Yaa Khiyaamay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax ?? [Faalo]

September 1, 2012   //   Announcement, Warar Somaali

Shacabka Soomaaliyeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay aad isku weydiinayey hadal uu Saxaafadda siiyey Musharax Xasan Abshir Faarax oo ka tirsanaa musharaxixiintii u tartamay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federalka Soomaaliya.

Siyaasi Xasan Abshir ayaa si caro leh waxa uu uga jawaabay mar la weydiiyey dareenkiisa ku aadan doorashadii looga adkaaday ee xilka Siyaasi Xasan Abshir ayaa si caro leh waxa uu uga jawaabay mar la weydiiyey dareenkiisa ku aadan doorashadii looga adkaaday ee xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka“ Waanu xisaabtameynaa waana Khiyaamay, rag baa waxaan ka masuul ah”.

Xasan Abshir Faarax waa siyaasi mudo dheer ku soo jiray siyaasadda dalka Soomaaliya, waxa uu waxbarshadiisa ku qaatay Jaamacadii Qaranka Soomaaliya isaga oo dhammeystay Shahaadda sharciga heerka 1aad (Bachelor Degree of Law)

1970kii ayaa loo magacaabay Duqa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu, isaga sidoo kale sanadkii 1980- waxbarshadda heer sare ah ku qaatay dalka Masar gaar ahaan Jaamacadda Egyptian Military Academy. muddo kadibna wuxuu kamid noqday ururkii ugu horeeyey ee mucaarad ku ahaa dowladii kacaanka ururkaas oo la oran jiray SSDF.

Arimaha Siyaasadda

Asaaskii dowladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Xasan Abshir 1999kii  loo magacaabay wasiirkii Arimaha gudaha ee Puntalnd, isaga oo ka dibna ka tagay Puntland waxaa sidoo kale mar uu noqday Ra’isul wasaaraha Dowladii Carta ee C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynaha ka ahaa intii u dhaxeysay 12 Novermber-2001 illa 8, December 2003.

2004, Xassan Abshir Farah waxaa mar kale uu noqday Wasiirka Kaluumeysiga ee dowladda Federalka Soomaaliya, August 1, 2006, waxa uu iska casilay Xilkii Wasiirka Kaluumeysiga ka dib markii khilaaf soo kala dhex galay Masuulyiintii dowladda isaga iyo lix wasiir oo ka mid ahaa Xukumadii Cali Maxamed Geeddi.

2009 waxaa uu ka mid noqday Musharaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland, inkastoo iyadoon la gaarin uu tartanka isaga haray, si uu Jabuuti mar kale uga mid noqdo siyaasiyiinta rajada ka qaba inay isku caleema saaraan madaxweyne dowlada federaalka Somalia oo qaban-qaabadeeda Jabuuti markaas ka socotay.

 Hadalka Xasan Abshir

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay in badan aad ula yaabeen ka dib markii Xasan Abshir looga adkaaday doorshadda isaga iyo ragii la socday hadalkii uu siiyey Saxaafadda, kaas oo illa iyo hadda la sugayo in uu ka bixiyo fasiraad cad cida uu sheegay in ay qiyaantay ee uu doonayo in uu la xisaabtamo.

Dhanka kalena dadweynaha reer Puntland ayaa waxa ay markii ugu horeyay aad u dhaliileen siyaasadii Xasan Abshir Faarax uu isugu sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, iyo weliba sida uu u diiday go’aankii ay u gudbiyeen odayaasha Beesha Daarood ee aheyd in uu ka tanaasulo xilkaas, inkastoo codsigii odayaasha uu taageeray Prof. Cabdirisaq Jurile oo isaga xilkaas isaga tanaasulay,

Dadka qaar ayaa aminsan in Xasan Abshir waayey dhaqaale uu u balan qaaday Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr.C/raxman Faroole ka dib markii uu meesha ka baxay Cabdirisaaq Jurile oo ay dowladda Puntland taageereysay.

Hadalka siyaasiga qofkii dhageystaa waxaa u soo baxeysa arimo badan, hasse yeeshe waxaa xasuustay gabay uu tiriyey AUN Abwaan Maxamed Cali Kaariye kaas oo ahaa

 Kolkeey xaajadu adkeed,halganka loo wada idleeyn

Aardaboole dinaahi jiray,iyagoo aan kala baqeeyn

Ololaha Maansadaa,eedeeynta bayaanadaa

Siyaasadda loo igmado,aduunyo la dhiibo iyo

Afbuuxa kuwii ku yiri Rajiimka la eersadoow,

ku eednaye orad na dhaaf.

Maadama uu diiday Xasan Abshir codsigii Odayaasha iyo weliba waxgaradka maantay yaa qiyaanay, ma waxaa khiyaanay Maamulka Puntland ee uu taageeradda ka sugayey, Ma waxaa khiyaanay xildhibaano u balan qaaday in ay u codeyn doonaan, Su’aasha waxaa jawaabteeda leh Siyaasi Mudane. Xasan Abshir.

Yuusuf Haji

yuusuf.hajji@gmail.com

Puntlandnews24

Editorial Team

 

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Asad says:

    Xasan Abshir waxa aad ka urinaysaan ma aqaannee, waa nin ka wayn qabiil,waa nin ka soo jeeda Puntland balse Soomaali oo dhan wax ku ool u ah. Haddii la qiyaameeyey walaalle xaqu waa shaqayn doonaa, oo kuwa qiyaameeyey iyagaa la qiyaamayn doonaa mar aan fogayn. Bal hadalkayga u fiirso oo maalmo kaddibna aan boggakan isku waraysano.

    Cuqdad baa dadkayga intooda badan bogga u fadhida. Bal aan aragnee cuqdaddaas meel ku gaara.

  2. Nur says:

    waxa qofwalba oo reer puntland ahi ka naxay soo laabashadii xasan abshir uu ku soo laabtay baarlamaanka. beelaha majeerteen rag cusub bay keensadaan laakiin beesha ciise maxamuud godob bay dadka reer puntland ka gashay markey soo celisay xasan abshir. ma filaayo in nin ka aqoon badan, ka soomaalisan, ka sharaf badan, ka qadiyad fiican in reerka laga waayey.ka mid ahaanshihiisa baarlamaanka waxay dhibku tahay reer puntland iyo somaali oo dhan. xasn ma xishoodo,qadiyad ma leh, waana danayste cid walbaa shaqaysan karto.

  3. Jeedal says:

    Xasan qolyihinan uma socotaane ee meeshaad usocotaan waa la ogyahaye hawshiina meesheeda ka wata. Waxaanse idiin sheegi haddii cid laga raystay waa la wada ogyahay oo ummaddu waa u markhaati cidda laga raystay iyo cidda sanada ummaddu u baxsatay ilaahay baana mahaddaas leh kadibna maamulka madaxweyne Faroole inuu leeyahay walaal waa markhaati madoonto taana ummadda Somaliyeed oo dhan baa ka markhaatiyah tan reer Puntland, ninkiise iska fadhi ku diriraya waa meesheeda.

  4. SUULDHABAALE says:

    Waa xaqiiq oo odagu siyaasadda wuu ku HAFTAY,laakiin sida qoraalka aad u dhigteen ee ah Faroole ama Puntland in ay uga baxday balan ay la gashay arrinkaasi ma jiro.

    Sidii caadada idiin ahayd waxaa qoraalkiina ka muuqda nacab reer loo qabo, aqoon fiicanna waan u leeyahay qolaaladiinu waxa ay ku salaysan yihiin!! markaa indikuna inta ku HAFATEEN qabiil ayaa baddu idin LAQDAY.

  5. imran says:

    Duul duul kisa aya badna ninkan puntland xiriir lama laha (Bahdii ka tage salkiis wa Bahal) kkkkk

  6. Waxay aniga ila tahay xasan abshir koleey intaan ani kabartay waa nin inta badan aan ilaalin danta reer ahaaneed iyo mid sumcadeed inta badana jecel halkuu danayn lahaa inuu dadkiisa dhexdooda iska soodhiso inuu iska dhiso dadyow kale oo aan ka aqoon kabahooda sigaarana uneceb asal ahaan halka qoomiyad ahaan uu ku abtirsado xoogaaga mar mar soodhawaynta ahna aysan ka ahayn rabitaan shakhsiyadeed balse iyaga ayka tahay kudil oo kahorgee dadkiisa halka asna uu uqabo inuu yahay nin wax kala og oo dadku wadani uhaystaan balse xaqiiqdu waxay tahay tallo bahdidiide bawduu kaduulaa hadana guuldarada iyo jabka iyo ceebta ku dhacday waxay salka ku haysaa tallo tolki diide tagooguu kajabaa

Leave a Reply