4-Sano Ka Hor Maanta Oo Kale Hadaladii iyo Talooyinkii Loo Jeediyey Abdirahmaan Faroole [Dhegeyso]

January 7, 2013   //   Faallooyin, Warar Somaali

Khilaafka ku saleysan arimaha doorshooyinka Puntland ayaa noqday mid soo noq noqday iyadda oo arintaasi meeshii ugu sareysay mareysa, Madaxweyne Faroole oo haatan xilka madaxweynaha Puntland haya waxa uu ku wareeray inta sanno ee xilka loo doortay.

Xaalada Puntland iyo aayaha jiritaanka Gobollada Puntland ayaan la ogeyn halka ay saldhigan doonto, iyadoo arrimaha haatan taagan ay marayaan heer qir-iyo qir ah.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta badan oo reer Puntland ah, ayaa ku hanjabaya in madaxweynaha Puntland aysan aqoonsan doonin wixii ka dambeeya siddeeda janaayo, dagaal iyo jajuub haduu la yimaadana aysan jiri doonin cid ka waabanaysa.

Arrimaha ay ahayd xukuumada Faroole inay ku dhaqaaqdo intii ay xilka haysay, balse ay ku guul dareysatay ayaa waxaa kamid ah:-

A)   Wakhtigii xukuumadda oo soo idlaaday maanta dalkana mugdi kusii hoobanayo.
B)   Amaanka Puntland oo aan ahayn mid hagaagsan.
C)    Afti Dadweyne oo aan loo qaadin Dastuurka Qabyada ah.
D)   Diiwaangelintii Dadka reer Puntland oo aan la samayn.
E)   Maamulkii oo aan ku baahsanayn Degmoyinka Puntland oo dhan.
F)   Midnimadii Puntland oo khatar weyn ku jirta.
G)   Deeganadda Dowladdu sheegtay in Doorashada laga qaban doono oo aan qaarkood gacanta Dowladda ku jirin sida (Ceerigaabo, Caluula & Laascaanood) I.W.M.
H)   Xuduudihii Puntland oo aan sugnayn oo qaarkood Xukuumada kale gacanta ugu jiraan.

PUNTLANNEWS24 waxa ay dadaal iyo wakhti badan ku bixisay sida loo ogaan lahaa cidda leh khaladka ku aadan arimaha doorshadda, ma siyaasiyiinta Puntland mise Madaxweynaha taladda haya iyo xukumadiisa.

Halkaan ka dhageyso Faroole  oo leh “ waxaa mahad weyn u celinayaa golaha wakiiladda oo maantay igu siiyey ( 8-Jan-2009) kalsoonidoodii  in aan qabto xillka Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland 4 sanno ee soo socota” xilligaas oo uu ka hor hadlayey shacabka iyo baarlamaanka Puntland.

 

Play


Sidoo kale waxaa halka hoose idinku soo gudbinaynaa Madaxweynihii hore ee Federalka Soomaaliya Mudane.C/laahi Yuusuf Axmed oo leh 4 sanno ee Faroole xillka loo dhaariyey waa in uu muujiyaa waxqabad dhab ah, iyo weliba in goboladda dalka si cadaaladda ah ku maamul.

Dhageyso C/laahi Yuusuf 

Play

Sidoo kale Siyaasin uu ka mid yahay Madaxweyihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa ka hadlay in wakhtiga xillka hayo Faroole ay tahay 4 Sanno oo maantay ay ka harsan tahay wax ka yar maalin, soo ma ahan mid sax ah in maantay aysan marna geli Karin i jiid aan ku jiidee.

“ Faroole waxaa uu dhowaan sheegay in 5 Sanno la doortay, hadalkii Baarlamaanka uu ka jeediyey ee ahaa 4 Sanno xagee aaday, ma shalay ayuu madaxweynuhu saxsanaa mise maantay ayaa waxa uu jecleystay in uu xukunka iska sii joogo”. Sidaas waxaa yiri Siyaasi reer Puntland ah.

Gudoomiyahii xilkiisu dhamaaday ee Barlamaanka Puntland ayaa isna sheegay taariikh 18-03-12 in xiligooda uu yahay muddo 5 sanoo ah, isagoo taas ka hadalaya wuxuu yiri gudoomiyuhu

‘‘’Dalku dastuur buu leeyahay,dastuurkana dowladda tan ka horeeyay soo diyaariyay mudadiisu asaga ku qoran tahay,goleyaasha hadda jira maalinta ay bilowdeen ilaa maanta asaga ku shaqeynayeen,isku doorteen ,isku dhaariyeen asaga bay weli wadaan.cid afar sano lagu dhaariyey,mid saddex lagu dhaariyo, mid labo lagu dhaariyo mudadii Puntland jirtay ma arag mana jirin,marka umadda inbadan baa iska hadlaysa oo rabitaankooda ku salaynaaya oo dal iyo dad ka fikiraynin,dalku dastuur buu leeyahay waana 5-sano’’,ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka halkan hoose ka dhagayso.

Play

Waa xusid mudan in baarlamaanka Puntland ay muddo kororsiga xukuumada ay sameesatay iyaguna ay sameeyeen oo xilka midba kan kale hal sano ugu daray oo aan qaanuuni iyo sharciyad ku fadhiyin.

Muranka iyo is qab-qabsiga siyaasadeed ayaa Puntland u  horseedi kara burbur, iyadoo guud ahaan Somalia aya la taacelyso xaalad kasoo kabaneysa intii hore, waa khasab in Puntland lagu sii mintido inay iyadu dalka ugu sii fiicnaato, waxnana aysan ka naaqusin haday ahaan lahayd Amni, Dhaqaale, iyo Horumar guud.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka ku saabsan xaga doorashooyinka ee soo shaac baxay?

Maamulka Puntland waxay diyaariyeen dastuur qabyo ah oo wata lifaaq aan wali shacabka loo soo bandhigin, sida lifaaqaas ku cad waxaa ku jira qodobo xasaasiyad leh, oo dowlada Puntland hiil u noqon kara inay xafiiska talada dalka sii heystaan, qodob kamida qodobadaas ayaa wuxuu u qoran yahay sidan:-

1-Muddada Xil-haynta Golaha Wakiiladda ee hadda jira waa 5 Shan sanno oo ka bilaabmata Maalintii lagu dhawaaqay Liiska rasmiga ah ee Xubnaha Xildhibaanada.

2-Muddada Xil haynta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku waa 5 Sanno oo ka bilaabata maalinta la doortay.

Dhanka mucaaradka waxay ku adkeysanayaan in doorashada aan dib loo dhigi karin, mar uu ka hadlayey Gudoomiyaha Isbedel Doonka Puntland Dr. Muuse Cali Jaamac waxay ay yeeli doonaan hadii xukuumada ay ku adkeysato in Hal sano ay ku darsato waxay ay yeeli doonaan ayuu kaga jawaabay sidan:-

Mudada xil-haynta Xukuumadda Madaxweyne Faroole waqtigu wuxuu kaga egyahay 8.1.2013 Janaayo 2013-ka waa haddii sharciga iyo Dastuurka la ilaalinayo. Haddiise ay Xukuumadu dhowri weydo mudadda uu xilku kaga egyahay ayna ku talaabsato muddo kororsi waxaa noo diyaarsan qorshihii iyo barnaamijkii aan si silmi ah uga hortegi laheyn iyadoo la ilaalinayo Midnimada Puntland.”

Hogaamiyaha isbedel doonka Puntland oo mar kale dadweynaha u fasirayey bal in loo qaadi karo afti dadweyne dastuurka Puntland iyo waliba tirakoob rasmiya ayaa ku jawaabay:-

“ Waxaan aaminsanahay in geyiga Puntland uusan ka jirin Jawi iyo xaalad afti lagu qaadi karo maxaa yeelay Puntland maanta xaaladeedu aad ayey u culus tahay.

Tusaale ahaan Gobolka Mudug waxaa ka jira gadood Siyaasadeed iyo Kalsooni darro dhanka Xukuumadda Faroole. Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waxay samaysteen Maamul Goboleed la yiraahdo Khaatumo oo ka madaxbanaan Puntland,halkaasna waxaa isbedel ku dhacay juqoraafiga Siyaasadeed iyo Soohdimaha Puntland. Buuraha Galgala waxaa jooga Ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo caqabad ku ah xasiloonida Puntland.

Baargaal iyo Caluula waxaa ka jira kacdoon la magac baxay Caseyrland iyadoo 27-kii bishii kowaad 2012 lagu dilay Degmada Baargaal Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland. Deegaamada Xeebaha Dowladda Puntland waxaa kaga awood badan Burcad badeed oo marakiib iyo shaqaalihii saarnaa madax furasho u haysta. Dhamaan duruufahaasi waxay muujinayaan in aan afti la qaadi karin waqtiga la joogo, balse loo baahan yahay in la samatabixiyo Puntland.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Dowladda Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) islamarkaana wasiirka maaliyadda ka ahaa xukuumadii ka horaysay xukuumadda Dr Faroole ayaa 13-kii bishan March magaalada Gaalkacyo ku qabtay Shir Jiraa’id,waxaana uu si kulul uga soo horjeestay in madaxwaynaha Puntland xilka loo dhaariyay muddo 5-sano ah,waxaana uu yiri hadii ay 5-sano tahay xilliga xukuumadda anaga ayaa sii shaqayn lahaa muddo 5-sano ah,halkii afar sanadood aan xilka uga dagnay.

Dhagayso

Play

Puntland ma ka bad-baadi doontaa khilaaf iyo dagaal dambe oo ku salaysan muddo kororsi la mida tii dhacday 2001-dii?

Shacabka Puntland oo lagu amaano shacab nabad iyo walaalnimo jaceyl, sidaa daraadeed dadweynaha caadiga ah marka aad la sheekeysato waxay kuu sheegayaan in wax walba oo nabada iyo iyo horumarka dabraya laga dheeraado.

Nin ka faalooda arrimaha siyaasada Puntlnad ayaa iisheegay in madaxda Puntland qaarkood caada ka dhigteen inay la soo baxaan xeelado cusub si u kororsadaan xukunka marka waqtiggodu gabaabsi noqdo, Arrintaasoo ay ka dhashaan Kacdoon Dadweyne oo ay ku dhintaan Boqolaal dhalinyaro ah , Boqolaal kalena ay ku dhaawacmaan, waxaa Aabayaalkood ku waayah Caruur aad u tira badan, haween badana waxay ku waayan nimankoodii, Waxaa ku burbura sidoo kale Dhaqaale aan la koobi Karin,waxaana laga dhexlaa Colaado, Bur-bur iyo dib u dhac.

Hadaba iyadoo la ogyahay ayaa waxaa nasiib darro ah in isla labadii Gole ee Puntland ay mar kale ku tallaabsadeen Falkii horay loo Eeday, markii ay si xeeladaysan isugu dayeen in ay muddada kororsadaan. Shacabka Reer Puntland wuxuu ka dhaxli doonaa mudo kororsigaas lugooyo ay ka muuqato dib u dhac weeyn , hadii uu goloyaashu qiimeyn waayaan duruufaha qallafsan, burburka dhaqaale iyo dib u dhaca laga dhaxli karo,waxayna u muuqataa in ay Puntland mar kale dib ugu noqon karto waqtigii 2001 ee ay xukumuudadii markaa jirtey waqtigii kororsatey.

Waxaan rabaa inaan fursadan uga faaiideysto in caqligu shaqeeyo,haatana ay nasiib darro tahay in muran la galiyo inta sanno ee madaxweynuhu xafiiska heynayo, iyadoo Puntland dhisan tahay in ka badan 13-sano.

Waxaan farayaa issimada iyo waxgaradka Puntland in xaalada dalka dhinac walba laga eego, iyadoo maanka lagu hayo in Puntland loo horseedo hanaan ku dhisan dimoqraadiyad xor ah, taasoo aadahana u ah saldhiga noloshooda.

Cali-Shariif  Warsame Cali [Boston]

Faalaha Qoraha warbixintan

Punland News-24

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (38)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. somali says:

    hanbalyo puntland hanoolaato hasraacdo madaxweeyne farooole xaqa hagartoo cadawgana ha iska daafaco dalkiisana ha ilaashado nabad hakeeno halka sano oo loogudaray

  2. Moha says:

    Ayaa qiyaali isu sheegay Waa Majeerteenka bal eega waxa uu ku shekenayo ma Ceergaabo ayay Pland Doorasho ka qaban kartaa iskadaa maanta e majeerteen oo dhan hadii uu maanta meel ka soo jeesto ma soo agmari karo.
    Dhul Habaryoonis weeyi Ceergaabo.

  3. belaaaya ninkii ka shaqeeya isagaa helaya war ka daaya dalka dhibaatada iyo burburka,waa wixii dalkii soomaliya burburshay,tan kale maalala xisaabtamo cida wax kororsiga sheegtay oo ansixisay,mase lasocotaan waxa kasocda xamar iyo koofur.

    hal sano ayaad ka hadlaysaane walle waxaad arki doontaan iyadoo laysla doondoonayo nimcada aad haysataan hayska qubina oo ilaah ku shugriya ayaan idin leeyahay.

  4. King K ooshin says:

    War Faroole in uu wax khalday Layskuma hayo, lakiin Maanta Hawiye , Dirta iyo Eelaay iyo weliba kuwa sheeganaya Darood ee Cuqdada Dishay ayaa hadii aad tahay Majeerteen waxba kuu ogoleyn oo jecel in aad baa´bado, Marka Ninka Maqaalkaan Qorayoow waxan ku sheegayaa Hawiya ma kala jecla adiga iyo Faroole, ee ayahaaga ka tasho, inta aad ku soo hoos Noqoneysid Tolka.
    Ujeedadaada kor u qaad, oo ku dood, Xamar maáha Caasimada Federalka Somalia, wa in laga wareejiyaa Caasimada, Ku dooda Awood Waybsiga Federalka, oo Madaxweynaha ha noqodo Kaltan, ama Cod bixinta waa in ay ka dhacdaa Gobolada oo dhan , odey miskiin ayaad tahay kor u qaad Wacyigaaga Siyaasadeed

  5. Puntlander says:

    SUAALO????

    PUNTLAND MA DAAROOD BAA? MISE HARTI?
    PUNTLAND MA MAJEERTEEN BAA MISE MAXAMUUD SALEEBAAN?

    YAA REER PUNTLAND AH?
    YAA DHIGAY SHARCIGA AH IN MAXAMUUD SALEEBAAN KALIYA AY MADAXWEYNE KA NOQDAAN PUNTLAND??

  6. Mimi says:

    Ilaahaw u naxariiso Mr.Abdilaahi Yousuf, wuxuu ahaa halyay wadani ah, sida muuqata khudbadiisi waxna ulama uusan harin Faroole, oo sida muuqata wuu ina badiyaa……………..Xooga wuxuu saaray ISIMADA,DHAQAALAHA,CADAALADA GOBOLADA,AMINIGA,WAQTI KORORSIGA(IYO NIDAAMKA AXZAABTA,XUQUUQDA SIYAASADEED OO DUMARKA.
    intiiba Faroole wuu u ku tacaddiyay wuxuu ka bilaabay Isimada,Amnigii Puntland,Cadaalad daro,Dhaqaale xumo(Puntland dhaqaleheeda oo rag tirsan xisaabtooda ku xerood)KAMA DAMBAYSTIINA WAALI IYO IIMAAN LA’AAN XILKORORSI…….ILAAHAW KAA SHARKIISA DHIIGLA’AAN NA DHAAFSII HADII AAN MUSLIN NAHAY.

  7. Mimi says:

    aad ayaan ugu mahadcelilnayaa P24, tani waa daliil aan lagu murmi karin,oo sida muuqata Farole wu is bedelay oo cudur xun oo xaqiiqda ka indhasaabaya ayaa ku dhacay!!!!!!!!!!!!! Laakiin dhbta jirtaa waxaa weeye Shacab ka Puntland diyaar ma u yihiin hadeer inay ka hortagaan siyaasada wareersan ee Faroole oo u Barlamaankii xataa ku daartay si nabadaysan oo cilmiyaysan U MALAYNMAAYO sidaa darteed waxaan kula taliln lahaa reer Puntland inay ka fogaadaan wixii qalalaase usoo jiidi kara Punland ,umalaynmaayo hadii uu Faroole xisbi samaysto xataa inuu ku guulaysanayo wax markaas ayuuba sii kashifmayaa, oo uu ka baxayaa xubno Barlamaan oo uu baqshiisho uga baxayaa shacabka Puntland oo dhan………….Allah sidi kheyr haka dhigo.

  8. warsame says:

    Ninka jidbaale isugu yeeray, hadii aderka uu shansano ku riyooday oo uu khaldanyahay ma waxaad talo ku soo jeedisay in aan khaladkiisa ku raacno, meeshan qawaaniin dad dhigteen ayaataal oo hadii maantay faroole riyadiisa loo daayo berito ninkii yimaadana waa in loo ogolaado inuu intuu rabo ku darsado marka waxaas caqli maaha dadka loola yimaado. Reer Puntland sharci ayay marhore samaysteen Faroole inuu sharciga ka wayn yahayna u malayn maayo ee yaanu sumcada iska xumayn, dalkan intiisii badnayd ayan gacanta ku jirina inta hartay kala kaxayn.

  9. Warsame Khalaf says:

    Dr Faroole

    You strict special responsibility to handover that post by peaceful and frindship manner and to explain why unwant should happen from you.

    Salaam.

    W.Kh.

  10. mahamuud says:

    kkk ma ila maqleyseen dardaarankii ugu dambeeyey ee Cabdulaahi Yuusuf AHN, wuxuu yiri Cabdiraxmaan 4-taa sano ee lagu doortey kusamee nidaamka axzaabta. hadii ay dhamaato 4-ta samo doorasho qabo.kkkk

    Faroole: muxuu yiri Dastuurka waxa uu qorayaa in dawlada jiritaankeedu uu yahay 5-sano kkk.

    maxaa qaldan ?

  11. Wiil-waal says:

    Waxaan la yaabey, mahadcelinta uu madaxweyne faroole ku dhawaaqey khudbaddiisii doorashada, iyo duqa barlamaanka oo hadda oranaya meel lagu sheegey laba sano, saddex sano iyo afar asno ma jirto. Wallaahi waa cajiib, qof bulshada xilkeedii haaya oo misana inkiraad intaa le´eg, meel maxfal ah kaga hadlaaya. War niman yohow caqligu ha shaqeeyo, oo ha idiin caddaato in dadku arkayaan dhaqankiina iyo damaciina. Weliba leydin ka xoog weyn, oo addii leydin ku kaco, sidii Qadaafi iyo Mubaarak baad baryootameysaan. Kuwa hadda idiin nacamleynaayo, hadhow iyagaa idin nacladaayo. Natiijada ka dhalata caqliyadda keligi taliyaha baa sidaas ah.

  12. ilgiir says:

    Xukuumaduhu waxay ku dhisan yihiin sumcad (credibility) loo hayo dadka xilka u haya, gaar ahaan ninka astaanta u ah. Haddii ay sumcaddu baaba´do, qofku wuxuu noqonayaa mid aan dadweynaha ugu muuqan karin in uu yahay kii saxa ahaa. Sharaftu waxay markaas ku jirtaa in uu dadka ka hor dhaqaaqo oo wejigiisa ceebta ka dhowro. Laakiin, waan arkaayoo waa ilgiirraa, dameer u ekaa kase daba dheer, alla daa´inow heygu soo deyn.

  13. GAC. says:

    WAAAAAAAW!
    Waxaan PLnews24.com u doortay THE WEBSITE OF THE YEAR 2012!
    Waana ku mahadsantihiin kaydkaan ku saabsan mudada Faroole madaxtooyadiisu tahay oo ah 4 sano.

    Anoo codadka C/lahi Yussuf iyo Faroole dhowr goor ku celceshaday, Faroole waxaan ku leeyahay sida soo socota:

    War ha is ceebayn!

    Waa aad ogtahay kuwii kaa xooga badnaa, kaa hantida badnaa sida Qadaafi of Libiya, Ben Ali of Tunisia, Ali C/dalla Saleh of Yemen, Husni Mubarak of Eygpt, Mabuto of Congo, Ferdanand Marcus of the Phillipines, Baby Dog of Haiti ama xataa Siyaad Barre meeshay ku dambeyeen ee sharafka ha iska qaadin!!

    Taladaydu waa Puntland ha gelin burbur iyo dhibaato aan loo bahnayn. 4 Sano waxay kaga egtahay 8da Jan.2013.

    Maalintaas ama adigo xilka mar 2aad laguu soo doortay ama kanku bedelaya waa in la dhaarshaa!
    Ogsoonow dad badan, ama argagixisada ha ahadeen ama derisyada ha ahadeen ayaa jecel burburka Puntland ee kuwaas haka farxin, waa iga talo!

  14. MAAX says:

    Qofka aadanaha ah mar hadduusan dhaqan iyo diin san oo xumaanta iyo wanaagga u kala sooca lahayn waxba ma aha.

    Taas darteed, ninka Gaagaab la dhaho waa damiir laawe ma xishoode xaaraanta iyo xalaasha aan kala aqoon kuna sifoobey kas gaabnimo iyo dhaqan la’aan horena waanu u niqiin ee dadka aan aqoonta u lahayn ayaa ku khaldam markasta.
    la socda

  15. Walah wanku qoslay markan wada aqriyay commentiga laga wada baxshay xil kororsiga dowlada waxana la isku xukumaa meel walba adunka waa sharciga hadaan sharciga la ilaalina waxa la wada noqonaya dad iyago dhan wada madaxweyne ah waxay aniga ila tahay taarikhda wey qormaneysaa in adan madaxweyne farole balmadow ka galin ee tarikhdu ku xusto sida kartida iyo geesinimada lahayd u sameyay madaxweynihi hore puntland gen cada muse oo ahaa hal malin lagu dari mayo waqtiga dorashada puntland ayna u dhacday hadii hada 1sano lagu dari lahaa maxa damanad ah oo cadenaya in marku dhamado aad ka dagesid xilka ama dorasho aad galeysid jawabtu ma jirto wax damanad ah o arintas kalsoni sin karta shacabka reer puntland waayo iyado meel fagaro ah lagu doortay mudada 4 sano ah ayaa tiri 5 sana la idortay taas o dhagafar nagu riday hadan nahay rer puntland fadlan mudane madaxweyne u horsed dadki masakin rer puntland shalay xilka ku dhibtay nabad iyo dorasho xor ah gana ugu abaal gudin madax adeeg iyo digtatorinimo hadad tahay qof abaal guda by kamatage

  16. Howle says:

    Faroole ku darsiga iyo lacagta shariif sakiin ee Sudan lagu daabacay labadaba dadka reer puntland buu ku eegayaa. Hadday diidaan waa ka noqonayaa hadday hadli waayaanna waa marsiinayaa ee hala diido. Horey buu u dagaalamay markii wasiirka laga eryey, dowladdii cadde, ma u malaynayo haatan inuu madaxweyne isagoo ah uu nabad kursiga ku baneynayo. Waxaan oran lahaa haddii ay noqoto in dhiig daato iyo sanad loogu daro haloo daayo sanadka. Dowladda bedesha maxakamad ha soo taagto faroole, guddoomiyaha baarlamaanka puntland, shimbara laaye iyo waxii la hal maala.

  17. Dr Yusuf says:

    Aniga waxaan qabaa in Faroole sanad loogu daro balse waxii latabanayo lagu adkeeyo inuu saxo,sida aminga habkay usagayaan oo casri ahayn ama ah hab qadiimi ah,Isbaarada oo ganacsiga lagu curyaamiyey oo badan,canshuuraha oo siyaado ah,Airport la’aan oo diyaarada lagaga soo dego Berbera canshuurtana halkaas laga bixiyo,doorashada oo la hormariyo sida xisbiyo la furo,Saxaafada oo lamadaxbaneeyo,Biyaha,Korontada,Dugsiyada asaasiga oo la hormariyo Dawaladana ay kantaroosho hadduu intaas wax kaqabto Faroole xaq buu uleeyahay in 5 sano oo kale la doorto shicibka horumar buu rabaa ee marabo,Gagaab iyo Cabdulaahi siciid samatar waa kuwa keenay systemkan qaldan oo puntland lagu hago,haku noqonina dhibaato iyo dibudhac,Faroole nimankan iyo kuwo kale oo lamida wuu ka fahambadanyahay ugana dhowyahay horumarka iyo hogaaminta.
    Dr Yusuf Issa

  18. maxamed says:

    Dadka leh Faroole sanad haloo gu daro hadii kale burbur ayaa imaanaya oo ten sano ayaan dib u dhac ah ayaa puntland u imaanaya. Walaalayaal hadii ninkii madaxwayne loo doortaaba intuu rabo ku darsado hade meesha sharci kama jiro. Reer puntland mar hore ayay wayo aragnimo kasoo qaateen kudarsi waana tii kaliftay in Cade Muse uusan malin ku darsan. marka hadii faroole loo dayo sanad ku darsi ah,kii kastoo yimaada intuu rabuu ku darsan, taasina wax sharci ah maaha wadana sidaas looguma talinkaro. Hadii waxkasta dhacayaan Faroole loogu dulqaadan mayo inuu maalin ku darsado.Mida dadka Saxaafada eedaynaya hadii runta laga hadlo oo waxa xaqiiqda ah la sheego ma wax ayaa la haleeyay? hadii Faroole runta loo sheego ma ma waxayaa la haleeyay? waxan u arkaa Faroole siduu doono ha yeelo yaan lala hadlin hadaadii aan sanad loogu darina Puntland ayaa burburaysa, Faroole waa shaqsi masuulyadana daka ayaa u dhibtay isaga iyo afart tuug oo la shaqaysa markii waqtigoodu dhamaadana, Way dhaafi umada

  19. Gacaliye says:

    P land law firm, waa ku salaamay!
    Codsigii (application form for OPEC-membership) ku biiriista OPEC waan qoray, waxaan rabaa inaad adigu OPEC u gud’bisid ee xagee baan kugu soo diraa, KKKKKKKKK?
    Engineer Gacaliye.

  20. dhaaaaaaaake puntlander says:

    intaa waan talmaayoo toban saniyo dheeraad wixii aan tabaayaan soo taamay maantee tamartaydu waa taageradiine calankii ma taagteen tiir bira ma saarteen shacabkii ma tooseen ma tashadeen dadkaygii nacabkii ma tuureen tola’ay reer puntlanow talaabada aad qaadeen waa tii ugu haboonayd tabashada dadkeenii taariikhdiinii beri hore toos ma u haleesheen. waxaa la yiri talo iyadu ku guma noolee adaa ku nool dad kaygoow kala doorta sida koonfurta soomaliya iyo sida qadar iyo kuwayd labada daas arimood ba waa wax suurooba dadkaygu inuu mid kood noqdo hal sano oo qayr keen ina ka reeba taladydu waa ka ta naasulid maxaa yeelay tani way dhaqaaqday maaha maalintii dib loo soo celin jiray

  21. P land law firm says:

    Kkkkkkkkkk qori iyo dagaal majiro, waayo yu yu [hawiye]manihin, so xeer ilaaliyaha qaranka ama maxkamada sare ayaa laga rabaa inay dadka u fasirto waxa lagu muransan yahay,kkkkkkkk xeer ilaaliye mohamud hassan osman ma in lagu ruqseeyaad kabaqaysaa maxaad u hasdli ladihiin?kkkkkkkkk teeda kale faroole aqoon wuxuu shalay cunay maxusuusto haduu rabo idinkuna cod sanado kahor laga duubay baad ka hadlaysaan kkkkkkkkkkkkk,garoowe boy wax baro saacadaan mooriyaan nimo ha u fak fakane,nin yar baad tahay sida qoraalkaga kamuuqata,magaaladana hanaga ceebayn waa caasimadiiye walaale adoo raali ah,wabillaahi towfiiq

  22. P land law firm says:

    Kkkkkkk waa waalan yahay jinni uu qabaa aan maqli jiray,markaan casapopolare kunoolaa, so faroole waa tabtii,indha adaygna isagaaba keenay, marka suaashu waxay tahay MAXAA INALA GUDBOON HADAANU NAHAY PLAND DAL IYO DIBEDBA? Anigu waxay ila tahay intii aan mugdi iyo amaan daro dib ugu noqon lahayn in ninka waalan laqanciyo, ileen afar sanoba waa u dul qaadanaye, kadibna uu sidii adeer claahi marka saarku ka ba’o uu aayar australia isaga noqdo, intii aan qas iyo qalaanqal geli lahayn, rajadii kubiiritaanka OPEC na ay lumi lahayd,kkkkkkkkkkkkkkk waa figradayda shakhsiyadeed,wabillaahi towfiiq

  23. Gacaliye says:

    War meesha sheeko kale ma jirto, Mr.Faroole haduu rabo inuu joogo 4 sano (to 8.3.2013) wax ka badan hasa soo sharaxo mar 2aad hana ku qanco waxa natiijada, it is as simple as that!
    Engineer Gacaliye.

  24. Hersi says:

    Sabur iyo feejignaan baa loo baahanyahay ..waan aragnaa faroole waxaa jar katuurahaya burcad diimeedka ganacsiga kala dhaxeeyo oo doonahaya kala burburka p.land. Waa in maamula loo sheegaa in aanu xaq ulaheyn ku darsi iyo kuxadgudub sharciga …lagana fogaadaa waxkastoo dagaal keenikara oo dhan waana in labadiyaa mudaharaadka …..kororsigii cadda aan u diidneyna ka ogolaanmeyno faroole ….haduu kasoo bixi waayey howshii loo igmadey mudadadii loogutalagaley waa in uu iska tagaa ama iscasilaa ama waa in uu udiyaargaroobaa duufaanta xagaaga sunnaamiga ee bariga dhexe oo kale…..kuwa guulwadeynta wadana waa in eey isdabaqataan…inta goori goortahay.

  25. ahmedpunt-------------dk says:

    asc ww bahda saxaafadda iyo akhyaarta kale .
    soomaalidu waxay ku maahmaahdaa balaayo af laqabta leh laakin dabo laqabto malahan ,waxaan uula jeedaa 1-saxaafadda oo aad moodo in layiri dadka isku dira lacagbaa la idin siinayaaye ,waayo dalka soomaaliyeed ama puntland 21 sano nidaam fiican iyo kala dambeen majirin , wiilkii xiligaa dhashay waxuu ku caqliyeestay nidaam la aan iyo kaladambeen la aan oo wax kastoo wanaag dawladnimo kujirto haddii loosheego aan dhagihiisa lamarsiin karin waayo maba yaqaan ,waxaan haddaba leeyahay saxaafadda dalka noocaasa oo dadkiisu sidaas yihiin waxuu u baahanyahay in waxyaabaha dadka kalafogeenaaya iniinaan sooqgudbin sida ciyaalka caytamaaya ,ama su aalaha keeni kara dhibka iyo isnacaybka dadka reer puntland oo ah dad nabadda jecel kuna caanamaalay,haddaba waxaan mar koobaad iyo marka labaad iyo sedexaad ka codsanayaa saxaafadda sida puntland nws24 dadka puntland nabadooda iyo horumarkooda inaad kashqeesaan oo iniinaan u xisaabtamin sidii reer galbeedka oo yiraahda saxaafadda xortaa ,saxaafadda xortaa waxay kashaqeen kartaa dad iyo dal dhisan oo hay adihii amaanku xoog leeyihiin oo kala dambeenu jirto ,war waxaan leeyahay nabaddaa yar oo puntland hasii kala daadina oo dadka bara nabadda macaankeeda iyo dawladnimadu waxay tahay .2-madaxweenaha puntland oo hadda jira waxaan leeyahay wax wanaagsan buu qabtay ,waxaana kula talin lahaa inuu sharciga iyo nabadda puntland ilaaliyo oo uu xusuusnaado waari mayside war hakaa haro oo uusan taariikh baal madaw uusan dadkiisa uuga tagin .3-shacabka puntland na waxaan dhihi lahaa yaan laga tagin maah maahdii aay iska lahaayeen dadka reer puntland oo ahayd shacab baariya oo madax la ,runtii websit yada markaan arki jiray waan farxi jiray waayo shacabka puntland qiimahooda iyo siday nabadda ujecelyihiin bay taasu kubaxday , waxaan leeyahay nabaddaa lagu caana maalaaye nabadda wax kasta halaga hormariyo oo yaan sinaba puntland nabadeeda laburburin,wadamadaa reer galbadka oo adduunka maanta ugu sareeya waxay horumarka kugaareen waa nabadda ,waa in dhalinyarada puntland aay hindisaan baabuurta sida loosameeya iyo helukabtarka oo aay bartaan cilmiga tignaloojiyada oo aay maskaxada kasaaraan qoriga oo aay kuxisaabtamaan adduunka horu maray inay tiigsadaan,taana waa sheey fudud waayo waxii dadaal lagu raadiyaa waa lagaaraa—-wabillaahi toowfiiq

  26. jidbaale says:

    horta dadkaan meesha wax ku qora waa koox yar oo wada cuqdadaysan waxaan cunuga leh qori baan qaadanayaa adeer horta qoriga waxa uu gudo niyo waxa uu gooyo ma taqaan? tan labaad waxaan aad ugu mahad celinayaa plnews24 xogta xaqaa iqa ku salaysan oo ay shacabka u soo bandhigtay halkaas waxaaa nooga cad inuu faroole khaldan yahy lkn shacabka maxaa la gudboon? waxaa la yiri ninkii hooyadaa qaba waa adeerkaa adeerayaal nabada ewaxba ha siisanina faroole haduu yiri sanad ayaan ku darsanayaa oo caqligiisu siiyay kaadi badne waa loo gogol badiyaa marka sanad waa 12 bilood wax badan maaha ka warama hadaan talada gaagaab iyo ina siciid samatar qaadano oo qor yaha qaadanao faroolana la dagaalano hadaan shacab nahay maxaan ka faaidnay bal ka fakara car yaa ii sheega wax yarna ha ahaatee waxa shacabka dan oo ugu jirta ? taas bedelkeed khasaaro iyo dib u dhac ayaa dadka ugu jirta marka adeerayaal nin ku leh qori baan qaadanayaa caqli kuma jiree taas ha ogaado faroole waxaa looga badin karaa asigoo sanadkaa uu qabsaday loo aamuso waxa uu ku kacana la arko maxaa yeelaya taasi waa danata dadka iyo dalka waa hadaad tahay muwaadin puntlanad u diir naxaaya shalaya faroole afarta sano waa ogolaa oo malaha wey la badnayd lkn wax la tiriyo sidaas ayuu u yar yahay sanad waxba maaha lkn qofkii dhaha nabada puntlanad baan sanad u wax yeelaynayaa oo waxaan dooranayaaa toban sano oo dib u dhac ah iyo soomalidoo kugu wada qososha ileen soomaliyoo waa cadawga puntlane

  27. bosaso man says:

    Faroole waxaan ka baqayaa inuu puntland u horseedo foolxumo iyo bur bur … War wakhtigaagii wuu dhamaaday ee haddaad xukun sii rabto isa soo sharax laakiin khiyaano iyo burcadnimo darteed sharciga dadku ku hishiiyay ha u bur burin … Teeda kale dadka leh faroole wuu fiicanyahay waxaan oran lahaa fiicnaan iyo xumaan lagama hadlayo ee sharciga yaa la isku haystaa qofkaan taa fahansanayn fadlan ha ka hadlin waxaadan fahmin … faroole na dhaaf AMA si sharci ah ku soo laabo haddii kale wallee waa la iska kaa dhicin … Cirka hadduu soo dumana meeshaad ka gashid baan ka galaynaa !!

  28. maxamed says:

    Waxaan u malayn Faroole afliisa iyo dhegahiisu isma maqlaan odaygu mindhaa waxba ma xasuusto, waa in hadalkiisa la dhegaysiiya. si uu wax u fahmo. mise faruudka uu tuubada ku nuugayo ayuu ka samri waayay, Faroolow doorasho isu soo diyaari hadaad rabto inaad tuubada sii dhuuqo in marlabaad lagu doorto ayaa dhici kartee. umadana dhib iyo burbur ha u horseedin.

  29. A,W,W
    salaan kadib,ILaah baa mahad leh awalan wa aakhiran,anigu waxaan u arkaa Faroole inuu iska riyooday, qofkastaana waa iska riyoonkaraa kursi jecayl iyo afmiinshaarnimo waqtigeediina waa dhammaaday, shacabka puntland-na maanta waxay u baahan yihiin waxqabad iyo horumar been iyo buura fuul fuul iyo dhahab dhahabna qoordiinlaysna waa ka daaleen dadkaani, markaa haddaynu doonayno inaynu wax noqonno waa inaynu masiirkeenna gacanta ku qabsannaa, oday tuubo lacag ah iska nuugayana aynaan iska arrin galin, Faroolana waa inuu iska dhiibo xilka si sharaf leh oo xalaalnimo ahna isaga wareejiyaa, haddii kale wixii ka dhaca isagaa ka masuul ah.

  30. Mahad hurre says:

    Waxan mahad uu jeedinay wabsite p24 iyado uu dadalaysa in fahansiso qof ki qalad wada haddana nahay shacabka puntland waa nin waxkala aqoon madaxwaynaha hadda hayo waxay kala aqoon inti loo doortay waayo wuxuu doonaya in uu ku darsado lagama yeelayo,wax uu qabtay puntland kama jirto waayo waxaa ka jira amni laaan gobolada qarkood ka goaay

  31. garowe boy says:

    RON AHANTI FAROOLLE GAROWENA WAJI UMA YAAL CISE GUDIHISA AYY IS HAYAN DADKA KALE MAXD KA MALYN NINKAN DALKA DHIB AYU O KENY FADLAN WAN SO SABORNAY XILKA SI RAXA LE IYO SHARF HAWGA DAGO ANI WAXN AHY ARDY RER BUNTILND FAROOLLE HADI ISKU DHAJIYO WALIGA QORE MA QADAN LKN WAN QADAN HADI O DAMCO IN O KU DARSADOH RUN AHANTI MANA SABORI DONO INTA KA BADAN CABDULLHI TISI AWOD IYO RAGATINIMO AYY AHYD KAN MESHA RAGATINIMANA KUMA HAYYO WAX BADSO WAX BEL YAYSAN KUGO NAQON HAKU DHIMAN MESHA ISKAGA TAG CARURTADANA HAYSKAGA LAYN INDHA SHACBA SI FICAN AYY MARAKAN UGO JEDAN BUNTILND SHACBKANA DARENKODA WA KACSAN YAHY FADLAN FARROOLLE SI SHARF LEH ISKAGA WAREJI SO CADE KUGO WAREJIYY O HALKAN KA MOQTA

  32. asc,
    waxaan umalaaynaya in puntland aay noqon donto sida konfur hadaanan sidan wax laga badlin farolana runta loo sheegin puntland waay lumaysa taas wax iga daran musharixiinta wax qabadkoodu ka liito farole oo madaxnimo doonaya kuwana waa in dalka laga qabto oo dad nadiifa la keeno.
    asc.

  33. qardho says:

    Rageeda daaya odayga faroole ah waa halyey qaran Halsano ma badna lkn ma lahubaa in faroole uusan Ku darsan doonin markale.

  34. Gacaliye says:

    WAAAAAAAW!
    Waxaan PLnews24.com u doortay THE WEBSITE OF THE YEAR 2012!
    Waana ku mahadsantihiin kaydkaan ku saabsan mudada Faroole madaxtooyadiisu tahay oo ah 4 sano.

    Anoo codadka C/lahi Yussuf iyo Faroole dhowr goor ku celceshaday, Faroole waxaan ku leeyahay sida soo socota:

    War ha is ceebayn!

    Waa aad ogtahay kuwii kaa xooga badnaa, kaa hantida badnaa sida Qadaafi of Libiya, Ben Ali of Tunisia, Ali C/dalla Saleh of Yemen, Husni Mubarak of Eygpt, Mabuto of Congo, Ferdanand Marcus of the Phillipines, Baby Dog of Haiti ama xataa Siyaad Barre meeshay ku dambeyeen ee sharafka ha iska qaadin!!

    Taladaydu waa Puntland ha gelin burbur iyo dhibaato aan loo bahnayn. 4 Sano waxay kaga egtahay 8da Jan.2013.

    Maalintaas ama adigo xilka mar 2aad laguu soo doortay ama kanku bedelaya waa in la dhaarshaa!
    Ogsoonow dad badan, ama argagixisada ha ahadeen ama derisyada ha ahadeen ayaa jecel burburka Puntland ee kuwaas haka farxin, waa iga talo!

  35. Eng. Ahmed Jamac says:

    PN24 waan idinkaga mahad celinaynaa sida habsamida leh ee aad isaga xil saarteen ururinta xogat dhabta ah iyo keydka hogaamiye walba laga hayo. si aan u xaqiiqsado hadalka faroole waxaan ku ceshtay dhowr mar waxaana si fiican u fahmay inuu ku dhaartay 4 sano inuu xilka heyn doono,isagoo taasi qiraya. sidoo kale c/laahi yusuf ayaa hadal xiisa leh ku hadlay isagoo dadka ka badiyey faroole oo yiri war faroolow dulqaad muuji oo fudeydka yareey. wuxuu kaloo u sheegay in 4 sano uu dalka horumar gaarsiyo dhulka maqana soo celiyo. runtii PN24 shaqo wanaagsan ayaad qabateen HISTORY Repeats it self

  36. Salma says:

    WAAAAAAAAAAAW VIVA PUNTLAND iska qabta odayga xun oo doonaya in uu dadka isku laayo

    Faroole isagii ayaaba ka daray caruurtisiii waayo waxaa uu noqday Qadaafi oo kale ma waxa uu rabaa in tuuladii u ku dhashay isaga oo meel xun ku jira in laga soo saaro.

  37. Khadro Axmed Uk says:

    WAAN QOSLAY MARKAAN MAQLAY CODKA FAROOLE SABABTA OO AH ISAGA AYAABA MUCAARAD ISUGU FILAN MUXUU MARKII LA DOORTAY BALANTA UU QAADAY U FULIN WAAYYE.

    HADALKII CABDULAHI YUSUF SOO BAXAY OO AHEYD ADIGA MUCAARAD HA ISKU NOQON XUKUN JECELNA YUUSAN KU GELIN MAHADSANDIIN PUNTLANDNEWS

  38. Nugaal Boy says:

    PUNTLANDNEWS24 walaahi niman rag ah ayaad tihiin xogta aad soo bandhigteen in shacabka ay abaal marin idinku siiyaan weeye.

    Faroole oo leh afar sanno ayaa la ii doortay iyo Cabdilaahi Yusuf oo leh 4 sanno.

    hadde 1 sanno dheeraadka ah xagee ka yimi, taasi waxaa laga rabaa in ay ka jawaabaan inta jecel burburinta puntland

Leave a Reply