalba uu qof taageersanyahay qofna mucaaradsanyahay marka intaad idinku isujeedaan cadowguna wuu idinku maqanyahay joojiya muranka iyo nin jeclaysiga iyo nin cayga waa idinsidee adeerayaa
gunta ciise riyoole ee ku qaraabanaya magaca “wiil mudug” war isku kalsooni lahow oo hal magac ku ekow duliyahow jaahilka ah faruure iyo wiilashiisa MANDATE-koodii wuxuu dhacay 8-1-2013 hadana reer Puntlandka Xalaasha ah ma matalo kuwa qabyaalada ku taagersan ayuu hogaamiye kooxeed u yahay.
waxa meesha wax ku qorayaa waa da an puntland ehel u ahaayn oo irirism aaminsan oo ilahay ka qadiyey kheyraadka soomaaliya ku jira oo ciil iyo xumaani buuxisay war wax isku fala oo munaafaqnimo wax ma tartee aakhiro u shaqaaystaa.
asc w walaalayaal waan idinsalaamay anigu mudug ayaan joogaa commanties kana waan lasocdaa anigu waa giihore mucaarad ayaan ku ahaa faroole laakiin waxaan taageeray markaan arkaysiduu ugaqaylisiiyay ragfarabadan oo dadku balaayo uhaystay oo la islahaa faroole dhulka ayay lagalayaan warmaxay tarikaraan masaakiin yar yara oo galkayo iyo qardho fadhida shiikh shariif iyo sakiin iyo farmaajo iyo waliba gaas ayuu taraha siyaasada kalabaxaye oo aduunkoo dhan laga aqoonsanaa midka baarlamaanka sheeganaya oo ku haya iska qabta waxaan usheegayaa hadii halsano idinmartay shankalana diyaar unoqda oo waliba xisbiga horseed uu hogaaminayo masaakiin qayladii kadhamaatay ayaa tihiine fuck you all
asc faroole garoowe meelan aheen ma yaqaan hada reer galkacayo waligis hal mashruuc ma siin sido kale reer qardhood waligi mashruuc ma siin xabsiga dhardho waxa dhisay cade muuse faroole kuma libin sheegan karo faroole hada ilahay balanti waxu ku galay inu dadka xaq u noqonayo lkn taasu ma dhicin maxa yeelay faroole ciise mohamud buu kala gudba oo abokor ciise waxa loo balan qaday 2 mashruuc wadada eyl inu dhisayo lacagti wadada eyl waxa ku dhisa xaafadaha garoowe bosaaso oo ah hooyada puntland hal mashruuc kama uusan filin wadooyinka waxa dhisah ganacsatada reer boosaaso kheyr ilahay ha siiyo faroole hada jabuuti waxu u aaday lacagti boosaso talay buu qaday umada reer puntland waxan ka codsanaya inay heeryada faroole iska qadan 12000 oo qof oo reer puntland ah ba helay wax barasho dibada ah muuse ciise waxa ah faroole heerkisa 1110 qof 90 kale waa reer puntland faroole ninki wax ka sugaa waa kaa
Waxaa Mizaniyad lama yiraahdo inaysanba qorin ayaa la qaatay, waa wax aan la qaadankarin.
Dadka leh sanad ha loo daayo, xaggee na gaynayaa sanadkaas, war hoy Faroole maantuu qabasho leeyahay ee iska qabta, yuusan idinku laba da’oodin baan idin leeyahay, war iska qabta, war iska qata, war iska qabta, Allow ma ka taliyey
xukuumadda faroole walle dalkii baabiisay waaku xaartay ileeyn inagaa wax madaxa looga jiro wax u dhiibanaye waa oday aan ceesaan jaban lagu aamini karin iskaba daa in isaga masiir umadeed gacanta loo geliyee