digg icon delicious icon

Xuska Maalinta ka guurida Tacadiga gudniinka Gabdhaha oo lagu qabtay Qardho (Sawiro+Warbixin)

February 6, 2012   //   Warar Somaali

Munaasibadda Xuska Maalinta ka guurida dacadiga gudniinka Gabdhaha  6 February ay ka qeyb galeen masuulyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Degmada,Ururadda bulshadda iyo dadweyne fara badan ayaa lagu qabtay xarunta shirarka dowladda hoose ee Qardho.

Munaasibadaan ayaa waxaa soo agaasimay Hay’adda Save Children iyo Xafiiska Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Karkaar iyo Xafiiska Wasaarada Haweenka ee Gobolka karkaar  , oo sidoo ay goobta lagu soo bandhigay riwaayaddo filimo iyo khudbooyin  ka hadlaaya tacadiga gudniinka  gabdhaha.

Gudoomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmadda Qardho  Maxamed Siciid Ciise (Hogaama la roor) ayaa hadal dheer oo uu xafladda  ka furaya ayaa in badan ka hadlay tacadiga noocyoyada kaladuwan ee  uu leeyahay, in loo bahanyahay in siday diintaynu nafartay ee sunada ah la raaco. isaga oo sheegay in arintaasi tahay mid laga dhaxlay Fircoon oo ahaa ninkii ugu dambiga weyn ee Alle dambi ka galay.

Dr. Yaasiin Cabdi Xaaji oo ah isu duwaha  Caafimaadka Gobolka Karkaar ayaa ka mid ahaa madaxdii hadalka ka jeediyey xafladda maalinta ka garuusita tacadiga gudniinka gabdhaha ee 6 February,isagoo sheegay in gudniinka fircooniga uu leeyahay dhibaatoyin ku yimaada gabdhaha xaga caafimaadka marwalba.

Sidoo kale wuxuu aad ugu nuux nuuxsaday dhibatada soo foodsaarta markay dumarku dhalayaan waxuuna sheegay in gudniinka fircooniga  uu ka qayb qaato dhimashada caruurta iyo hooyada xiliga dhalmada uuna keeni karo dhibaatoyin aan harin sida ma dhalaysnimo.

Dr. Yaasiin Cabdi Xaaji Waxuuna ugu baaqay kasoo qeyb galayaasha iyo dadweynahii madasha isugu yimi in laga guuro caadada xun ee fircoooniga ah lana qaato Sunnaha Nabigeena Maxamed csw, taas oo tacadi iyo wax aan caafimaadka wax wax u dhimaya.

Shiikh Axmed Cawaale  oo ka tirsan Culimaa’udiinka Degmada Qardho, ayaa ku dheeraaday tacadiga ka  soo gaara gabdhaha gudniinka fircooniga.

“Runtii wax  muhiim ah ma aha, in maalin walba laga hadlo gudiinka waa sax iyo khalad, diinta Islaamka ayaa ka hadshay oo sheegtay in la qaato sunnaha Nebiga CSW, marka dadku waa in ay ogaadaan in gudiinka fircooniga aheyn wax u wanaagsan dumarka, waayo dhibaato ayeey ka maraan naftooda xilli walba” ayuu yiri Shiikh Axmed Gaare.

Cabdirashiid ismaciil ciise oo ah madaxa Hay’ada Save The Children ee Gobolka karkaar, waxuu si qoto dheer uga hadlay ujeeda xuska maalinta ka garuurista tacadiga gudniiinka gabadhaha, taas oo ah in kor loo qaado ku baraaruga bulshada ee tacadiga iyo dhalanroga xubnaha taranka gabadhha loogeesto.

Waxuu kaloo sheegay in Hay’ada  Save The Chilren u tixgalinayso tacadiga gudniinka gabadha ayna  tahay xaquuqda Caruurta, Taas oo kacad mucaahadada xuquuqda caruurta ee Qaramada midoobe iyo xeerka africa ee xuquuqda iyo badbaadada caruurta.

Cabdirashiid ayaa  sheegay in caruurta  tahay qaybta ugu nugul ee bulshada oo aan go’aan  ka gaari karin noloshooda kuna tiirsan go’aanka waalidkood, bulshadooda, iyo xukuumadahooda.

Waxaana waajib ka saaran yahay waalidiinta, xukumada iyo bulshada in si wanaagsan oo mustaqbalkooda aan dhibaato u keenin loo koriyo isla markaana xuquuqdooda la dhawro.

Dadweyne fara badan oo goobta ka hadlay ayaa intooda badan ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo sharafta dumarka, isla markaana laga daayo jar jarida iyo ciqaabta lagu hayo, iyadda oo dadkii aadka uga hadlay ay ka mid ahaayeen Hooyo Khadiijo dhiilood,Sahra Siciid Jaqanfa,Maxamud Gorod,Hooyo Cambaro,C/raxmaan Maxamed Cali Black oo dhammaantood ka tirsan Ururadda Bulshadda ee degaanka.

Munaasibadda ayaa lagu soo  bandhigay riwaayadda aad u soo jiidatay ka qeyb galayaasha iyadda oo sidoo kale Muuqaalo laga soo duubay Garowe oo ka hadlay Tacadiga Gudniinka gabadha lagu muujiyey qaab Muuqaal ah (Video).

Ugu dambeyntii Maxamed Muuse Isu duwaha Wasaaradda Arimaha Gudaha D/Hoose ee Gobolka Karkaar  ayaa isna xusay sida maamul ahaan ayaa uga xun yihiin dhibtaadda lagu hayo gabdhaha Soomaaliyeed.

Puntlandnews24

Qardho-Somaliya

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. abu mucaad qardhawi says:

    yaab iyo yaab ma ah in malinkasta news ka qardho u noqodo gudnin fircoon ah dadkan fashil mayo inay bulshad iyo deegaanka horumaryan waa in ay umada xilka kuso celiyan sii dad waxqabat loo doorto mah in malinwaba dadka lagu mashqulo gabdha waxas ma ah waxqab iyo horumar midna
    bulshada reer qardho waxa ku jira dad awood u lah inay waxa qabtan mashricii hirgeeliyan dadka deganka dan uma ah in markasta gabdha laga hadal

Leave a Reply