Xulista Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Puntland oo Qardho Ka Socota

October 13, 2012   //   Warar Somaali

Xulista xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa ka bilaabatay magaalooyin ay kamid yihiin Qardho, Bosaso iyo Gaalkacyo, iyadoo kulamo arrimahaas ku aadan la guda galay. 

Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo tiro ahaan ka kooban 66 xildhibaan ayaa lagu soo doortaa hab beeleed aan xaq ahayn laakiin xal guud loo wada arko, laguna wada qanacsan yahay.

Magaalada Qardho ayaa waxaa laga soo sheegayaa in tiro dad aqoon yahano ah ay danaynayaan inay ka mid noqdaan xildhibaanada cusub ee Puntland, iyadoo ay dhici karto in hal xubin oo kamid ahaa kuwii hore ee beelaha Cismaan Maxamuud lahayd dib loo soo doorto mar kale. Iyadoo markii u horeysay la arkay in dadka daneynaya inay xildhibaanada cusub noqdaan ay ka tageen qurbaha.

Wararka ayaaba sheegaya in ay beeshu diyaarisay xubnihii u meteli lahaa xildhibaanada cusub, balse lala sugayo inay ansixiyaan Issimada beelaha Cismaan Maxamuud oo qaarkood aan Puntland ku sugneyn.

Shacabka Puntland waxaa soo daashatay in dhagahooda maqlaan in xildhibaanada Puntland aysan badankood lahayn aqoon durugsan meeshana ay ku yimaadeen qaab qabiil sidaa daraadeed dadweynaha ayaa jecel in xildhibaanada Puntland lagu soo xusho aqoon iyo khibrad la jaan qaadi karta xildhibaanada cusub ee dowlada federaalka Somalia oo lagu soo xulay dhanka aqoontooda markii u horeysay.

Tayada xildhibaanada Puntland iyo aqoon xumada heysata waxay keentay inaysan challenge marnaba ku samayn howlaha xukuumada oo ay ahayd inay la xisaabtamaan, sidoo kale shirkado badan oo dalka la soo geliyeyna aan wali la horgeyn baarlamaanka oo ay ahayd shaqadooda inay xukuumada kuso gole joojiyaan.

Baarlamaanka Puntland wuxuu noqday gole isaga sacab tuma hadba wixii ay dowladu hor dhigto iyagoon ka doodin, waxaana isku milmay xukumada iyo xildhibaanada, iyagoo haba yaraatee ilaaway awoodooda dastuuriga ah.

Xildhibaanda Puntland oo tiradoodu tahay 66 xildhibaan, waxay 4 xubnood oo kaliya dheer yihiin golaha xukuumada oo ah 62 isugu jira wasiiro, wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno. Dhanka mushaarkana dowladu si weyn ayey xil isaga saartay mudanayaasha Baarlamaanka si ay u yareyso saamentooda, wallow 5-tii billood ee u dambeeysay maamulka Puntland uu ku guul dareystay in uu bixiyo mushaharadii shaqaalaha dowlada, ciidamada, iyo waliba xildhibaanada.

31-da Oktoobar ee sanadkan ayey mudada kaga egtahay Xildhibaanada, iyadoo ay dhici karto in qaarkood mar kale ay kalsooni ka helaan beelahooda, laakiin inta badan waxaa ku iman doona isbedel, maadaama markan dadku si weyn u danaynayaan xildhibaano mutacalimiin ah.

Puntland News-24

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Asc marka hore after salaam walalyaaal illahay ka baaqa colaad jooji illahay dalka nabad hanoga wada dhiigo dagaal diyir uma nahin anigu dadka yaaga ayan wax la qabna hadan nahay beesha cismaan maxamud waxaan nahay boqortooyadi darood marka boqortooyo foodo iyo dagaal waada waxaa laga qurux badanhy madaxwanahay cabdirxman faroole alle hano daayo wa madxwanahee alle ha sharfo marku naaco xilka usaga dartiib uga dagaya marka qalaalaasaha ka daaya wadanka adeerayaalow

  2. said says:

    waa laga wanaag san yahay in bar tilmaameed ay noqdaan ama masuul ka noqdaan dhibaato kasta oo dusha laga saaro reer qardho aniga waxaan ka mid ahay beesha cismaan maxamuud mana dooneynao in naloo arkao dad ku caan baxay in ay dab huriyaan maxaa umada kale inaga takooray ma dooneyno in magaca cismaan maxamuud loo isticmaalo fidno ka socota puntland waxaan ku waaninayaa beesha cismaan maxmuud in ay ka waan toobaan oo ay dhowraan magaca beesha dantiina garta marba yuusan oday aad taqaanid waxa uu yahay iyo waxa uu galo oo fidno ka shaqeeya yuusan waalin dhalin yarada cismaan maxamuud hurdada ha ka toosaan ee danaheena aan fiirino dagaal iyo dhibaato uma baahnin

  3. qardhaawi says:

    fadlan magaca cisman mxmud iyo qardho oo aad juqaraabanaysaam joojiya anaga ah reerkaas waxanu wax laqabnaa reer p/land oo dhan maalinkasta dad gaara oo siyaasiyin ah baa howl nagalinaya qardho waxba kama jiraan
    walahi reer qardhood in aanu fowdo rabin iyo mushkilad buuq marabno

  4. Abdulkadir X.Farah Vic.Australia,, says:

    War Cismaan Maxamuudoow intaan Faroole Faroole ku haayno,Inagu aan wax qabsano,Faroole Maxaa nagaga Xiran,Puntlandse maaynagaa Wakiil ka ah Inaga ayaanba wax isu ogolaayn ,oo ku heshiin waaynaay 2MP,Ee Daawladda Federaalka .war runta aan ka hadalno,Soomaalidu waxaay ku maah maahdaa Maroodigu shilinta saaran ma arko?Maxaaynu u tar tanaa Madaxwaaynha Puntland,Arintan waxaay u baahan tahay in Baaritaan lagu sameeyo Haddii Laga aamuso waxaay keenaaysaa Kala qaay

  5. umu khalid says:

    Waxaan ka codsanayaa in kaalinta dumarku ku laayahay shirarka noocaas ah aan la ilaawin madaamaa ey lafdhabartii yihiin .Mahadsanidin.

  6. nugaal says:

    waa tilaabo fiican oo horay loo qaaday dhamaan beelaha kalena saas oo kale ayaa looga baahanyahay,

  7. waa fikrad fiican waa in la soo xulaa baarlamaan kadibna la qabtaa doorasho madax wayne. hadii uu ku dhawaaqi waayo xiliga doorashadu dhacayso looma baahna garoowe qardho ayaa wax u maraan talaagada lacagta ah ayaa laga joojinayaa lacagta ayuu wax u yaqaan oo nin walba waxa uu yaqaan ayaa lagula hadlaa.

Leave a Reply