Yaa dilay Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N?Q.2aad [Sheekh Fu'aad Maxamuud X. Nuur]

February 28, 2013   //   Announcement, Warar Somaali

C/llaahi ina Saba’ iyo kooxdiisii waxay sii labajibaareen kicintii iyo abaabulkii, waxayse gun iyo caar bixisay sanadkii 33aad ee hijriyada markii Al-ashtar Al-nakhaci uu uruursaday rag tobaneeyo ah Kuufa dhexdeeda oo uu bilaabay in si muuqata oo aan qarsoodi ahayn uu u aflagaaddeeyo khaliifki muslimiinta Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N.

Waxaa arrinkii ogaaday waaligii Kuufa Saciid ina Al-caas A.K.R.N, wuxuu bilaabay in uu ka celiyo Al-shtar iyo raggiisii aflagaaddada iyo cayda, waxa uuna u cid diray Cusmaan A.K.R.N isagoo ku war galiyay falxumada Al-ashtar iyo kooxdiisa.

Cusmaan A.K.R.N wuxuu qoraal u soo diray Saciid A.K.R.N wuxuuna ku yiri nimankaas waxaad u dirtaa xaggaa iyo Shaam oo uu ka talinayey Mucaawiye ina Abii- sufiyaan A.K.R.N, sidii buuna yeelay waaligu.

Mucaawiye A.K.R.N wuxuu ahaa nin macaan oo dul badan, wuxuu bilaabay in uu u caqli celiyo oo uu suubaan salaaxo, laakiin nimankaanu waxay ka siiqaadeen qooq iyo kibir, waxay bilaabeen in ay si qarsoon iyo si muuqataba caydii ay sii laballaabaan, Mucaawiyena A.K.R.N waxa uu ugu baddelayey wanaag iyo soo dhawayn ilaa uu ka quustay oo uu u diray xaggaas iyo Xums oo uu ka talinayay C/raxmaan ina Khaalid Ina Waliid A.K.R.N oo ahaa nin sida aabbihii adag.

Barbaarrada kiciyo waalidkood, ways beddelayaane

Ninba budulki aabbihii maruu, bar un ka raacaaye

Baxaalkaygu waa saas haddaad, baran Siciidow e.

C/raxmaan A.K.R.N wuxuu bilaabay in uu kula dhaqmo adayg iyo go’aan aan leexleexad lahayn, wuxuu bilaabay in uu dullaysto, wuxuu u dhaadhiciyay xabsi ilaa ay muujisteen tawbad iyo iswaansi, intaa kaddib wuxuu gaarsiiyay Cusmaan A.K.R.N in nimankii xaalkoodu uu is beddelay oo ay hadda waaya arkeen kana noqdeen ardaalnimadii.

Cusmaan A.K.R.N wuxuu ka codasaday C/raxmaan A.K.R.N in uu  usoo diro mid ka mid ah raggaas, waxa uuna u soo diray Al-ashtar oo ahaa horjoogahoodii, Al-ashtarna wuxuu Cusmaan A.K.R.N u sheegay in uu ka noqday wixii xilka lahaa ee uu ku jiray, waxa uu markaa u ogolaaday in uu aado xaggaa iyo Shaam.

Al-ashtar wuxuu ahaa nin fitnaysan oo aan marnaba ka nagaan karin in uu fuulo mawjadaha fitnada, hal cabbaar ah hadduu joogay Shaam, waxaa warqad u soo diray nin la oran jiray Yasiid ina qays oo joogay Basra, waxa uu u soo sheegay in kacdoon xoog leh la abaabulayo, waxa uuna ka codsaday in uu ka qayb galo, Al-ashtar wuxuu markiiba u soo ruqaansaday xaggaas iyo Kuufa, waxa uuna bilaabay in uu tolkii kiciyo maadaama uu ahaa nin haybad ku dhex leh oo ay maqlaan.

Markii arrinku halkaas marayo Cusmaan A.K.R.N wuxuu isugu yeeray waaliyaashii gobollada ka talinayay si uu ula tashado, waaliyadiina waa isu yimaadeen, Cusmaan A.K.R.N waxa uu uga warbixiyay xaalku meesha uu marayo, sida fitnadu uu tahay qaangaar, xeeladda raga fitnada hoggaanka ka ah, beentooda iyo sida ay u gabbaldayaynayaan, waxa uuna ku yiri talo ha la keeno.

Waxaa bilaabay waaligii Basra C/llaahi ina Caamir A.K.R.N waxa uu yiri: waxa aan ku talinayaa in furimaha Jihaadka la xoojiyo si dadku ugu mashquulaan Jihaad iyo futuuxaad, waayo haddii la mashquulo cidina fitnada waqti uma helayso.

Saciid ina Al-caas A.K.R.N oo ahaa waaligii Kuufa isna waxa uu ku taliyay sidaan: waxay ila tahay in nimankaan loo caal waayay ee fitnada u heellan la laayo oo la dabar jaro.

Rag cadaawannimadaada qaba, iyo colaaddaada

Hadba ciidan uu dumay hadduu, kugu cabsiinaayo

Asuu ceebta aad diidantahay, caalgabnimo moodo

Cududdaa tus mooyee si kale, kagama ciilbeeshid.

Mucaawiye A.K.R.N oo ahaa waaligii Shaam ayaa asagu yiri: aniguna waxa aan arkaa in waali walba gobolkiisii ku noqdo loona xil saaro in uu ku filnaado waxa gobolkiisa ka dhacaya.

Ugu danbayn waxaa isna taliyay C/llaahi ina Abiisarx A.K.R.N oo ahaa waaligii Masar yirina: bal in nimanakaan xoogaa hantiya lagu xoodaamiyo oo la sabo ha lagu dayo, waxaa la arkaa in ay iska qaboobaan oo soo noqdaane.

Cusmaan A.K.R.N talooyinkii oo dhan wuu qaatay, waxa uu bilaabay in uu xoojiyo Jihaadka iyo furimaha, waxa uu bilaabay in uu hanti siiyo dadka qaybtiis, waxa uu waaliyadii ku amray in nin walba gobolkiisa ka adkaado laakiin waxa uu ka tagay  tii ahayd in nimanka la laayo, waayo waxaa ka buuxay turriinsho iyo in uu la jeclaa wanaag adduun iyo  aakhiroba, halka ayagu ay qorshaynayeen dilkiisa.

Markuu geedka fuulayay ninkaan, badhi gantaaleeyay

Anna laanta ila goynayaan, Gacalkay moodaaye

Gacantii maroodiga ninkaan, galaba ka sii daayey

Anna gows libaax igu ridaan, gacalkay moodaaye

Gabadhuu jeclaa iyo ninkaan, gaaridaw mehershay

Anna taydi guursadaan, gacalkay moodaaye.

Ogaadana ilaa iyo hadda waxaa bannaanka u soo baxay Al-ashtar iyo kooxdiisa, sidoo kale Yasiid ina qays oo Basra joogay kaliya, waxaana jiray abeesooyin badan oo dhuljiiftaynayay oo aan wali is muujin oo mugdiga ku shaqeeya, waaliyadii waa kala noqdeen oo mid walbaa wuxuu aaday taliskiiisii.

Waa meel balo ka socoto e, Saciid A.K.R.N markuu ku soo dhawaa Kuufa oo uu waali ka ahaa ayaa Al-ashtar abaabulay kacdoon, waxa uu diiday in Saciid A.K.R.N uu soo galo magaalada, waaligii waxa uu ku noqday Cusmaan A.K.R.N waxa uuna ka codsaday ciidan si uu u soo afjaro fitnada dardhaafka ah, laakiin Cusmaan A.K.R.N waxa uu doorbiday nabadgalyo, waxa uu waydiiyay sida reer Kuufa ay wax u rabaan waxa ay yiraahdeen Abuu-muusaa Al-Ashacari A.K.R.N ayaa waali noo noqonaya Cusmaan A.K.R.N waa ka ogolaaday, ogaada Saciid A.K.R.N waa ninkii yiri waa in la dabargooyaa fitnada iyo  nimanka  wada  waayo waxa uu odorosay waxa ka imaan kara markii uu u kuur galay dhaqankooda silloon.

Arrimahaas waxay dhacayaan waa sannadkii 34aad ee hijriyada, nimankii waxay sii kordhiyeen dacaayadihii raqiiska ahaa ee ay ka faafin jireen Khaliifka A.K.R.N, fitnadii waxay sii baalladhigatay dhul farabadan, Yasiid ina qays wuxuu ka doobiyayaa Basra, Al-ashtar Al-nakhaci wuxuu dhabidhisanayaa Kuufa waxaana ku weheliyay  Xakiim in Jabalah, C/llaahi ina Saba’ oo ahaa hoggaamiyihii fitnada wuxuu naban yahay Masar oo ay ku weheliyaan Kinaanah ina Bishir iyo Sawdaan ina Xumraan.

Waxay bilaabeen nimankaanu in ay fitnada sii kobciyaan, waxay bilaabeen in dacaayadaha maalinba mid cusub suuqa la keeno, waxay bilaabeen in ay dhulka u kala diraan waraaqo been abuur ah oo ay leeyihiin hebel baa soo qoray oo saxiixay, heblaayo baa soo qortay oo saxiixday, ogoow dadkaan lagu been abuuranayo waa Asxaabtii Nabiga C.S.W.S allaha ka raalli noqdee.

Saxaabadii ay ku been abuurteen waxaa ka mid ahaa Dalxah ina Cubaydillaah A.K.R.N, Al-subayr ina Al-cawaam A.K.R.N iyo Caaishah ina Abiibakar, waxay qorayeen waraaqo ay saxaabadaasu ku saxiixanyihiin oo Cusmaan A.K.R.N dadka looga horkeenayo ama lagu durayo oo laakiin been abuur ah qoraal iyo saxiixba.

Yay kaa qarsoomin in xilligaas ay adkayd in beenahaas si degdeg ah looga daba tago waayo dhulku aad buu u kala fogaa, gaadiidku waxa uu ahaa fardo, awr, baqlo iyo dameero, dhulka qaarkiis bilo ayaa loo kala soconayey, taasi waxay sahashay in nimankaanu dadka khawaysiiyaan oo wareershaan, dadkuna waxay noqdeen qaar run mooday dacaayadaha la soo dhoobdhoobay iyo qaar inta yaabay yiri bal aan hubsano, sidoo kale waxaa jiray dad ku baraarugsan in meesha balo ka shaqaysanayso.

Ogaada dacaayadaas waxaa haddeer wali isticmaala Shiicada, waxay yiraahdaan Cusmaan saas ayuu ahaa, waxaase ka siidaran dad jahli iyo garaad xumo isku darsaday oo halla rooro run mooday, sida gabadha la yiraahdo Saahiya Qaduurah taas oo sheegtay in dacaayadahaasu run ahaayeen, sidoo kale waxay tiri Caaisha ayaa Cusmaan dadka ka horkeentay, gabadhaas iyo qaar la mid ah waxaa ku dagmay kuwo masaakiin ah oo ku dhiirrada inay saxaabada wax ka sheegaan moodayna horumar iyo reer magaalnimo, waxa aanse idiin ballan qaadayaa in aan qormo u gaar yeelo Saahiya, Daaha Xuseyn iyo kuwo kale taas oo aan ugu magac daray (C/llaahi ina Saba’ run mise been!!!).

Masruuq ayaa laga wariyey in uu yiri: Caaisha A.K.R.N ayaa markii la dilay Cusmaan A.K.R.N waxay tiri asagoo aad mooddo maro wasakhdii laga dhaqay ayaad ka tagteen, waanad disheen, markaas ayaa masruuq yiri hadde adaa saas yeelay oo dadka u qoray in ay ku kacaan Cusmaan, markaas ayay tiri: Maya Allaha ay mu’miniintu rumeeyeen gaaladuna ku gaalowday baan ku dhaartaye in aanan khad madow ku qorin warqad cad oo ku saabsan waxa aad sheegayso.

Taasi waxay daliil u tahay in fitnawadayaashu  ay ku shaqaysanayeen waraaqo been abuur ah, dacaayado raqiis ah, si ay u fuliyaan hankoodii xumaa ee ku dhamaanayey dilka Cusmaan A.K.R.N iyo in ay dumiyaan dawladdii muslimiinta.

Run ahaan fitnadau waxay leedahay tilmaamo lagu yaqaan, waxaa ugu muhiimsan, dadka wada oo u badan dad aan la aqoon waxa ay yihiin, waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan, iyaga oo markaba isku dhereriya ama caasha saara akhyaarta ummadda, ayagoo caado ka dhigta in ay faafiyaan been aan sal iyo raad midna lahayn, ayago oo ku dara is bihin bihin iyo khayr baan wadnaa, hadallo iyo dhaqamo is burinaya oo hadba meel laga bus kiciyo.

Haddaba qormada tan xigata waxa aan ku soo bandhigi doonaa haddii Allaah ogolaado, maxay ahaayeen dacaayadihii Cusmaan A.K.R.N laga faafiyey?, ma run bay ahaayeen mise been?, aniga oo isku dayi doona inaan soo wada bandhigo amaba aan soo bandhigo kuwii ugu muhiimsanaa, isla markaasna aan mid walba daba dhigo jawaabteeda maxaa ka run ah ama ka been ah.

Waxaad dhab ahaan u ogaan doontaa in nimankaas haalikiinta ahi ahaayeen shar ummadda lagu salliday rabayna in ay dumiyaan jiritaanka ummada samaystaanna dawlad gacan ku rimis ah oo xoog lagu dhaliyo.

Makastiyo masaakiinta iyo midaan itaal dhaamin

Midka yiri waxaan idin ku marin maalmo iyo saacd

Madaxnimo inuu sidaa ku helin muruq ku taaglayn ah

Sadex magic Alloo xaajadaa layma marinsiiyo.

Cusmaan A.K.R.N isnawaxa uu ahaa khayr badane lagu been abuurtay, la dhibay, dabadeedna la dilay.

 Haddii Allaah idmo waa inoo qormada dambe .

Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Kulmis 1 says:

    shiikh cabdulqaadir waxaa yaa dilay?sheekh cabdulqaadir sida warar hoos oo reer garowe ka guuxaya iyo caa’ilada sheekha waxaa dilay faroole beena maaha arintaas.

  2. nabiil says:

    ee Maxaa la waydiiyey hee ma sheegtidoo!! Ali iska Aamus waxlee faa idayso. Sheekhana Allaha barakeeyo

  3. Ali says:

    Waxaa aad ka hadlayso wax laku waydiiyay maaha soomaalina maanta guruub waa kabaxday Heer casriyaa lamaraaya maxaa kuu tala ah

Leave a Reply