Zambia oo Koobka qaramada Africa qaaday kadib markii ay dhulka ku jiiday Ivory Coast

February 13, 2012   //   Sports, Warar Somaali

Zambia iyo Ivory Coast  waxay isla  ciyaareen ciyaar cajiib ah oo laga qeyliyey, waxayna isla gaareen   120 daqiiqad   Zambia 0 – 0  Ivory Coast,  laakiin  ciyaarta   oo ah final  ayaa waxaa  loo dhigey  rigooro. Labada kooxood ayaa helay  jaanisyo aad qaali  u ah,   waxaa ugu weyn  Drugba oo cunay rigooro loo dhigey.

Waxuuna  noqdey shimbiro laaye, cirka ayuu  u baxshey, ma’aha markii ugu horeesay oo sidaan oo kale uu sameeyo, sanadkii hore ayuu sidaan oo kale rigooro loo dhigey  cunay.

Gool hayaha Zambiya ayaa waxuu bad baadiyey goolal badan , taasoo la dhihi karo ciyaarta wax badan ayuu ka badalay, ciyaartii ayaa lagu kala qaatey   kaarka jaalaha, Ivory Coast ayaa labo jaale  qaatey, C. Tioté iyo S. Bamba, halka ay Zambia ka qaateen hal jaale D.Nkausu.

Dalka Zambia ayaa ku guuleystay oo dhashtay 8 rigoore halka Ivory Coast ay dhashteen 7 rigoore, waxaana cunay laadkii ugu muhiimsanaa laacibka reer Arsenal ee Gevinho.

Xulka Zambia ayaa markii ugu horeeysay koobka ciyaaraha qaramada Afrika ku guuleystay, waxayna ahaayeen koox dadkoo dhan fududeysteen, laakiin wacdarro la yaab leh lasoo baxay sanadkan.

Caawa ninka ugu nasiib darran wuxuu noqday Drogba oo sanadkiisii ugu dambeeyey ku jira ee u ciyaaraha kaga fariisan lahaa, wuxuuna goor hore oo aanba rigoore la isla gaarin khasaariyey gool ku laad loo dhigay kadib markii fowel lagu galay laacibka Gevinho.

 

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply